WAASTO, XILDOON IYO TAYO
 

Ahmed Arwo

Saacado ayaa ka hadhay intii hoggaanka cusubi xilka dalka la wareegaayey, sidoo kale ayey isla  waqtiga asi ka hadhsan yahay inta xukuumadda cusub lagu dhawaaqaayo. Waxa bulshada hor iman doonta  xuku umaddii la sugaayey oo kooban, tayo leh oo qanc isa dadweynaha Somaliland ee u jeelay maamul wax  qa bta, maamul u shaqeeya, xilkas ah, dareen wadaninimo leh, daacad iyo kartina u dheertay. Waxa sawir buuxa laga heli doonaa ka-midho-dhalinta barnaamajkii Kulmiye ku hantay codka muwaadinka.Waxa  la gu celcehsay sida loo sugaayo xukuumad tayo. Waxa Tayo lagu sifeen karaa kolka ay ku kulmaan sifooyin dhowr ah; Aqoon , karti , hufnaan , daacadnimo , iyo dadwadeynimo .

Waa kolka meel walba lagu  bu uxiyo cidda ku habboon, leh garashadeed si ay u abqaasho isbedel dhab ah oo lagu unko hab-maamul-wanaag. Dalkeenu waxuu u baahanyahay horumar dhammeeya maamulka xukuumadda oo la helo Wasiiro, Agaasimayaal iyo madax hayadeed, midwaliba booska loo dhiibay leh  aqo onteed, xirfadeed iyo kartideed. Ma aha dalkeenu mid leh hab-maamul oo dhisan, sidaas awgeed ayaa  W asiirada doorkan la magacaabaya waajib tahay inay noqdaan dar midwaliba halka loo dhiibaayo mid u leh aqoon iyo xirfad gaar u ah hawsha looga fadhiyo.


Waxa habboon in leyska jiro wax yaabo iyo hab-dhaqan dhooqeeya hanaanka wacan ee loo xulo hawl-w adeenada. Waxa kow ka ah waxa loo yaqaan WAASTO, mecnaheedu yahay in qofka xil doonayaa uu dirto cid kale oo riixda arjigiisa, ciddaas oo noqon karta oday dhaqameedyo ku dhisan qabiil, saaxibo, xigto, xig aal iyo xidid iyo cid u dhowdhow kolba qofka xilka laga doonaayo. Badiyaa cidda sida adag u adeegsata  ni daamkan duuga ahi waxa lagu sifeeya seddex midkood:

1. Qof xilka uu doonaayo aan lahayn aqoonteed, rabana inuu waastada ku buuxiyo dulduleedka ka muuqd a arjigiisa.

2. Ruux Doonaaya inuu gar iyo gar daraba boos uu helo ka uu doono ha ahaadee. Ujeedada ka  danbeysa ana lid ku tahay xilkasnimada shaqada looga baahan yahay. Waa ruux raba inuu dano gaar ah ku fushado xilka loo dhiibay, cidda waastada u ihina la wadaagto fikirkaas. Waa ka shaqayso oo ha u shaqayn.

3. Ruux karti darran oon isku-kalsoonayn. Ruuxaasi waxuu noqdaa mid karti yar oon lahayn hoggaamin, t alo-qaadasho iyo go’aan adag. Taasina yarayso waxqabadkiisa.


Sidaas darted WAASTO waa dariiq loo maro eexda, waana furaha musuqmaasuqa. Waxayna keentaa  tay o-xumo, taag-daraan maamul, iyo waxqabad liita. Kuwaas oo dhammaan lid ku ah horumar bulsho iyo  hor ukac dhaqaale ee dalkeenu u baahan yahay. Waxay tahay in laga foojignaan aafada ay yeelan karto  W AASTADA oo la caadaystaa. Taasi la mid ma aha in mas’uulka xilka bixinaaya la tashado cid uu door bido si uu xulashada xildoonka ugu fududaato. Taasi waa wanaag iyo mid habboon kol kasta oo loo baahdo. Waxa se reeban in ruux xilka doonayaa isagu soo dirto cid u hadasha, oo iska dhigta inay la talinayaan  c idda xilka laga doonaayo. Taasi waa xaaraan, waana midda u-hooyada ah in ruux aan shaqada u qalmin lagula dul dhaco.

Waxa diinteena wacani xaaran ka dhigtay in ruux doonto shaqo aanu aqoonteed iyo xirfadeed lahayn. Waxa loo arkaa in cidda taas yeeshay tahay ruux khiyaamo u badheedhay uu ku qaldo ummadda uu xilka ka doonaayo. Waxa lagala mid dhigay qishka iyo khiyaamada ganacsi ee beenta laga sheego badeecadda la gadaayo.

Waxa la soo weriyey in dibu dhaca ugu weyn ee Afrika haystaa sababaha ugu muhiimsani ka mid tahay WAASTO. Khabiir ku takhasusay arrimaha horimarka ayaa taas ka yidhi: “ Waxa la hubaa in dibudhaca Afrika intiisa badani la xidhiidho shaqada dawladda ee lagu qoro WAASTO. Waa caddaalad darro caaqiiba xun. Waxa la hawlgeliyaa cid aan shaqada aqoon u lahayn, waxaana shaqo waayo ciddii garashada u laha yd dalkana hore-u-marin lahayd..”

