Gabay ka turjumaya dhacdadii foosha xumayd
ee ka dhacday hargaysa
 

Asc,

waxaan salaamayaa dhamaan Bahda Timacade News .Marka xigana waxaan halkan ku soo bandhigay aa , Gabay ka turjumaya dhacdadii foosha xumayd ee ka dhacday Hargaysa.Ka dib markaan dhagays tay waraysiyo laga qaaday gabdhaha ku nool Hargaysa, oo dhibaato iyo tacadiyo ay ragu ku hayaan sheeganayay,iyo waliba inay dariiqii ka mari kari laayihiin oo saamaysay gabdhihii oo dhan iyagoon w ax danbi ah ku wada lahayn, waana kan gabaygii:
 

 


Cabdiyow murtidaad soo huftee hirarka soo jiidhay,

Timacade bogeedii horiyo, webabku kala haadshay,

Ismaaciil jawaabta u helee hore ka soo raacshey,

Waa gabay ninkii la hordhigaa oohin hoorsado e,

Waa gabay haweenkaba dhamaan duray hankoodii e,

Waa gabay hurdad iga kacshoo huray jidhkaygiiye,

aniguna hal baan odhanayaa ila haboonaatay.
 

*******

Hablaheenu waa dahab cabdow haybad gooniyahe,

Hoodiyo Sareediyo Hibaaq hibo la gaadhayne,

mahawaysto nimaan geel horwayn hore u dhiibayne,

waa horjoog qurxoon uu nin dhalay hala ka qaataay e,

looma hooyo nimaan hanan karayn guud haldhaaleey e,

dhaqankiyo hidaa kama tagaan, waana la hubaaye,

Hooy wacan midii lagu korshee diin ku hana qaaday,

ee hooyadeed ababisee hubisay socodkeeda,

aabaheed higaada u dhigiyo hadaladii eebbe,

marna inaanay hoos marin sharciga waa mid la hubaay e,

bal hubsada habluhu uma dhamayn hadaf xumaan taase.

*******


Cabdiyow haween kii ma dhiman herer ku noolaaye,

gabdhihii hugoodii ma qubin heensa hoodii e,

sidiibay xijaabki u hayaan taniyo haabiil e,

hadal kooda sidii bay cabdow hoos udhigayaane,

sidii bay hanaan kii wacnaa wali u hastaane,

hagoog wacan sidii buu geyaan weli u haybshaaye,

iyaguna ush leeyiin midaan hoysan karahayne,

bal hubsada habluhu uma dhamayn hadaf xumaan taase
.

*******

Habluhu way sariigtan cabdow sharafta haystaan e,

shaydaan miduu huufsadaan cidina haynayne,

hooyiyo aaban celin karayn oon horjoogayne,

Hanadkay la dhalataan karayn waa habow jaane,

abid iyo horaa loo ogaa midaan hagaagayne,

hoygii qureeshtiyo makaad qaar ka helaysaa e,

Heegaarka dunidoo dhanbaa lagu hayaa taase,

Halkii aad timaadaba darbaa seegay hilin kiiye,

bal hubsada habluhu uma dhamayn hadaf xumaan taase,

*******

Cabdiyow dhulkii hooyo iyo herer warkaa yaala,

hal iyo laba hadii ay gefeen oo la hubo maanta,

Ha yeeshee sharciga lagu hagoo jeelka lagu hooyay,

oo cadaaladii la hor dhigoo loo hamranahaynin,

waxa haatan loo hadal hayee dhaafshay heer keeda,

hablihiina loo hiifayaa keenay haraanka, waa hal aanan

garan oo runtii hubin u baahnaaye,

bal hubsada habluhu uma dhamayn hadaf xumaan taase,

*******

Cabdow dawladaan haysaniyo haybadlow calanka,

habeen iyo dharaar ciidan kaa heeganka u taagan,

hadaf xumo ninkii ula yiimad way haligayaane,

god dheer bay ku ridi saancadaha heeray dhaqan kiiye,

iyagaa hogaan kii hayood hawl u dirateene,

uga hadha iyana yaan la lumin himiladoodii e,


*******

Waxba hadal ku yuu ila durkine waxaan ku soo hooyay,

Ragoow hiilku waa furan yehee horumar raacdeeya,

Haweenkiina idinkaa dayacay dhigay habaas kaase,

Hogaad kula jirtaan qaad ka baxa hidiya aayadka,

hoos u eega guryihiina oo hoysta ubadkiina,

u hamrada ganboolayda oo hura xaquuq dooda,


*******


Hablaheena idinkaa lunshoo heeray bawdada e,

marka aad halaysay tidhaa dhaaftay hilin kiiye,

markaasay hog wayn ugu dhacdaa midaab hanbaynayne,

Halkaad igu banaysuu ka yimi halaqan shaydaane,

marka aad halaag taad hadana qaran dhan hiiftaane,

Hablahoo dhan baa wada xunbaad howdka gelisaane,

Gabdhihiina idinkaa hodee sharaf ku haasowsha,

*******

ka hor jooga nacabkoo ka hira horoor ka geestiina,

weligaa hubsiimo u lahow hooyga kuwa jooga,

Nin walbow hablaa ku la dhashee wax u hanbee tiina,

Hawadaadu yay kula durkine hubi odhaahdaada,

Hooyo waa guntee howga tegin howsha dhinacaaga,

Hogaan kana ragbaa lagu ogaa hay ya xadhigiisa.




Alaah haydin garabgalo


munajeed@hotmail.com

 

Amina muna
London,UK
munajeed@hotmail.com