Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo oo la Sheegay Inay ku Halwan Tahay Qorshe la Doonayo in Lagu Xidho Sheekh Aadan Siiro

 

Nuxurka qudbad ay dhibsadeen masuuliyiin xukuumadda ka tirsan oo Sheekh Aadan Siiro maalintii Jimcaha ka Jeediyey masaajidka Xawaadle

Hargeysa (TNN)-Xukuumadda madaxweyne Siilaanyo, ayaa la sheegay inay ku hawlan tahay qorshe la do onayo in lagu xidho Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiiray (Aadan Siiro) o ka mid ah culimadda waaweyn ee reer Somaliland oo ku caan baxay difaaca shareecadda islaamka iyo qadiyadda madax bannaanida  Som aliland.

Ma jiro war rasmi ah oo xukuumaddu ka soo saartay qabashada Sheekh Aadan Siiro, balse sida ay xalay Jamhuuriya u xaqiijiyeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay, waxa xarrunta CID-da yaal qoraal la doonayo in loogu yeedho Sheekh Aadan siiro, iyada oo qabashada Sheekhana ay soo diyaariyeen masuuliyiin sare oo xukuumadda ka tirsan oo dhibsaday qudbad salaadii Jimcaha uu Sheekh Aadan Siiro ka jeediyey  masaa jidka Xawaadle ee ku yaal degmada 26-ka June ee magaalada Hargeysa.

Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiiray (Aadan Siiro), waa sheikh inta badan dhacdooyinka ummadda ku ee ga il dareen leh, isla markaana difaaca arrimaha danyarta iyo waxtarkooda, isaga oo taageerayaal badan ku leh dalka gudihiisa iyo dibadiisaba, waxa uu qudbadaha Jimcaha badanka ku soo qaataa qodobo la  xidh iidha difaacida shareecadda islaamka iyo dhacdooyinka siyaasadeed ee markaa ka taagan dalka  Somalila nd, isaga oo ku caan baxay inuu xukuumadda tallada dalka haysa ku taageera wixii wanaag iyo horumar ah, isla markaana wixii khaladaad ah ee masuuliyiinta xilka hayaa ku kacaan umadda u soo bandhigga.

Khudbada uu Sheekh Aadan Siiro jeediyey Jimcihii u dambeeyey toddobaadkan oo sida warar lagu kalsoon yahay noo sheegeen ah ta ay ka dhalatay xadhiga iyo qabashada lala maagan yahay, waxa uu si aad u  ku lul ugu duray hadalo ka soo yeedhay wasiirka arrimaha gudaha Dr. Maxamed Cabdi Gaboose oo ku  saabsa naa ninka Jarmalka ah ee falalka anshax xumadda ah lagu hayo iyo in cidii Somaliland ay soo galaan  wasii ro reer Puntland ah, isaga oo Sheekh Aadan Siiro khudbadiisa ku sheegay in aanay ninkasta oo awood leh uga habran doonin sidii ninkaa Jarmalka ah loogu qaadi lahaa shareecadda.

Khudbada Sheekh Aadan Siiro masaajidka xawaadle ka jeeday ee masuuliyiin ka tirsan dawladdu ka  cadho odeen, isla markaana uu jawaab kaga bixiyey hadalo ka soo yeedhay wasiirka arrimaha gudaha waxa uu ku yidhi; “Masuul aad u sareeya, oo ka mid ah masuuliyiinta reer Somaliland oo xalay ka hadlayey Tv-ga, mar uu ka waramayey gaalkii Jamarka ahaa ku guuleystay inuu waxa uu doono yeelo, hablaheeni  cawra deedi sawirno Internet-ka geliyo, iyada daawasho ah, ayaa waxa u yidhi [Dr. Gaboose] kuwa masaajidada wax ka sheegaya, iyagu [Culimadu] waxba ma oga, annaguna [Dawladda] waxba ma ogin, ayuu yidhi….. Keen Maxkamada aad sheegayso, nin kaliya ayaa Maxkamadaha [Somaliland] lagu kalsoonaa, ninkiina way ka eryeen.”

Waxa Sheekh Aadan Siiro sheegay in ninka Jarmalka ah laga xidhay masaajidk xaafadda Xawaadle ee  ma galadda Hargeysa, isaga oo arrintaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi; “Ninkan Jarmalka Masaajidkan  [Xawa adle] ayaa la xidhay waan idiin sheegayaaye, dawlad xidhay ma jirto, iyadoon ciddi ogayn ayaanu xidhnay, kharashkii ku baxay oo dhan annaga ayaa bixinay, annaga ayaa ka soo saarnay flash-tii [USP] Computer-kiisa, waa wax aan la aqbali karin, waa waxaan qof diin lihi odhan Karin, waa waxaan la yeeli Karin, waa  w ax aynaan ugu habranayn ninkasta oo awood leh, maaha inaad iska hadasho uun, shaqadoodi ayey ka  se exdeen [Dawladii] markaas ayey iska hadlayaan, maaha wax la qoray wixii oo nool oo dhukumentari ah oo la arkayo ayaa loo geeyey si ay go’aan uga gaadhaan, wax culimadu-yeelayso maaha, wax Somaliland  la ga yeelayo maaha, Gaal inta uu hablaheena Sawiro ka iibiya sidii Mishiinariga, wax la aqbali karo maaha, wax Salaadeena la innagaga aqbali karo maaha, wax aanu Somaliland ku taageersanahay maaha,  waxay nu is-bedel ku doonayey maaha

