Taariikh: June 1st , 2011

 



Ku: Dhammaan Salaadiinta, Boqorada iyo Odayaasha dhaqanka ee Beesha sharafta leh ee  Madaxwe ynaha

Ku: Dhammaan Cuqaasha , Aqoon yahanka iyo wax Garadka Beesha sharafta leh ee Madaxweynaha

Ku: Dhamman Qurba jooga sharafta leh ee Beesha Madaxweynaha

cc: Madaxweynaha Somaliland , mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo)



 

Ujeedo: War galin cadaalad darrada uu u xidhan yahay Mujaahid Qawrax Muse Xuseen




Anigoo ku hadlaya magacayga Eng. Maxamed Cali Muse iyo ka dhammaan Beesha ballaadhan ee deg aankeedu yahay Tog-Wajaale, Xudunta Ganacsiga Somaliland,waxaan walaalayaal naga guddoontaa n salaanta islaamka, Salaama Calaykum waraxamtu laahi wabarakaatu.



Waxaan idinku war galinaynaa , in Bishii March 3,2011 , Maxkamadda Rafcaanka ee Gobolka Hargeys a,soo saa artay qoraal cadaynaya in aan wax danbi ah aan lagu haysan Mujaahid Qawrax Muse , xo riyadiisana loo soo celiyo.


Tix raacii Maxkamada:


Ref: Maxkammada Rafcaanka Gobolka Hargeysa

MRH/124/2011/ ee ku taariikhaysan Date:03/03/2011

Ku: Xafiiska Xeer Illaalinta Guud ee Gobolka Hargeysa





Waxaa xigtay , Bishii April 25 ,2011, waxaanu qoraal u gudbinay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Som aliland,mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) , kana codsannay in muwaadinkaasi cadaala d helo , oo haddii Maxkamadii cadaysay in aan wax danbi ah oo loo haystaa jirin, in xoriyadiisa loo so o celiyo.


Tix raacii qoraalka:

http://www.longlivesomaliland.com/Mujaahid%20Qawrax%20Muuse%20Xuseen%20oo%20caddaalad%20darro%20u%20xidhan.htm

 


Mujaahid Qawrax Muse, wuxuu in ka badan 5 bilkood (150 cisho ) , uu sabab la'aan God Madaw ugu jiraa cadaalad darro , reerkiisii iyo caruurtiisiina laga dhigay Aabo la'aan, isagoon wax danbi ah oo lagu xakumay aanay jirin. Sidaan warkiisa ku haynana, waxaa aad looga dayrinayaa xaaladiisa caafi maad , una baahan in daryeel caafimaad lala gaadho.



Walaalayaal,arrinkan Madaxweynaheenii waanu gaadhsiinay sidaan kor ku soo xusnay, idinkana maa nta oo Bishu tahay, June 1st , 2011 , ayaanu idinku war gelinaynaa, waxaanan idiinka fadhinaa sadd ex arrimood:



1- Waa in si deg deg ah Mujaahid Qawrax Muse, xoriyadiisa loogu soo celiyo, si xaaladiisa caafimaad loola tacaalo, oo aanu Xabsiga ugu dhiman darxumo iyo cadaalad darro awgeed



2- Waa in Mujaahid  Qawrax Muse, laga raali geliyaa xaq darradaa uu mudada dheer u xidhnaa



3- Waa in Mujaahid  Qawrax Muse , mudadii uu xaq darada ku xidhnaa,ee laga hor joogsaday inuu re erkiisa iyo caruurtiisa u soo shaqeeyo, loo gudo ,wax caqli gal ahnna la siiyo.





Midnna yaan laga tagin ee ha la ogaado, Rag gogoshii waa cadaalad,haddii cadaalad la waayana,na badeenii, walaaltinamadeenii iyo wadajirkeenii , ayaa cadawaga Somaliland ka faaiidaysan doonaa.W axaan Allaha weyn ka baryaynaa inuu dhammaanteen xaqa inna garan siiyo ,kheyr iyo wanaagnna i noogu soo af jarro , Aamiin.

 




FG: Fadlan wixii loo baahdo , aniga igala soo xidhiidha emailka hoos ku qoran



 




Af Hayeenka Beesha Degaanka Tog-Wajaale

Eng. Mohamed Ali Muse
Email:Mohamed.a.muse@Gmail.com