WAA MAANSO LA MAGAC BAXDAY HIIL QARAN




Waan idin salaamay dhamaan, Timacade groub, si gaar ah, hawl wadeenada sharafta le h, mar labaad waxaan salamayaa Reer Somaliland, intay ka dhab tahay somaliland nimad u, een is daad raacinayn.


Idinkoo iga raali ah, halkan waxaan ku soo lifaaqay, maanso la magac baxday (HIIL QAR AN), waxay wax badan ka tilmaamaysaa waxa ka socda Dalkeena, iyo waxa dad badani tirsanayo, oon wali loo garaabin. Raggii arin ka masuul ka ahaana aad mooda inay raadin ayaan cid ay ku riixaan. ILA EEGA

WAXAY TIDHI :-


 

   


Maan taa wa qisiyo yaab
Qab- qab dhaafay baa jira
Xumo aan la qarinayn
Wax qaloocan baa badan
Rag qoon saday wanaagii
Is qotomi yay meel baas
ku Qamaamay ceeb tii
Qasnadaha ku dhaan saday
Wixii qaran ka muu saday

*****

Maan ta waa qisiyo yaab
faras qaayi hiisii
Qurux diyo wanaag gii
Ka qashaaf hugiisii
Qol-qolada ku meer meer
Qoran iyo dameeraha
Caws koodii qaad qaad
Kolb a qori lasoo bood
Kala Qari dha-shiisii
Ku qamaame xumi hii

*****
Qaaradaha aduun yada
Wax is qoon sigaa badan
Nin ba qaalin tiisii
Quman tii u roonayd
Soo qotomi Halkuu rabay
xishood kina qoon sade
Ku qadhaab te beenaha
Qamar- qamar is dhaafiyo
Xidigaha ba qaar kood
Qalab koodi sii dhigay
Qamaar weeyi dunidi doo
Wa la kala qaloodee
Xumaan laysu qari yiyo
Way dhamaatay qaan tii

*****
Qaaf yahow tilmaan ceeb
Maan ta qalin daraalee
Qadar dhacay ka sheekee
Quluub tooda wada baadh
Qaraf iyo kabriid kiyo
Ka ilaali Qaan sada
Qun u sheeg Xanuun tii
Qablan ka iyo gaajada
Kii la seeg-shay Qurus kii

*****

Qaran waa la rogayoo
Loo sheeg tay Quwadoo
Loo dilay qabiiloo
Lagu qoray xumaanoo
In gabi la qayb sado
lagu gooyay qorigii
qaxa iyo dhibaatada
ku Qamambay meel kale
Qaarada ha aduun yada
Loo qayb shay gabigood
Ilaaha Qaadir weeyee
Gacan siiyay qaaliya
Qormo dagay Halkoodii
Maan ta kala qaloodoo
Isu qayb-shay reer nimo
Qoon days tay ceen badan
Qaribaayab garashada
Muxuu qaran u tarayaa ?

*****
Maan ta qaran jab weeyaan
Nin ka qaaca shidayee
Kali gii qamuun saday
Qoor u baxay dhibaatada
Qoys qoys u kala raray
Qasaareeyay dunidii
Waxay qayb sadeen iyo
Wax la qubay ba la dhigay
Iyo Qaa mahaa badan
Nin Qalooc shay wada falay
Waana qaar aqoon nacay

*****
Qaadir waa ilaahay
Quwad-diisu badan tahay
Qaar dhigay buxuur tee
Qolo kale hawada sare
Qoondeeyay risiqood
Nin ka quus tay ee nacay
Ka qamaaday diin tana
Ku qadhaab ta beenaha
Aqoon tii qarqoor tahay
Qaaxo taala feedhaha
Qufac aanu qaran Karin
Nin ka qaan u raacaa
Qurus kiis hoos dhaigay
Qarafays tahaa lumay
iyo qoloda reer jecel
Yaa u qabshay Garashada ?

*****
Nin kii qabad ka naax shee
Qalaxee hogaan shee
ku raraaya qalab koow
Qaad kiisu ma xamilo
Kolay waad qasaar tee
Qoor dheere awr kii
Qara wayne haw baqan
Gur-gurshaaga soo qabo
Qarqarsiga ka fududee
Isagaa wax qaban kara
U qoon deeyay haamaha

*****
Ciddii qaran Daar tee
Qarinay say dhiilada
Ku qadhab to ceeb toow
Qaran dumis ma sugi karo
Nin ka ceeb at qubayiyo
Qarad loow warkii helay
Wixii kuu qarsoonaa
Qarin maayo maan tee
Haatan waan ku qodayaa
Qufayaa xumaan tii
Wixii kuu qarsoonaa