Sheekhu mar uu ka hadlayey Maxkamadaha waxa uu yidhi; “Maxkamadaha uu masuulkaasi [Wasiirka  arri maha Gudaha] lahaa ha lagu kalsoonaado,waar maxkamada laguma kalsoona Jago teedhi bay foodhi oo la isku dilay shan sanadood kala saari-wayday, maaha maxkamad awood u leh inay UNDP-da aad aragtay awooda ay leedahay ay la dagaalanto, wax la aqbali-karayo maaha. Gaalada ugu fog ayaan ogolayn waxa uu ninkaasi Jarmalka ah sameeyey, ee weliba duubay, iyada oo Live ah la hayo.” “Wasiirku waxa uu yidhi Nabada cid walba waynu ku soo dhaweynaynaa, adeer hadaynu Hargeysa isku qabsano Shariif kale ha loo yeedho, ha inoo gar-qaadee. Nabada Somaliland cid ayaa ka masuul ah, looga daba fadhiisan-maayo Puntland, looga daba-fadhiisan maayo Soomaaliya, looga daba-fadhiisanmaayo nin Somaliland duminayaa, waa kelmad gef ah, waa kelmad aan dadka qaban, waa kelmad ka horimanaysa dastuurka Somaliland, waa kelmad dalkan dhismihiisa duminaysa.”

“Baadida ninbaa kula Deydayi,

Daalna Kaa Badine,

Hadana aan jeclayn,

Inaad Hesho daayin abidkaaye,’

Waar-ma nin Somaliland duminaya oo aan ku qanacsanayn dadkeeda, horumarkeeda, ayaan nabadeeda u daba fadhiisanayaa, oo aniga oo masuul ah ninkasta oo nabad-keenaya waannu taageersanahay, kuwan waxaan garan-waayey sirta laga hayo ee ay ugu dhawaaqi la’ayihiin xitaa dadka ay masuulka ka yihiin; dhiirranaanta ayaa kaga daran, qofku wixii lagu heshiiyey uu waydaaranaayo, oo uu ummada oo dhan la hadlayo,” ayuu yidhi Sheekh Aadan Siiro. Isaga oo intaa ku daray; “Waar haddii waxa lagu heshiiyo nin dh inac ka farruuro, waar haddii waxa lagu heshiiyo kooxi dhinac ka faruurto, waar haddii waxa lagu heshiiyo nin dhinac ula kaco, waa waxa ay dawladuhu ku jabaan.

Waar ma maanta ayeynu gaal Jarmal ah ku murana innagu, oo dawladeeni qaar u doonaan, oo xukun la  s oo saaray Garsoore Cabdirashiid Beergeel waa nin ad-adag oo isagu go’aanka halkiisa dhigaye, oo laga  w areejiyey oo aynu innagu isku qabqabsano, gaal uray, oo waxa uu yahay aanay jirin, oo wax inoogu  xidha n aanay jirin, oo intaas oo Sanadood Irbad dungelinnin.”

Sheikh Aadan Xaaji Maxamuud Xiiray (Aadan Siiro) oo fasiraad ka bixinayey sawiradda anshax xumadda ah ee lagu qabtay ninka Jarmalka ah, waxa uu yidhi; “Hadaad aragto sawiradaasi Hargeysa ayaad iskaga tagi doontaa, inaanad eegi karayn, oo aad is-odhanayso Illaahay ha ku indho tirro waxa uu ninkaasi  sama ayey, markaas ayeynu maanta innagu ku murannaa oo inta kolba Maxkamaddiisa dib loo sii dhigo…Adeer annagu waanu ognahay, kumana qancayno waxaan shareecada islaamka ahayn in ninkaasi lagu qaado. Adeer kuwii aanu ka horjoognay ee wadaadada ah ee Al-shabaab hableheenna inay gaaladu siday doonto ka yeesho ugamaannaan hor joogin,” ayuu Sheekh Aadan Siiro ku yidhi qudbada la sheegay in wasiirka arrimaha guduhu ka sasay, isla markaana uu ka dhashay qorshaha la doonayo in CID-a looga yeedhayo.

Lama garanayo sababta xiligan xadhigga loogu maleegayo Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiiray (Aadan Siiro) oo ku caan baxay difaaca qadiyadda madaxa bannaanida Somaliland, iyada oo aan wax tallaabo ah laga qaadin siyaasiga figradda Soomaali weynta aaminsan ee Cismaan Kalluun oo horaantii bishan  booqa sho ku yimi caasimadda Hargeysa, iyada oo masuuliyiinta la sheegay in CID-da looga yeedho Aadan Siiro aanay ka hadal socdaalkii Cismaan Kalluun ee Hargeysa.

Waa markii ugu horraysay ee xukuumadahii xukunka Somaliland u kala dambeeyey Sheekh Aadan Siiro loo maleego qorshayaal la doonayo in wax loogu dhimo karaamadiisa, haddii arrintaasi dhacdana waxay u  taa lla umadda reer Somaliland tallaabadda ay kaga jawaabayaan.



Source: Jamhuuriya Online