War Saxafadeedka Kulanka Gudoomiyaha Xisbiga Kul miye Md Axmed Siilaanyo Iyo Senator Al Franken (D) Jan26/2010 Ee WashingtonDc
 


Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo ayaa  maa lintii Salaasada ee 26 ka bisha Jan, 2010 uu xafiiskiisa ku martiqaaday kuna soo  dhaw eeyay Senator Al Franken (D) oo laga soo doorto gobolka Minnesota kana tirsan  xis biga Dimuqraadiga ah ee aqlabiyada ku fadhiya labada gole ee barlamanka-ka  Maray kan waa aqalka wakiilada ee kongress-ka iyo aqalka sare ee Senate- ka loo yaqaan, madaxweynaha dawlada Maraykana ka soo jeedo.


Kulanka Senator Al Franken (D) iyo gudoomiyaha xisbiga Kulmiye mudane Axmed  Max amed Maxamud Siilaanyo oo ka dhacay xafiiska senatorka ee ku yeela Daarta wayn ee koongress-ka Capital Hill -na loo yaqaan ayaa u dhacay is afgarad iyo jawi is  fah am leh.

Senator Al Franken (D) iyo gudoomiyaha xisbiga Kulmiye waxay ka wada hadleen  ari maha mandiqadda geeska Africa iyo dhibaatooyinka ka taagan oo saamayn ku yeelan kara Jamhuuriyada Somaliland una baahan in wax lagala qabto. Waxa kale oo ay  lab ada mudane ka wada hadleen gooni isu taaga iyo aqoonsiga Somaliland sidii dalka  Ma raykan uu uga gar gaari lahaa. Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo iyo  sena tor Al Franken (D) waxay ka wada hadleen oo kale kobcinta iyo geedi socodka  dimuqr aadiyada, doorashada madaxweynimada Somaliland sidii ay ugu dhici lahyd habsami  a an mugdi iyo madmadow toona lahayn goob joogayaalna loogu soo diri lahaa.


Kulanka gudoomiye Axmed Siilaanyo iyo Senator Al Franken (D) waxaa kale oo lagaga wada hadlay baahida kala duwan ee Somaliland iyo sidii hay'adaha Maraykan ay  xidh iidh toos ah mucaawinooyinka ula yeelan lahaayeen Somaliland.

kulankaas oo ka dhacay xafiiska senator -ka oo ka soo qayb galeen Senator Al  Frank en (D), madaxa xafiiska iyo shaqaalha Senator-ka halka dhinaca gudoomiyahana ay  k a soo qayb galeen Md Axmed Maxamed Maxamud Silaanyo, gudoomiyaha xisbiga Kulm iye, madax ka tirsan gudida fulinta xisbiga Kulmiye ee waqooyiga Maraykan iyo xubno ka tirsan gudida laanta xisbiga Kulmiye ee Washington DC/ Virginia.


Ugu dambayn, Waxaa halkaa Senator Al Franken (D) gudoomiyaha xisbiga Kulmiye uu gudoonsiiyey shahaado sharaf ay aqalka baarlamanka gobolka Minssota ku  maamuu seen waxqabadka siyaasadeed , nabadeed iyo horumarinteed ee gudoomiyaha  xisbi ga Kulmiye mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo. Shahaada sharaftan oo si  w eyn loogu muujiyey kaanlinta Gudoomiye Siilaanyo kaga jira taariikhda aduunka oo  la gu xardhay waxqabadkiisa siyaasadeed, Nabadeed iyo horumarineed ee uu ka  geyst ay dalkiisa waxaana loo ictiraafay in uu yahay astaan qaran iyo aabaha Dimoqradiyda Somaliland. Md Axmed Siilaanyana waxaa mahad naq balaadhan u soo jeediyay  senat orka,aqalka baarlamanka gobolka Minnesota ee shahaadan u soo gartay iyo dhamaan jaaliyadii reer Somaliland ee gobolka Minessota. Senator Al Franken (D) ayaa isna dhi naciisa uga mahad celiyay booqashada gudoomiyaha waxaanu balan qaaday in uu xid hidhka gudoomiyaha halkaa ka sii wadi doono



ALLA mahad leh

 



Gudida Xisbiga Kulmiye Ee Waqooyiga Maraykan