Waa Gabay laga magac baxay Galiilyo oo uu tiriyey A bwaan Cabdillahi Ibrahim Xaaji Xasan

 

 

 

Taariikhda gudubtaay Abwaan Geydh Qabaan ahaye
Galliilyada Dushaydiyo Hammiga Gocasha-reenkiisa
Nin gabood Falaan ahay hadaan kuu Gal-gaal baxa’e
Gacal iyo Sokeeyaba Guhaan Dayriyaan ahaye
Gunnimaan ka door biday intaan Gabay xilkaygiiye


******

Waxaan aabahay Gelin ayaan dabo Gucleeyaaye
Hay Giriifin waxaan kuu igmaday Garasho fiicnaane
Guddoonsii barbaartii dhamaan Golle ka fuulkayga
Guul-wade damqanayaan ahee Geli farriintayda
Geeddi baa dhamaantiin tihiin Garow la’aaneed dheh

******

Gunta badaha hoosaa yaxaas idinku Goobtaa dheh
Inta jeel la Geliyaa iyana laga Geyoobayn dheh
Gal-dalooladiinaan ilmada Gabax ka siiyaa dheh
Iyadooy Geddaa tahay xumaan kama Gadoodaane
Addoogiin kuwii Gawracaa Guul ka filaysaane


******

Kuwa horumarkiinii Gadaa Garab istaagtaane
Gadiidkiyo allaylkaba cabsaa Gebi dhaclaysaane
Guutooyinkii faqash rag-baa geliyey baaruude
Hadduu Gaasas adag sheegan jirey waa la Guud maraye
Gobanimada waa loo dhintaa Geliya maankiina

******

Waxaan uga Gol-leeyahay murtida yaan Gunnaanadine
Jeeroo Gumeystahan cod-bixin Gowda kaga saarno
Jeeroo Gambada loogu xidho Goboladeenoo dhan
Ma Gama’yo cali-yoow annigu waanan Gubayaaaye
Ceebtuna qofkii Garanayey iilka Gelisaaye

******

Iska sacab-Garaac waan ogahay Guul-darada taalle
Afartaa Geddii timacadiyo Gabaygii iidaan dheh
Murti Goggol dhigeedii muddoba waan ka Gaabsadaye
Gebogabada maansada waxaan arar ku soo Gaabshay
Godobtaadu Siilaanyo waa guri Gadoobaade


******

Rabbi Goob xun kuma joojiyiyo Guri-cas jiilaale
Inaad Geed adayg tahay khalqigu waa Gar waaqsade
Gur-gurshaa hayinna baad u tahay Gebiba reer laan-ne
Waxaad tahay Gabood laga dugsado Geydha dhaxameede
Ninkastoo ku Ganay aw-gayoow Guul kamuu heline


******

Gacalkaa waxay kula simeen laguma Guuraane
Adigoo Gar sheegtay af-xumo kugu Gedaameene
Addoon Guban-addoon Geesiyahow gibil madoobaanin
Gardaashaa xorriyadow macbuud libin ku gaadhsiiye
Guryo-samo xaqiiq waad ku furi Guggan horaantiiye

******

Gabdhihii tahriibaa iyana soo Gadaal noqone
Barbaartaa Gidaarada fadhida waabad gacan siine
Dharaartaa Guhaad iyo nacayb waa la dabar-goyne
Axmedoow Gafanayaal dhergaa gigay dadweynaaye
Wey golan-goleen ciidankii Gaadhka noo jiraye
Gaajada ka dheeree illaah kuu Gargaar abide
Xil baanaad Guudka saartee- daryeel Guud ahaan shicibka.

 

 

 

Gabaygaas halkan ayaad ka dhageysan kartaa