“Waqaf Iyo Cirro Waxay Wadaan Waa Ku Qabso Ku Qadimayside,Faysal-Na Waa Gudoomiyaha UCID”
 

 


 

Hargeysa 07/08/2011 (TNN)- Wasiirkii hore ee caafimaadka Somaliland Cabdi Haybe ay aa sheegay inuu shaqsiyan u aqoonsan yahay Gudoomiyaha xisbiga UCID inj Faysal Cali-waraabe ,waxaanu intaa ku daray inay UDUB-ahaan ergo islaamnimo iyo mid Somaliland-nimaba ka galeen khilaafka UCID isla markaana uu aqbalay ergadooda Faysal balse ay ku gacan saydheen dhinaca uu waqaf hogaamiyaa .waxaanu Cabdi haybe intaa ku daray in qolada ergada diiday ay qaldan yihiin oo arintoodu tahay ku qabso ku qadi mayside isla markaana ay jirto wax ay isku halaynayaan oo ay yihiin gardaro garab og waxaa kaloo uu beeniyay in xisbigooda UDUB uu khilaaf ka dhex jiro isagoo sheegay inuu bisha 9 aad qabsoomayo shirwaynahoodii isla markaana uu dalka kusoo guryo noqonayo madaxwa yn ihii hore ahna gudoomiyaha xisbiga UDUB waxaanu sidaa ku sheegay waraysi khaasa oo uu khadka tilifoonka ku siiyay wargeyska Hargeysa  Star

 


S:Qolodii UCID garabka waqaf waxay idinku eedeeyeen inaydaan ergada daacad ka aha yn oo waxay yidhaahdeen UDUb riwaayad bay dhigaysay ee iyaday ha is bad baadiso arintaa maxaad ka leedahaya?


J:Arintaa waxaan ka leeyahay ugu horayn xisbigayagu wax dhibaato ahi kama jirto ism ana hayno ucidna waxaanu u dhex galnay waxaanu ahayn ergo islaax iyo wanaag doon aysa waxaanan is lahayn isku keena labada dhinac oo arintooda wada hadal ku dhamee ya Faysal Cali Waraabe iyo dhankiisuna way na ogalaadeen laakiin waqaf waa uu na diid ay oo wuxu yidhi “maxkamadaan ku go’aa laakiin waxaa nasiib daro ah in dhinicii ergada diiday iyadoo aanay dhaqan inoo ahayn in ergo dhexdhexaada la diido inuu hadana ana gii islaamnimada iyo soomaalilandnimada u dhex galnay uu na yidhaah way iska hadlay een taasi waxay cadaynayasaa inuu waqaf iyo kooxdiisa arintoodu tahay gardaro gar ab og oo meel xanjo ugu dhagsan tahay, waxay wadaan Cabdirahmaan ciro iyo waqaf waa ku qabso ku qadi mayside, aniguna shaqsiyan waxaan aqoonsahay inuu Faysal Cali Waraabe yahay gudoomiyaha sharciga ah ee UCID


S: Idinku UDUB ahaan Xisbigiina wax khilaaf ahi ma ka dhex jiraa ?


J:Anaga xisbigayaga wax khilaafi kama dhex jiro ismana hayno shirwaynahayagiina wux uu qabsoomayaa bisha 9aad gudoomiyihiina wuu imanayaa markaa haduu yidhi ninkii aa nu ergada ugu tagnay UDUB ayaa rowaayad dhigaysay waxay ila tahay waa nin wax u qorshaysan yihiin oo wax isku og oo meel kale ka lib haysta ayaan u malaynayaa ilayn ergo in la diido dhaqan keena maahee

 



Wargayska Hargaysa Star