Haddaba iyadoo uu ina horyaal barnaamajka dhaliyey guusha, iyo baahida hareeraheena dhooban, waxa waajib ah in la helo rag iyo dumar dhaqaajin kara hawlaha qaranka ee amba taagan amba la xooliga ah diin gaboobay.

Waxaan arkay baahida loo qabo aqoon, waxaan dhugtay darxumada dadkeena haysata oo adigoon meel kale tegin ka arki kartid jaarka Madaxtooyada, u talaabso dhinaca state-house oo guda gal kumaakunka guryahoodu yahay labada mitir ee bac iyo cartoonka ka samaysan , aan roob ka celin, dabayl iyo siigana afaafka uga soo gasho, dad aan haysan biyo, nal, musqul, iyo meel ay wax ku karsadaan. Waxay ku jiraan xabsi ka aradan adeegyada nolasha. Inta kale ee ka durugsanina waa la ged. Ma cadhaysan, ma  muruga ysna, wajigooda waxa ka muuqda deganaansho qalbi, wey samreen, waxay yihiin kuwa dhab ahaan uga danbeeya nadabada aynu ku naaloonayno. Waa iyaga kuwa dhaliyey isbedelka dalka ka tis qaaday. Waxay garteen inay nolosha wax ka bedelaan, inay u hubsadaan codkooda, iyagoo diiday inay iibiyaan ayey gunta u xidheen guusha KULMIYE. Waa danyarta Soomaliland ee gobol kasta joogta kuwa guushan dhaliyey.

Waxay sugayaan wax-qabad, waxay doonayaan caddaalad, iyo in la xakameeyo xatooyada iyo ku  tumas hada maalka yar ee badiyaa iyaga laga soo xareeyey. Waxaynu ognay in qabniga qaranku yahay  cashu urta la saaro badeecadda, oo danyartu tahay kuwa ugu badan ee badeecadahaas iibsada, illeyn iyagaa dadka ugu badanee. Waxa wehelisa cashhraha laga qaado, bacaad joogta iibisa qaadka, khudaarta, baca ha iyo wax kasta oo miis iyo maro la saaro suuqna la soo dhigo.

Dadkaas iyo dhammaan reer Soomaliland waxa deeqaaya in la helo hawl-wadeeno aqoon leh, karti iyo  da acadnimana u shaqeeya oo dardar galiya waxqabadka dawliga ah. Dar jeexa dariiq horumar ooy cagta  s aaraan ganacsatadu, kuwo soo jiita maalgashiga qurbojooga iyo kan shisheeyaba oo dhidibka u aasa  si yaasad cad iyo sharciyo taas dhiirigeliya. Looma baahan dark ku yimaada WAASTO suldaan, caaqil, iyo xi gto iyo saaxiibnimo toona. Looma baahana duul hawshoodu noqoto inay kursiga kuleyliyaan oo ka  arada n wax qabad, bal se lunsada hantida danyarta laga soo uruuriyey.

Waa saacado waxa ka hadhay xil-wareejinta hoggaanka uu hormuudka ka yahay Madaxweyne Axmed M axamed Siilaanyo, waa siyaasi aqoon, karti, samir, dulqaad iyo wax qabad lagu doortay, waana tan  dadw eynahu ka filaayo. Waxa muuqata inuu dhabadeed qaaday oo uu la-tashi ballaadhan sameeyey, go’aank eed iyo gunaanadkeedna laga filaayo inuu sida uu ku bilaabay ku go’aamiyo. Waxaanu leenahay  ILLAAH AY ha ku waafajiyo inaad qalinkaaga la hesho yoolka ummaddu calaamadaysatay, inay noqdaan  xukuma daadu mid ka turjumta himmilada dadweynaha, mid ka midho-dhalisa barnaamajka KULMIYE ee lagugu do ortay.

ALLE haynaga yeelo, kuwa ka waantooba inay isku hawlaan shaqo eyna aqoonteed, iyo xirfadeed lahayn, ALLE haynaga qabto kuwa kuraasta u doonaaya inay ku helaan hanta-qaran oon xalaal ahayn, ALLE  hay naga yeelo kuwa danta guud u hawl gala, kuwa eega inta ka itaal yar, ka dhaqaale yar ee u baahan  taa kulin iyo taageero.

Waa inagoo wadajirna oo danta guud wada dhowrna.

Insha Allaha waa xil-wareejinta oo wanaag ku dhammaata, iyo xukuumadda cusub oo hawsheeda xawli weyn ku dhaqaajisa.

Mahad oo dhan Alle ayaa leh, tan iyo kulan kale nabaadiino iyo ammaano ALLE.
 

 

 

 

Axmed Carwo
MSc , Finance and Accounting
samotalis@gmail.com
http://samotalis.blogspot.com
Hargeysa
4096421