Ilko-jiir shalay iyo maanta. Waa nala sirree Siilaanyo mee? Reer Jaboutiyow Geelle doorta annaga ayaa Siyaad Barre qalad ku erinaye !!!
 

Mr Ilka-jiir

Dhaqanka hal-karnimada iyo hal-adaygnimada leh ee lagu yaqaano Dadka Reer Somal iland, dhaqanka xushmada karaamada iyo qaderinta badan ee shacabka reer Somaliland ku dhaq maan isla markaana asalka iyo caadada u ah dadkeena kuma jirto ama ka mid maaha in qof ku noqdo mid wejiyo badan oo maalin ba middab iyo muuqaal gaar ah yeesha. Siddoo kale Raganimada, garashada,geesinimada, go’aan qaadashada iyo weliba geed adaygni mada ninnimo kuma jirto in aad noqoto qof sidda koorta geella lagu xidho maalin ba qof tu nto.

Asluubta eddaabta iyo weliba acmaasha diinta islaamka kuma jirto in qofku noqdo jirjiroole wakhti kasta iyo goob kasta oo uu joogo jaha wareer qofnimo daro ku dhaco meesha uu d an ka leeyahay ama uu dan ka waayona markiiba laga garto wejigiisa iyo hadalkiisa. Siddoo kale waxaa diinta iyo dhaqankaba ka reeban in qofku noqdo mid la adeegsado oo la dirto iyada oo aanu ku soconayn wax maskaxdiisa ka soo baxay . Intaa aan soo sheegay waxay lidi ku yihiin Diinta islaamka, Dhaqanka Suuban ee laynagu soo koriyey, iyo weliba qofnimad a rag iyo dumarba oo masuuliyadi weyni ka saaran tahay hagista iyo hormeynta nolosha bi nu adamka. Haybada iyo hadimo araga dadnimo indheergaradnimo, huga iyo sharafta shaq siyadeed ama wadareed. Haddii intaas aan soo sheegay aad wada yeelato ama qaar ka mi da yeelato waxaa hubaal ah waxaad tahay mid nolosha ku qasaaray isla markaana ku saaq iday ama ku qaribmey.

Balse suaasha is waydiinta lihi waxay tahay qofku mays oggaan karaa in uu intaas aan soo sheegay nadiif ka yahay? Jawaaabtu waxay yeelaysaa laba dhinac? Marka hore qofku had dii uu dhaliishiisa iyo goddalooladiisa og yahay wuxuu noqon karaa qof damiirkiisa garasho nool yahay, iska markaana kala garan kara xumadaha iyo samaha, waxaana dhici karta in qofkaasi ka nabad gallo dabeecadahaas aan kor ku soo xusay. Dhinaca kale waxaa jira qof intaas iyo in kale oo ka badani ku rarran tahay kuna reeryeysan tahay balse isagu isu haysta qofkii keli ahaa ee aduunka ugu aqoonta garashada iyo kartida badnaa.

Qofka aan is xisaabin ama is miisaamin samaha iyo wanaagiisa is dhinac dhigin kala ogaan w uxuu ku suntan yahay qof wanaagiisa uun arka waana ka aynu ka hadlayno ee wajiyada i yo muuqaallada badan leh, is mahadiyaha isu boggay ama is jeclaadayba isla markaana aan arkin dhaqankiisa qal qalooca iyo jiirooyinka badan odhaahdiisa iyo aragtidiisa maalinba me el u jeedo sidda oday geelii baay. Hadaba aan u gonta dego toosin iyo tusmayn kooban oo aan doonayo in aan si kooban ugu hoga tusaaleeyo Mr Ilka-jiir oo sheegta Abwaan ama Su ugaanyahan belo ka dhacday, laakiin shacabku markhaati ka yahay sugaanta iyo abwaanim ada Ilka-jiir hab dhaciisa iyo hiddo raaca suugaaneed halkana aan ka iftiimin doono si koob an.

Waxaan kale oo si urursan idinku guud mari doonaa wejiyada faraha badan ee Ilko-jiir mar ba mid xidho, kuwaas oo mararka qaar Jaboutian noqdoo marar kalena Somaliweyn u saca bka tuma, muuqana Somalilander gaamuray isula muuqada. Aan ku horreeyee Abwaanima da Ilko-jiir waa mid ku meegaaran ama ku meersan erayo heeseed lagu liqaafay music-gan casriga ah ee xilgan la isticimaalo DHUM IYO DHISTA, suugaanta Ilko-jiir ma dhaafto inta a an arkay hees, mana gaadho Geeraar,Gabay iyo Maanso macno leh toona, inta uu sameeyo ee heesta ah lafteeda waxaad arkaysaa haddii aad u fiirsato wax macno iyo milgo leh maa ha mana aha wax murti iyo meeqaam suugaaneed leh, kuma jiraan hadalo iyo erayo taaban aya ama saamayn ku yeelanaya qofka dhegaysanya, waa haddal music loo tumay oo mark uu doono xaraf raaca iyo qaafiyadaba ka baxaya, laakiin dadka hadda jooggaa qofku haddii uu heeso sameeyo abwaan bay ugu yeedhaan laakiin waxaa jira qof hees sameeya oo mar ka abwaan loogu yeedho yidhaaha anigu ma ihi abwaan raali ahaada.

