WAR SAXAAFADEED

 

Hargeysa  Axad December 6 (Timacade News)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda  So maliland, Mudane, Daahir Rayaale Kaahin, waxa uu maanta kulan kula yeeshay  qa s riga Madaxtooyada, Wefdi balaadhan oo ka socda Urur Goboleedka Wadamada  Bari ga Afrika, marka la soo gaabiyana loo yaqaan IGAD.

Wefdigaasi oo uu hogaaminayay, Mudane, Kipsuto Arab Kirwa, oo wadamada IGAD u qaabilsan arrimaha horumarinta ee Somaliland iyo Soomaaliya, waxa ay booqasho gaaban ku yimaadeen Jamhuuriyadda Somaliland.

Mudane Daahir Rayaale Kaahin, oo wefdiga kala hadlay arrimo dhinacyo badan  taa banaya, waxa uu marka hore ugu mahad naqay wefdiga booqashada ay ku  yimaad een Somaliland, waxana uu sheegay Madaxweynuhu in booqashadani aanay noqon doonin tii ugu danbaysay ee ay mustaqbalka socdaalo kale ku iman doonaan  Soma liland.

Madaxweynuhu, waxa kale oo uu si kooban wefdiga ugaga waramay arrimo ku  saa bsan gooni isu taaga Somaliland iyo waxqabadka iyo tallaabooyinka horumarka ah ee ay ku tallaabsatay tani iyo intii ay kala soo noqotay xorriyadeed wadankii la isku odhan jiray Soomaaliya.

Madaxweynuhu, waxa uu carabka ku dhuftay in Somaliland aanay ka helin caalamka intiisa kale oo ay ugu horeeyaan wadamada Afrikaanku wixii ay ka mudnayd  dhina ca aqoonsiga iyo tix-gelinta ay u leedahay in loo qiro gooni isu taageeda.

Madaxa wefdiga oo isna halkaasi hadal kooban ka jeediyay, waxa uu ka waramay in ujeedada ay u yimaadeen Somaliland ay tahay in ay warbixin iyo xog fiican ka  hela an waxyaabaha horumarka leh ee ay qabsatay Somaliland oo ay ugu weyn tahay Nabad gelyada iyo xasiloonida ay ku caano maashay.

Mudane, Kipsuto Arab Kirwa, waxa kale oo uu Somaliland ugu mahad naqay, tallaa booyinka ay ka qaaday la dagaalanka Argagaxisada iyo Budhcad badeeda, taasi oo u baahan in wadamada kale ee mandaqaduna kaga daydaan Somaliland, gaar  aha an wadanka ay dariska yihiin ee Soomaaliya oo aynu ognahay dhibaatooyinka ka taagan.

Gabo gabadii, Hogaamiyaha wefdigu waxa uu ballan qaaday in uu u gudbin doono shirka madaxda wadamada IGAD ee ka dhici doona Magaalada Jabuuti wixii ay ku soo arkeen intii ay joogeen Somaliland.
 


Allaa Mahad leh

Siciid Cadaani Mooge
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL