maansadani waxa ay soo baxday 28.1.11 magaceeda waxaa la yidha "daahir baa gabyoo yidhi."

 

 

Waxaan salaamaya dhamaan dadwaynaha reer Soomaaliland meel ay joogaanba iyo dhamaan shaqaalaha Timacade News, iyo inta xiisaysa suugaanta iyo murtida Soomaalida.


Maansadani waxa ay soo baxday 28.1.11 magaceeda waxaa la yidha,[daahir baa gabyoo yid hi] ,waa madaxwaynihii hore ee Jam Soomaliland .Waxaa ay si kooban uga waramaysaa xaall adihii kala duwanaa ee uu soo maray ,waxaa aanay marnaba ku talax tagaynin intii uu ahaa madaxwaynaha Jam Soomaaliland waxyaabihii ka qaldamay , waa uun dul ka xaadis iyo fara guudkood.

Waxaan ka cudurdaaranayaa inaan cidina si qaldan u soo dhawaysanin oo u jiidanin waana kaftan iyo xifaale aduun inta badana waxay ka warayso gudaheeda ayaad ka helaysaa ,wax aan ka cudurdaanaya oo kale inay yara dheertahay xaga akhrinta oo lagu caajisi karo haddii waqtigu ii saamaxo waxaan ku soo duubi doonaa mp3........

waxa uu yidhi

Waqtiyada is daba yaal
Maxaan daal u soo maray
Xilka darajadaydiyo
Maamuuska duubkiyo
Deeqdan uu illahay
Daraftayda soo dhigay

Dib u noqo xusuusaha
Danyarnimadda taydiyo
Daalkiyo rafaadkaan
Dugsi hoose kaga baxay

Kii dhaxe daciifnimo
Dirqi baan ku soo maray
Inaan wado duruustoo
Cilmigiyo diintaba
.....
Daalaa dhac mooyee
Maan hawayan diricyada.

Qunu-lugudna daydayga
Dadku way yaqaanaan
Daahir inaan ahaayoo
Kaba dacasa waligay
Dusha aan ku sidan jiray

Bootiko durduradii
Xalanaan daf soo idhi..

Hurrin duuban lay dhiib
Lagu diirsay maandhow
Inaan sido dirayskoo
Ciidan aan u diranahay......

Laba duudka lay saar.....laba xidigood
Dabar-goynta lay sooc

Dadka kaan aqaaniyo
Inta dowlad diidka ah
Dalacaad ku hiigsaday..

Maxaan xidhay duqay iyo
Culimadda digriga iyo
Dambi ruux lahaynoo
Duunyo aan ka xaabsaday
Maxaan dahabo gabadheed
Ubadkeedi duuboo
Ku daqiiqay jeeloo
Baryo aan dux soo wadin

Dabnaheedu gacalow
Deexashada ku daaleen

Dulmi waxii aan soo falay
Deelka kuma dhameeyee
Aan dabar dambeedkiyo
Seedatada ku dagagaro

Dabcigii galbeedkiyo
Ishu aan isugu dabo
Intaan kiis la daydayin
Dawadana la soo faqin

Barigii dagaalkii..............snm
Dirirtii la soo galay
Dakadoodda wayn iyo
Barbaraan dul joogoo
Intaan dilay intaan diray
Dubaaqoodu goornaba
kama daadagaaysee
Dafiraad gayaxan baan
Daacadnimo u muujoo...

duulaanki ciiriyo
dib u noqoshadii faqash
laaska kiyo dabkeediyo...laascaanood
uga qaxay dariiqii..

Dakanada qof galay iyo
Ninkastoo dun soo jaray
Nabadiyo doorkeed
Kuway daah ka faydee
Isku diiriyaan ahay

Dalanoolki caydheed
Kilalkii daf soo idhi........kilalka 5aad
Ka dilaalay maalmoo
Isku qariyay digadiyo
Danbaskii cadaayoo
Jaadleeyay dabadeed

Hayska dulun dulcaysee
Duqi ina cigaal bay
Jabhadkii docdaa jiray

Diirad layska eegoo
Isku duubni qaaxuu
Dalow dheer ka laliyoo
Waa ki tolwaa diray........ muj.abdirahman aw ali
Lay dooray xigahii......madaxwayne ku xigeen

Mudaan daaradiisiyo
Docduun soo fadhiyayoo
An waylo daaqiyo
Iska daa dameeroo
marna waxaro lay diran

Soo dul-qaad badnaayee
Maxaan samirka duuga,ah
Nafta kula dardaarmoo

Ku dirqiyay kalsoonda
Duco iyo habaar jeer
Soo wada dudubiyo
Daayinkii illaahay
Cigaal doorki keenyoo
Ka durduri aduunyada

Anna helay dumaashii
Nin ilduufay ii keen
Diir layga qaadiyo
Xuub iga dilaacyoo
Ku diirsaday xilkaa dihin

Nin abaal danbeeyiyo
Dayntay iska celiyiyo
Waxaan ahay ma daalee

Isku duubay golihii
Raaskii isoo dumay
Midaan dayin waxaan falo
Daacadnimo ku badan tahay
digrigiyo shalaadkiyo
Fooxuun dudubiyo
Xadradana ku sii dara
Soo dhigay docdaydii
u akhriyay distoorkii
Iyo sheekadi durra
waxaan doorar soo maray
Isna dabacsanaantii
Igu daba gal taydii.....................


Dariiqii saxnaayee
Duqi uu ka sii tagay
Darajooyinkiisii
ku daqiiqay garashada..

Hebel layska didiyiyo
Hebel laga dul-keeniyo
Hebel daacad weeyaan
Hebel waa dirkaa kale
Hadba kala dirsoociyo
Reero laysu soo dumo
Yaan uga dab-qaadoo
kursigaan difaacii
Danta guud ku iibsaday

Maxaan duunyo guud iyo
Mashaariic daldalayaa
Dakadaha waxoodii
Maxaan wada daliigoo
Dibadaha intaan dhigay
Dux halkii lahaataba
Maxaan daasad madhan iyo
Kiish daloola dhigayaa

Maxaan doolar rarayaa
Maxaan daaro iibsaday
Maxaan kii danyeeshaba
Taydana ku darayaa
Haamaha la doogsaday

kulmiyahan dagdagayaa
Duniidaba asqeeyoo
Isku duubni shacabkii
Giddi wada dareersaday

Anna daahir baan oo
Daah igama saaree
doorkan waan arkaayaa
Inaan 80tan dalabliyo
Muran iga dabaalayn

Inaan dunida joogoo
Baryo soo dalxiisana
Duunka waan ku haystaa

Duulka ina waraabana
Ma fogaado dirirtee
Hadba jeeg dalooliyo
Digsi baan u kariyaa

Dariiq maanu waayine
Dabayaaqo weeyaan

Udubtii dalbaa layd
Ragii diiqadoon jiray
Raggii faanka daran jiray
Raggii nacay dirkoodii
Raggii doobta lalin jiray
Raggii dacarta shidin jiray
Raggii dhuun dalooshiyo
U dareeray tuugada
Raggii dayrka ii dhigay
Raggii aan dadaal iyo
Ku dirqiyaay howlaha

Waxaan duray garaadkii
Diiradaan u qaatoo
dusha waan ka faashaa
Wasiiradan danqaaqabay
Waxaan idhi dadaalkiin
Dad waxaad haleeshaan
Iyo reero doonkiin
Yaa darajadiiniyo

Duubkiin ku xidhan yahay
ka diboode hadalkii
Eegmadana is daydaye
Misna dib u gale odhaadii

Yidhi door is moodkii
Maxaan dirir u galaynaa
Waxaan idhi ducaalow
Doolarkaad khabayseen
Ololaha ku daya,oo
Soo faqa dukaanadda
Ama dayn u soo gala

Ama doorkan maanta ah
Haba wada dulaantee
Wasiiradda ka daadaga
Intaan daadku soo galin
Xafiisyadaa dalayseen

Wasiiradan dagaagani
Waa dal ay dhibeen iyo
Ummad wada damqanaysoo
Hore ugu dambaabeen

Mayagaa dabuub iyo
Hadal dabacsan odhan kara
Marka sheed la daawado
Yaa laga duryaayoo
Foodhi aan damayn
Qaylo loogu darayaa

Xagna godob an daahiyo
Dabin aan dhiglaa bari
Yay dabar dambeedoo
Raggii iga dareeree
Xisbigaba ka dudaybaa
Dabno ii cunaayoo
Dakanada nin lihi jiray
Mana daalayaanoo
Docdii aan istaagaba
Waa dacaayad halis iyo
Qaran sii diyaaroo
Udub dooni mayniyo
Waa ma dooriyayaashii
Raganimo u dibad baxe

Duuldulay gobolada
Boorame ka daadagay
Farxad ii durbaan tume

Gabiilay dushaa iyo
Duleedkaan ka soo maray
dhawr doora waxan idhi
Qado haygu daalina
Daayinkaan u soomoo
Dabnahaan u xidhayaa

Hadda daacad maahee
Iyagaanan doonayn

Burco soo day lay yidhi
Misna diiday taasoo
Dani igama haysee

Ceerigaabo duulaan
Duulimaad u qaatoo
Ka daadagay sanaagtii
Duqaydii shir gaariyo
Garta laysu dooyee
Wax kastooy dalbanayeen
Ugu duugay qalinkii
Dib u noqoshadaydii
Anoon gaadhin daartii
Dhehe daahirow maqal
Doorkan waanu aragnaa
Anaguna docdaa kale
Weeye damaca reerkuba......

Waxba yaanan daaline
Hadalkana ku dudubine
loo dareer dhe foodkii
Waa dabayl illahay
Daad uu wadaayee
Isku duubni shacabkii
Garowsade dantoodoo
Codaan duunka gali karin
Ugu deeqe nimankii
Baryo diifta qabijiray


Duldulaantay hibashadu

Suugaan dad hore yidhi
Yaa dadaalka barashadda
Waxay daacad
Dal-dad liqa ul baa hoos
Layskaga dayaayoo
Digashada a eegaa

Markay dacartu shidantee
Dad-qaladii hammuunaan
Xeel baa la daydaa
fikir baa la doonaa............


Wadaadkaan dal dheer iyo
Dibadaha ka keenee
Jugta loogu magac daray
Iyo door is moodkii
Hindi baan intaan diray

Dabka galiya aan idhi
Haba diirsan waydee
Daadafeeya baan idhi
marna diida baan idhi

Hays laba dulaantee
Bal duduuca baan idhi
Qaylada ku dara,oo
Ilmada daadiyaan idhi
Carab dalable iyo been
Kuwii daayin barayow
Isla daba galaan idhi

Misna daabaqadiyoo
Madanaha ku duugoo
Dusha uga baxaan idhi

Markay taa ku doodeen
Xiisihii dalacanyaa
Shacabkii dareen yaa
diidmada qayaxay aa

anna tayda duuga ah
Daraftaan ku haystee

Waxaan idhi dadaalkay
Dalkan aydun aragtaan
Rabigay ka dabadii
Anigaa danbaaboo
Dumadayda uu yahay

Nimankaa daldamayaa
Dabno waxay ka sheegeen
Dumadooda weeyaan
Udubtana dir kuma laha..........

Farxad aan damayn iyo
Dun xariira lay saar
xusuusaha dambeeyiyo
taariikhna lay door
Igu darre halyayada
Dalku uu dhaatiyo
Danjiraha dahsoonee
Diiwaano laga qoro

diiwaano laga qoro

dhamaad haddaan wax qalday waa shaydaan iyo noftayda
 



Mowlid Aden (Qol qol)