Wafti uu hogaaminaayo Gudoomiyaha Ururka UMADDA oo si balaadhan loogu soo dhaweeyay London, UK

 


London (TNN)-Waxa saaka salaadii hore kasoo dhigay Heathrow International Airport wafti ba laad han oo uu hogaaminaayo hogaamiyaha Urur siyaasadeedka Ummadda Dr Maxamed Cabdi Gaboose iyo wafti ka kooban madaxda sare ee ururka Ummadda oo ay ka mid yihiin Ku-xigeenka Musharaxa madaxweynaha Professor Qaasim Sheekh Ibraahim ,Xildhibaan Saleebaan Cawad Cali,Siciid Xaaji Ax med oo ka mid ah xubin u sharaxan golaha degaanka ee magaalada Hargaysa.


Dadweyne aad u fara badan oo ka tirsan madaxda Uk,Yurub iyo tageerayaasha ayaa soo buux dha afiyey garoonka iyaga oo dhamaan ay ka muuqatay astaanta Ururka Ummadda iyo calanka Somali land-ba,iyo sidoo kale Haween kusoo dhaweeyey Ubax qurux badan oo ay wajiyadooda ka muuqat ey farxad iyo rayn rayn ay kusoo dhaweynayaan madaxda ururka.


Intaa ka dib waxa ay madaxda Ururku la hadleen saxaafada iyaga oo aad ugu mahadnaqay soo dha weynta aadka u weyn ee loo sameeyey iyo xiligan oo ah salaad hore meelo fog -fogna ka yimid,sid asoo kale waxa ay carabaabeen imaatinkooda oo ku salaysay la kulanka dhamaan sh acabka reer Somaliland iyo gaar ahaan tageerayaasha ururka Ummadda oo ay ka heleen casu umad ayna maalin ta Sabtida la hadli donaan. intaas ka dibna waxa losii galbiyey Hotelkii ay degi lahaayeen.


Waxa sidasoo kale gudida qadan-qaabada Ururka umadda ay aad ugu mahadnaqayaan dhama an sh acabka reer Somaliland gaar ahaan tageerayaasha Ururka Ummada sida quruxda badan ee ay usoo dhaweeyeen iyaga oo una soo jeediyey inay xaflada maalinta Sabtida ahna kasoo qaybgala.

Gudida hoos ku qorani waa gudidii qaban-qaabada waftiga ee dalka Uk

1.Gudoomiyaha UK, ee umadda Ahmed Cali Naahi
2.Muj.Casayr Cabdiqaadir
3.Ibrahim Xaaji Ahmed X. Diiriye
4.Gudomiyaha garabka haweenka Farax Saleebaan Keli
5.Ayaanle Cali Weyd
6 Atam
7.Naasir fara fidiye
8.Sammokaab Cumar Aadan
9.Xoghaya dhalinyarada ee ururka umadda Caydaruus Farax

 




Hamse Ahmed Salaan