Shirkada Isgaadhsiinta Telesom waa Shirkada kaliya ee ay Dad weynuhu wada Leeyihiin Ma Geydo Dacaayado Rakhiis ah iyo Dhaleeceeynta Qof

 

 


Sida aynu wada Ognahey Shirkada Ugu Weyn ee Isgaadhsiinta Somalliland ee Telesom oo ah Shirkada k aliya ee ka dhexeysa Bulshada Reer Somaliland oo Boqolaal ka mid ahi ku leeyihiin Saamiga Ganacsi ee
Shirkadaasi ka dhexeyso, taas oo umada Reer Somaliland ay had iyo jeer dhaqan iyo caado u leedahey inaaney diiniyan dhaqan iyo arimo badan awgeed aaney banaaneyn in la fadeexadeeyo ama si badheed he ah oo qaawan loo cambaareeyo Shirkad Ganacsi oo Baabulaahi loo furtey taas,oo ka qeyb qaadata doorka adeegyada Bulshada dhexdiisa islamarkaana,waagii Beryaba kaalin mug leh kaga jirta Dhinaca Sadaqooyinka iyo Mucaawimooyinka Adeegyada Guud, taakuleynta iyo Saaciidada Qeybo badan oo ka mid ah Bulshada Reer Somaliland.

Waxa kale oo jirta in ay Shirkada Telesom Qaadhaan kasta oo laga guro dalka Gudihiisa ay ku leedahey door fiican iyo Gacan Muuqata, Tusaale ahaan Indhawaale tii ugu dambeysey, ee Deegaankeena Gobolk a Gabiley laga hirgaliyo waxey Shirkada Telesom ku laheyd kaalintii ugu fiicneyd iyo Gacantii ugu weyne yd ee Shirkadaha Ganacsi ah ee Somaliland kajira kaga Qeyb qaadato Dhismaha Wadooyinka Tog-Wajaa le xataa kuwa kasoo jeeda ama u dhashey Gobolka Gabiley ha ahaaeedeene

Waxaa xaaraan ah ama aan aheyn wax loo dulqaadan karo ceyda laf-jabka ah iyo dhaleeceynta aan ge edna haysan ee sida isdaba jooga ah loogu weerarey Shirkada ugu weyn Isgaadhsiinta Somaliland ee Telesom, Waxaan aad uga xumahey Shakhsi ahaan inaaney Dadweynaha,Reer Gabiley ee madax iyo mijo leh ee Sheekh iyo Shariif leh ee caaqil iyo Suldaan leh ee Aqoonyahan iyo Ganacsade leh, oo ka aamusey inan yar oo aan qiimo badan ku laheyn bulshada dhexdiisa, oo markii uu gudan waayey Waajibaadkiisa shaqo laga eryay Shirkada Telesom in ay lahadli kari waayaan ama ka qaban waayaan Shirkadaa Ganac si ee ka Dhexeysa Umada Somaliland iyo Soomaaliba oo dhan dalka iyo dadkana cidii wax kazoo gaadha anba Saameyn kuleh.

Waxaan kale oo aan kaga hadlayaa Qormadan nin walba waala lahayaa Taariikhdiisa iyo halka uu kasoo jeedo,Waxaan hadalkeygan Ku soo gaba gabeynayaa malaha majiraan Cid Shirkada Telesom lagu qorey
Qabyaalad marka Somaliland la yidhaadana Waxey kor u dhaafeen Shaqaaluhu kumanaan Bil kasta inta Mushahar uga Xaadirta ilaahey ayaa qiyaasi kara , Allxamdu lilaahi waxaan leeyahey aniga oo kasoo Je eda.

Dadweynaha Reer Gabiley aynu dib iskugu noqono, malaha waa la inaga tayo bataye la inagama tamar badane dadka xag xagashada aynu ka deyno hadey kuwa inaga joogaa qaban kari waayeen Shaqaalaha ,Masuuliyiinta iyo dadka Umada kale aynu deynu , Gabagabadii hadlkeyga waxaan Leeyahey Shirkada ug u Weyn Isgaadhsiinta Somaliland ma geydo Cey iyo Cambaaereyn uu ula badheedho inan yar oo Shaqa da laga Eryo, ee Waa Shirkada ay Somaliland oo dhami leedahey.
 

 

 

 

 

 

Guuleed Badde Cumar
Gabiley Somaliland