Laakiin ILKA-JIIR marka abwaan la yidhaaho sacab ayaabu isu tumaa, ama isaga ayaaba is ugu yeedha Abwaan! Abwaanimadu odho maaha eray eray u gee maaha hees baan alkum ay maaha alif beeto tiri maaha isu wada ek-kee maaha afka kala fur uun maaha anigeys la wacan maaha umal iyo xanuun maaha iimaanka beel maaha ujeedooyin kuu gara shilin urur si uun maaha hadba qof u adeeg maaha sidda geel u olol maaha sidda ubad u ooy maaha aflagaado tiri maaha reeraha abaar maaha eeddee qabiil maaaha kaaga amuurtiisa iyo eel ka hooseeya afka uun ka dhowr maaha;. Intaa iyo eraydaa kooban aan ku dhaafo abwaani mada Ilka-jiir iyo suugaanta uu sheegto ee bilaa tayada iyo bilaa taabashada ah.

Imika bal aan eegno Ilka-jiir iyo aragtisiisa qofnimo ee ku wajahan mowqifkiisa guurguurka badan ee maalinba dhinaca u socda. Ilko-jiir oo mar u heesayey Madaxwaynaha Somaliland intii uu ahaa Gudoomiyaha Xusbiga Kulmiye Dalkana uu ka talin jiray Madaxwaynigii Horre M udane Daahir Riyaale Kaahin, wuxuu yidhi : waa nala siree Siilaanyo mee Waa nala siree Silaanyo mee; layaab iyo amakaag! Shalay haddii uu ilko-jiir siddan lahaa maantana wuxuu yidhi; Dhan uun Daalin noo dhaaf fajac !

Labadan xaaladood waxay sidda cadceeda inoogu cadaynayaan qofnimada ILKOJIIR ee aan meel loogu soo hagaago lahayn ee geediga maalinlaha ama saacadlaha ah ku jirta. Bal hada ba aan is waydiinee Ilkojiir ma dhib uu Madaxwayne Siilaanyo sameeyay oo SL geystay ay uu ka damaqday mise waxaa jira arin cadiifadeed ama aragti qabyaaladeysan? Haddii ay ta hay in Ilko-jiir Somaliland u damqanayo oo ay dhibayso xumaan Somaliland soo gaadhey bal u fiirsada Waraysigan uu Ilkojiir siiyey TV-ga Universaltv isagoo Siyaad Barre u barroorana ya isla markaana ka boodsan boholna ku riday Halgankii himiladdii Shacabka SL, siddoo ku hadlaya af wax cunay, una janjeedha dhanka jabouti, Madaxwaynaha Jabouti Md Ismaciil Cumar Geelle Amaanaya shacaka reer Jaboutina ku boorinaya in ay ISMAACIIL CUMAR GEE LE doortan wuxuuna yidhi ; Shacabka reer jabouti waxaan u sheegayaa kula talinayaa in a anay weligood bedeelin Ismaaciil Cumar Geelle annaga ayaa madaxwaynahayagii ( Siyaad Barre) Qalad ku erinaye! oo maanta aad na arkaysaane; http://www.youtube.com/watch?v=zEZINrDl_g8. Halkan ka daawada Waraysigaa.

 

 

 

Akhristeyaal markaad daawataan Vedio-gan waxaad si dhib yar u ogaan doontaan qofnima da maamuuska iyo qadiyada Ilkojiir. Ilkojiir qadiyadiisu waataas Siyaad Barre u barooranay sa, waataas beenta iyo waxba kama jirraan ka ka dhigtay Halgankii SNM ee shacabka Reer Somaliland oo galleen ee naf iyo maalba loo huray, waataas, hiilka u noqotay keli taliyihii macangaga ahaa ee dhiiga shacabka Somaliland daadiyey, waataas caddayneysa in uu Ilko jiir yahay qof aan ku qanacsanayn wuxuu yahay isla markaana kalsoonidu ka maqan tahay, waataas dafirtay dareenkii shacabka SL, waataas Somalilandernimadiisa ka dhigtay mid cal aamad suaal saaran yahay.

Waxaa kale oo vedio-gan aad ku dheehan doontaan Mr Iko-jiir kuu ku dhawaaqaya Ilahay na ka baryaya Midnimo Somaliyeed oo uu marka ula jeedo Somaliland iyo Somalia, wuxuu yidhi ; reer Jaboutiyow noo soo duceeya in ilahay dhibaatada naga saaro siddoo kalena mi dnino ( unity) na siiyo. Mr Ilko-jiir wuxuu inkiray doonistii iyo dareenkii Shacabka Somaliland ee gunta aya u ahayd gooni isutaaga Somaliland.

Waxaa kale oo Mr Ilko-jiir ka dhawaajiyey in llahay looga soo baryo in Somaliya ay dib u mid owdo isla markaan loo duceeyo midnimada Somalia wuxuuna yidhi ; Umada reer jabouti han oo soo ducayso in ilahay dhibta naga saaro iyo siddoo kale in ilahay midnimo nooga soo barya; isagoo u jeeda Somalia iyo Somaliland dib oo middooba kuna ducaysanaya. Wuxuu Inkiray oo aasay gooni-isu-taagii Somaliland iyo doonistii dadka reer Somaliland ee 98% d astuurka loogu coddeeyey.

Gebogebo, Waxaan ku soo afmeerayaa iftiiminta Ilko-jiir, shacabka Somailandnow Iko-jiir waakaas!!!

 

 


Ali K. Kabadhe

Amsterdam /Netherlands
calikayse@live.com