"Waxaad ka gudubteen Carqabadii Doorashada waxaanu idiin balanqaadaynaa in aan dhismaha dalka idinkala qayb qaadano"wasiirka mudowga yurub ee Sweden
 


Sweden (TNN)-Wasiirka Mudowga Yurub ee Sweden marwo Birgitta Olhsson ayaa Ka qaybqaadatay Munasabadii Loogu dabaaldagayay doorashadii dalka Somaliland dhawaan ka qabsoontay. Birgitta Olhsson oo ah shaqsi si aada ugu ololeeya dimuqraadiyada iyo geedi socodka nabada ee somaliland ayaa waxa hadaladeedii ka mid ahaaSomaliland waxa ay ka gudubtay caqabad in mudaaba  hortaag nay oo ah ta doorashada. Birgitta waxa ay ku amaantay shacbiga somaliland sida wadaniyadaku dheehan tahay ee ay codkooda ku dhiibteen, sidoo kale waxa ay si gaara ugu amaantay sida  dham aan xisbiyadii tartamay u aqbaleen najiitadii codbixinta. Birgitta Olhsson mar ay ka hadlaysay sida dalka Sweden iyo wadamada yurubta bahooben in ay aad usoo dhaweynayaan horumarka xaga  di muqraadiyada ee Somaliland gaadhay ahna wax aan looga baran qaarada Afrika , Sweden iyo dalal badan oo yurubii waxa ay u diyaar yihiin in ay Somaliland dimuqraadiyadee ugu tahay furihii  dhadha bada u xaadhayay sidii Dalka soomaliland loo garab galilahaa ha noqoto mid dhaqaaale am amid  siy aasadeedba. Hadaanu nahay dowlada Sweden waxa aanu noqondoona kuwa iyaga safka hore  kaga la ka midho dhalinta tageerada somaliland uga baahan tahay caalamka.Somaliland waxa ay ka  gud ubtay marxaladii ahayd caawimo biniaadnimo iyadoo ugu gudubtay mashaariic horumareed taas oo macnaheedu yahay in soomaliland loola macaamili doono qaab dawladeen.taas oo dhabada u  xaadh aysa kamidho dhalinta Aqoonsi taama.



Wasiir Birgitta waxa ay balan qaaday in ay ugudbindoono Raysalwasaaraha Dalkan Sweden Mudane Fredrik Rienfall I uu si dhaqsaa ugu hambalyeeyo dowlada iyo shacbiga dalka Somaliland.

Marlaweydiiyay mawqifka dalalka midowga yurub ee ku aadan dalka Somaliland waxa Birgitta ku  Ja waabtay midowga yurub marwalba waxa ay danaynayaan deganaanshaha iyo horumarka Dalka  so maliland,waxa aanu xaqiijiney in shacbiga somaliland,iyo dhamaan xisbiyada siyaasadu marnaba  aa nay ogolayn in dalkooda wax dhibaati ka dhicin, waxa aanu xaqiiqsanay in aanay marna seeflabood ha ahaado midh shaad diineed huwan am amid dano kale oo ku lida jiritaankooda aanay u ogolay dalkooda , taasina ay tahay wax aan cidina iska idhi tiri karin, Dawlada Sweden iyo wadamo badan ooka mida midowga yurub waxa ay u diyaar yihiin in ay garab buuxa u noqondoonaan horumaraka dalkii somaliland.


Isla madasha Munasabada waxa iyana hadalo dhiiri galin iyo hambalyo ah ka soo jeedisay Kerstin oo matalaysay xisbiga ugu wayn ee talada dalka Sweden hada Haya, Kerstin waxa ay ku  nuuxnuuxsa tay sida dawlada somaliland horumarka aan mida lamida lagu arag africa inteeda badan ugu hana qaaday Somaliland, Waanu idin barbartaaganahay, xisbigayga waan hordhigi waxa aad qabsateen , waan idiin hambalyaynaa si dhaqsaana xukuumadu way idiinku hambalyay.Waxa aad hormood u  tih iin dalal badaq oo ku yaal mandaqada Africa siiba geeska afrika . Waxa isna goobta madasha  xafla da ku sugnaa Gudoomiyaha dalada guud ee Jaaliyadaha sweden Mudane Zakaria Hassan Waes oo kaga qayb qaatay munasaba qudbad dhiirigalin iyo tahniyad xambaarsan , Mudane Zakarie waxa  ha daladiisi ka mid ahaa muhiimada ay leedahay isku duubnida iyo meel ugu wada soo jeedsiga ku  adk aansha qadiyada soomaliland siiba qaybta kaga aadan qurbajoogta, Sidoo ka waxa u ku baaqay in lala shaqeeyo xukuumada cusub ee ku timi rabitaanka shacbiga haday noqon lahayd mucaarid iyo mucaafidba.

