Gabayga Laba Bogle ee 18-kii May 2009 uu tiriyay  curiyayna Abwaan Cabdi Cismaan Ibraahim (Cabdisiyaaro)

 

Gabaygani wuxuu ka hadlayaa dhibtii laga dhaxlay dagaalkii iyo Siyaasada.
Gabayga Laba Bogle ee 18-kii May 2009 uu tiriyay oo curiyay Abwaan Cabdi Cismaan Ibraahim ( Cabdisiyaaro). Gabaygani wuxuu ka hadlayaa Dhibtii laga Dhaxlay Dagaalkii iyo Siyaasada.

 

 

Wuxuu i baday wuxuu i baray dagaalkii
Hadaan baal ka yara eego

Dal burburay bikh weeyiye
waxa baladkii naafeeyay

Dhaqan keeniiyoo baaba’ay
balo ka joogtaa

Dhalinyaro balwadi jiidatoo
laba bog laynaysa

Been iyo rag booli u
bartay balo ka joogtaa

********

Markii diintii laga baydhay
ayuu buray warkeenii

Bulsho aan baraarugin
ayay balo ka joogtaa

Xisbiyadan la buun buu
niyay balo ka joogtaa

Propaganda loo baratamay
balo ka joogtaa

Sharcigoo la baal maray
ayay balo ka joogtaa

********
Dumarkani siyaasadii bar
tay balo ka joogtaa

Wadaadadan bambada tuur
ayay balo ka joogtaa

Beer iyo baloodh lagu
murmay balo ka joogtaa

Odayadan barjuhu qaatay
ayay balo ka joogtaa

Budget-kani bulida loo
galay ayay balo ka joogtaa

********
Bangalo iyo baabuur lagu
tartamo ayay balo ka joogtaa

Bush iyo Blair kii tagay
balo ka joogtaa

Baylah iyo ninkii laba
boglay balo ka joogtaa

Waa birtii Japan oo habli
hii way isbadalayaan

Berked ayay muquurtaan
intay birin birqeeyaan

********
Kiimikaaba lagu buufiy
oo bilic ma yeeshaan

Ilbaxnimadan loo baaq
ayay balo ka joogtaa

Xaqii oo la baal maray
ayay balo ka joogtaa

Dhulkeenii oo nimcadii
buuxdaan ka bakhtiyaynaa

Baahideenan sii badana
ysay balo ka joogtaa

********

Busaaradan dadkii baacsa
tay balo ka joogtaa

Barbaarttani badii naaf
aysay balo ka joogtaa

Maamul aan bislaannayn
ayay balo ka joogtaa

Bismilaahi waa beyd xaqiyo
bilowgii diintee

Barakada quraankiyo xaq
aa lagu bad baadaa

********

Waa bawd ibleys baal
mariyo bahalkii shaydaan

Waa bishaaradii muumink
iyo balo xijaabkii

Waa balankii eebiyo waxy
iguu baray rasuulkii( SCW)

Barwaaqiyo allahayow nasii
bari samaad khayr leh

Baxsanow rasuulkana noog
ee boqor ilaahayow

********

Ku barinaye allahayow
adaan baahan waligaa

Ku barinaye allahayow adi
gaa boqorkii waynaaya

Baryadaadan eebow adig
aa lagu badhaadhaa

Adigaanu kuusoo bandhigi
waxaanu u baahnayn

Barwaaqiyo allahayow nasii
bari samaad khayr leh

********

Baxsanow rasuulkana noo
gee boqor ilaahayow

Ku barinaye allahayow
adaan baaahan waligaa

Na baal mari balaayo iyo
shar iyo barafkii naareed

Na baal mari abaar lagu
basiyo barakac shaydaan

Rabaow baladkan Somalil
and aduuu barwaaqee

********

Bogcad nabada eebow ka
yeel ooy barkhadi taal

Power iyo laxaad iyo n
asii barakadaadii

Allahayow barwaaqiyo na
sii bari samaad khayr leh

Baxsanow rasuulkana noog
ee boqor ilaahayow



********

Aamiin Aaminn Aaminn


 



 

Mustafe Abdikariin Ali
(Mustafe Future)
mccfuture@longlivesomaliland.com
Hargeisa Somaliland