*****
Qumaneeya warkaagii
Qaayibaa ku sheeg too
Qori hoos ka shidan iyo
Qaraf kiyo kabriid kii
Qaan dheeg ta daba dheer
Dub qalooca hoos yaal
Waa halis qaniin yadu
Xisaab qorani daba taal
Qiiqaa tilmaan ta leh
Qandaraas ku reeraha
Qadar lacaga lagu helo
Waa qasaare xeel dheer
Taariikh da qanigaa
Qirtay ceebihiinii

*****
Qaaf iyo wateen iyo
Dhamaan tii Quraan kaba
Nin qalooc-shay baa jira
Ku qadhaab ta ceebaha
Qaran kani inuu dumo
Lagu siiyo qaan badan
Qoor ta xidhiga loo sudhay
Weheshaan quruun kale
Qunyar socod mid baa neceb
Qarad kiisu dhiig yahay
Qaaxo taala feedhahay
Bal miyay is qarisaa ?

*****
Nin ciyaal kii qariyoo
Xaas kiisi qubayoo
Qaarad kale u joogaan
Lagu siiyo qaan tanana
Qixiin iyo dhibaada da
Ku qadhaab ta oo jecel
Wax ba aan ka quba nayn
Qori ololayoo shidan
Nin ka qoor ta kuu sudhay
Qaayibay xumaanaha
Qoon saday wanaagii
Qoom yahow habaw sanay
Bal maxaa u qarisaan ?
Qabiil uugu raac daan ?

*****
Isma qariso dhiiladu
Qadar dhacay ha joog tee
Qolo- qolo ha door bidin
Qori hay-su wada sidan
Qaali gii ha baayicin
Qaxxii iyo dhib tii iyo
Haw noqon qamuun yada
Qaran dida xabaalaha
Haw qodin qabuurii
Ha ku aasin qaran nimo
calan kaan qotomi nana
dhiig qoor ta haw sudhin
Qadar dhacay ha raad cayn

*****
Qab-qab dhaafay waa ceeb
Anaa ka qab wayn iyo
Qabiil kaygu waa hebel
Qoor dheere haw dilin
Ha qisaasin wiil kana
Hooyadaa ha qaran ridin
Qamuun yada dab naha iyo
Carab kood qaniin tiyo
Qiso aan dhamaanayn
Haw qubin aqoon badan
xumaan aan la qaban Karin
Umadda qoorta haw sudhin

*****
Nin ka qoriga jeceloow
Bal qiimee wixii dhacay
Qudhuu gooyo mooyee
Qori reer ma dhiqi karo
Waa qasaara joog tah
Qaran meel ma gayn karo
Quwad aanad helin iyo
Ceeb qoor ta kuu sudhan
Qaxar aan dhamaanayn
Ma qarsoomo qiiquna
Dhaxan kaama qaban karo
Ma bisleyo qurus kii

*****
Wallee qaran is garab saday
Qani weeyi wiiloow
Qoom awooda magansaday
Qiyaas lei u xoog saday
Qaadir kiisa magan saday
Quwaddiisa door biday
Qasnadaha dhulkiisana
Ku qodaaya Gacal nimo
Garab maray Qabiil xume
Ka qashaafay oo nacay
Qardoofooyin reer nimo
Qolonimada meel dhigay

*****
Adiguna quwaaxoow
Qudhac iyo galooloow
Maraa gaan is qariyoow
Qaxarka iyo xaan taay
Qodax reer ku taalaay
Nin agoon ku xaday Qalin
Qarsanaaya ceebaha
Kala quusan maynoo
Qaran baan wadaag naa
Qudhaa inoo dhaxay soo
Qarsan maayo ceeb tee
Iga qaado waanada
Qabribaa dambeeyoo
Malag baa wax qorayoo
Qaan sheeg tii dirayoo
kolay waa qasaaqree
Qun u eeg tilmaan tani

*****
Qoyaan hayga ka dhawrine
Qalayl maad ku hawl gali
Kol ba qaalin boobiye
keenada ka qabad siin
Haan teenii qabo iyo
Qori hayga kala jabin
Qunyar caanahw lulo
Hayga qadin caruuraha
Qawad hawgu lisin geel
Qorog koodu yuu madhan
Qaran kana tilmaan sii
Qun u sheeg aqoon tii
Qaalmo awr ka haw miyin
Qaar na bahal ka haw dhigin
Ha qaniinin waayeel
Nin ka garasho qoon sada
Qalin daar ku waa ceeb
Qaraf kana ka dheere.
HIIL QARAN HA MOOGAAN

*****

 

 

 

 

Abdulkhaliq Ali Mohamed
Saudi Arabia