waa gabey cusub la yiraahdo, DACWAD, waxaana tiriyey qoraaga barkhad haaji cabdi, Mr Gaboye

 

Marka ugu horeysa waxaan salaamaya , salan xushmad iyo qadariin mudan ,dhaman shaqaalaha websetka gar ahan mamulka shabakada , marka xiga waxaan salan xushmad qadarin mudan ku salamaya dhamaan xakhristaha xushmada qadariinta mudan,


waxaanu ku bilaabma ,

 


habeenkoo dam yiri
dadkoo wada seexda
nafta waan la dooda
diidaaba nolashaba
markan dib u xasuusto
dalandoolka waayaha
duudsigiyo xanuunka
daashadey gabooyaha
deel qaafka u dheeryahey
anigoo duryaamaayoo
isla daaley kaligey
haatuf dawaafayoo
dal dheer ka soo kacey
dalxiis iigu yimid xaley
dabadeed wuxuu yiri,

marka hore salan diiran
waxaan ahey dalmar
dagalaan dhaweyniyo
hawadiyo daruuraha sare
dabeylaha mushaaxaya
dushadana maraayaa
dabuubtaada hadalkiyo
darnaqsigaaga doodii
dhagta igaga soo duushe
waxaanad la doobineyse
dareenkaaga kacshee
la dayoowdey bal i sheeg
dabadeed waxaan irii
darmaroow haatufow
ducaqabow imaqal
dunidan aan kunoolnahey
dagmadaas afrika
dacalkeeda geeska bari
dagalkeygu yahayoo
duulaan ii naxayniyoo
dad aan is dhaaminba
dow.walaalo nahayoo
duudii nabi aadan iyo <cs>
duriyadii rasuulkoo <csw>
daahiraanu wada nahey
diintiyo afkiyo midab
diirka waanu wadaagna
hadana wax igu direymoye
dunidaba dhamanteed
dadkey iigu necebyihiin
duudsibey igu hayaan
dulmiga iyo quursiga
deelqafku i dheeryahey
daandaansi iyo kibir
dilna waan tirsanaya
halkii leygu dugashadaan
dareenli i la jooga
anigoo dantooda guud
daryeelkooda ka taliyo
udaba xiran caafimadkod
dushooda kala gura
ka nadiifiya duliinkiyo
kaba dahab lamoodoo
dusha mas kadhigan iyo
daluunkiyo qodxahah
cagta deyr uga dhigey
gudin daab asleeyiyo
dugsi hoy lagu aadiyo
midi daafa weyn haliil
duunyo lagu bireyiyo
daawaha dharigiyo
girgire dablagu shidayo
miro darey lagu karsho
gaajo lagu daryeeliyo
haddii uu dagal dhaco
lagu duulo reeraha
hubka lagu dagaalgalo
waran dhiiga daadshiyo
difaacweyne gaashaan
dagal lagu xoreeyiyo
dirir col lagu jabshoo
lagu damashado nabad
markii aan diyaarsheen
ugu deeqey hagar li. i
ma wax leygu dirsooco
dulmi leygu geystaa
halkaan abal diiran iyo
darajo aan ka sugaaya
ma garbaa ma dowbaa
duudsi leygu naqshaa

dacwed kalena waxey tahey
culimadaa diintiyo
wadaadada digrinaayee
daalibiinta qurankiyo
duudsigaa aan qabo
dacalbey ka qateen
xaqa wey dadeenoo
siduu daa ,inkeen yiri
diinteena lagu dhigey
duca qabe rasuulkenii <csw>
kula dardaarmey umadiisa
uga digaayyey naarta
dulmigu xaaranyahey
xaq daradu ba ,antahey
dambaabkii ibleys
damaciisii isla weyni
markuu diidey amarki
daa,inkeen uu farey
u daleeyey jahanamo
iyo dowga naareed
duulkan wada hababe
wada dariis waheshadey
danbaaburada cadab
waxay danmoodeen iyo
duudsiga iyo quursigaa
beeshan la doojiyey
dir soocaa gabooyaha
dogobyada lala dhacey
ilaa daa ,in abidkood
dambiyadaas laga galey
dar aleeh kamay hadal
dibnahooda mey oran
dulmiga intaas leeg
xaq daroo iney tahey
war ka daaya mey oran


dacwad kalena waxey tahey
duq gaboobey geed ka baniyo
dunta boqorka heysiyo
beela daajiyaashii
xaajigu u da, weyn yahey
deyrtana saleeban ku xigo
duulka guurtidoo idil
dir intey ka leegyihiin
beeshan dagalkoda taal
gu iyo deyrtii la joogaba
xaqoodii la duusinayee
loo diidey sinaantiyo
darajadey ka mudnayen
dowladan somaliland
daahir madaxda ka yahey
daacadii cadaaladiyo
laga daahey sinaantaba
dar aleeh sad qeybsigii
qeybtey deeq ulahayen
gabooyah loo diidee
hadana wali dooranaye
doorashadii timadaba
dadka ay ugu horeeyen
durbanka ay u tumaayaan
sacabka ugu daraayaan
bal abaal daridooda
sad loogu darooba dayo
danyartiyo agoontooda
daryeel loofidiyo dayo
xaqoodaa la duusiyaa
digashaaba loogu dara
iyo duudsi aan hadhey
dar allaah ruux yirahda
xaq darada intaa leeg
war ka daaya lama arag,,



dacwad kalena waxey tahey ,
darmanow hatufoow
wax ba yaanan daaline
damqashadu ila fogaan
doogihii igu kicin
samirkiyo dulqaadkii
dulba uma lihi manto
duulkas aan arkaaya
dir iyo daaroodba
isma darajo dhaamanoo
abaal daran ajii weeyoo
dib u dugaashan maayee
waxaan deyrtan go aansadey
dibna aanan oga laabmeyn
inan kaba diga rogtoon
dal shisheba aadoon
dagalkaba uga haajiree
jeerey dariiska xabashidiyo
ama duulka gaalada iyo
duurjoogta xayawaan
dar allaah iney ii dhaanto
dugsadaan rabaye
dacwadeydan qaadoo
habar dugaag idilkod
aar daboole u weynyahey
dayo iyo waraabaha
duud weyne maroodiga
abriis waabeyda daadshiyo
diinkaa gurguurtiyo
deyradiyo caawshaa
dabagaalaha bakeylaha
baalaleyda duushiyo
inta duurka xuleysee
haliistoodu darantahey
anigoo ka digniin qaba
hadana danba itiri inan
duurka inaan la wadage
dariis xigaal noqonee
dacwadiyo codsigeygan
deg deg iiga gaarsii

dabadeed wuxuu yiri
dalmar haatuuf na
wiil yahow dulmani
dabuubtaad itiri
alaylehe i damaqdoo
xaadiyo dubkeygii
diirkeygii kicisoo
jirkaa ii dubaaxshoo
dareen xanuun liyo
damqashaad igalisoo
indhaheygii sidii daruur
ilmaa iga da, aysoo
dusheydii qooysee
ha i sii danqaadine
halkaa iigu daa hadal
hada waaban duuli
duurjoogtaan u tagi
dacwadaada gaarsiin
degdegna u soo noqon
dabadeed waxaan iri
haatufoow dalmaroow
waan kuu ducaaye
daa in ha ku dhoowre
qoraxdana dalaalimo
dar ,allah nabadiyo
dag dag iigu soo noqo,,

 

 

 

Qoraaga: Barkhad Xaaji Cabdi Mr Gaboye
ontario canada
email:abokoriye1@hotmail.com
email:mrgaboye@hotmail.com