Gudoomiyaha Xisbi muxaafidka kulmiye ee Sweden Eng Mahamed Ibraahim oo isagu dhawaan dalkii hooyo ka soo noqday, Eng Mohamed waxa uu umahad naqay Shacbiga somaliland ee suurta galiyey isbedelka dalka sidoo kale waxa uu ka codsaday dhamaan xisbiyada mucaaradkaa iyo shacbiga  som aliland guud ahaan in ay la shaqeeyaan dowlada si ay ugu suurto gasho in ay fuliso barnaamijkeeda siyaasadeen.

Gudoomiye ku xigeen xisbiga kulmiye marwo Fowzia oo qayb wayn ka qaadatay abaabulkii xaflada munaasabada ayaa ka jeedisay hadalo iskugu jira mahad naq iyo guubaabo , Marwo Fowzia waxa ay ku adkaysay umada somaliland in ay ku adkaadaan qadiyadooda iyo horu marka dalkooda, waxa aan idinka codsanayaa in aad waqti siisaan dowlada cusub ayay ju soo gabagabaysay hadalkeedi.

Gudoomiyaha xisbiga mucaaradkaa ee Udub Mudane Abdi Ali ayaa isna si qaranimo ku dheehan  tah ay u xusay sidii quruxda badnayd ee doorashadu u dhacdey iyo sidii sharafta huwanayd ee ay u  wa reejiyeen xilka dawlada. Waxa aanu balan qaadaynaa in aanu noqonayno mucaarid ku adag  toosin ta iyo tilmaanta kana reeban is qabqabsi iyo ku jiq sii waxa aanu siinaya boqol cisho dowlada cusub .

Mudane Ahmed Awaale oo matalayay xisbiga mucaaradkaa ee UCID ayaa isna ka dhawaajiyey in ay muhiim tahay in dowladu culays saarto taakulayta xisbiyada mucaaradka waayo waa furaha  dimuq raadiyada waa sida uu hadalka udhigee. Hadaanu nahay xisbiga Ucid waxa aanu bilaabaynaa mucaridada marka ay kasoo wareegto boqol cisho 27/7-2010.

Shaqsiyaad mug kuleh bulshada dhexdeede ayaa iyaguna kala hadlay dadweynihii goobta isugu yimi Sida Dr nimo Ismail oo ku boorisey in la iska kaashado dhismaha dalkii hooyo isla marahaantaa  ham balyo udirtay dhamaan shacabka somaliland, waxa isna si gaara uga waramay taariikhda dalkeena hooyo Sheekh Mahamaed Ismail.

Waxa iyana xusid mudan sidii masuuliyada iyo qaranimadu ku dheehnayd ee ee ay barnaamijka u  ho gaaminayeen xoghayaha dalada guud ee jaliyadaha Sweden Mudane Mustafa Ismail iyo xoghayaha Xisbiga kulmiye Sweden mudane Ibraahim Adan oo waqti badan uhuray in xafladani si mug ku  dham aato.

Anigoo ku hadlaaya magaca Dalada guud waxa aan si gaara ugu mahad naqayaa Gudoomiyaha  Dala da Haweenka Marwo Faadumo nuur Raaxo ,Fardood Ibraahim Bookh, Saynab Askar, Abdillahi iiman Tv Universal, Fowzia gabax



Waxa aanu dhawaan idiin soo gudbin doona muqaalo iyo warbixino muhiima sida qudbadii Wasiirka Midowga yurub ee Sweden Marwo Birgitta Olhsson iyo qaarkale

Somaliland Guul



Gudoomiyaha dalada Guud ee Jaaliyadaha Sweden
Zakarie Hassan Waes