WARARKII GOBOLKA GABILEY  IYO WERIYE NIMCAAN

 

Waxaa maanta magaalada Gabiley lagu qabtay barnaamij waxbarasho oo lagu  taageerayo dadka farsamo yaqaanada ah ee Beelaha loo yaqaano Gabooyaha  iyo Tumaalka. Barnamijkkaaasi,  oo ula  jeedadiisu ahayd, inay Beelaha   Tumaalka , in ay iskuulada Gabolka Gabiley ay bilaa lacag ku dhigtaan ilaa heer jaamcadeed , si ay  dhiiri galin u helaan.


Furitaankii barnaamiskaasi oo lagu qabata hoolka xarunta dawalada hoose ee Gabiley ayaa waxa ka soo qaba galay:


Wasiiru Dawlaha Wasaarada Hawalaha Guud ,Mudane Xirsi Aw Cabdi Shee kh (xirsi dheere) ,Wasiirka dib u dejinata,  Maxamed Yuusuf ,Wasiir ku xige enka Wasaarada Caafimaaka ,Mahadi Cismaan Buuri ,Badhasaabka Gabolka Gabile y , Maxamed Axmed Aw Cabdi ,Gudoomiyah Golah deeganka Gabiley ,Aadan Muxumed Bade ,Gudoomiyah degmada Toga-Wajaale, Gudoomiyaha degmada Alaybayday ,Maamulka Waxbarashada Goblka Gabiley,Cuqaal iyo waxqaradka Gobolka .


Uga horayntii, waxa halkaasi ka hadlay, Waasiir ku xigaanka Wasaarada Caafimaaka , Mahadi cismaan buuri,waxaanu yidhi,  haddii aan xukumadii nahay, waxanu diyaar u nahay inaanu barnaamijkanii kala qayb qaadano maamuka Gobolka  Gabiley.Wasiirku waxa uu intaasi ku daray, in ay waxba rashadu tahay nolosha aasaaskeeda.


Waxaa kale oo  halkaasi ka hadalay, Badhasaabka Gabolka Gabilay ,Maxam ed Axmed Aw Cabdi,waxanu ka hadaly  mihiimada barnaamishkani iyo wa xa ay ugu tala galeen.Waxa uu  beelahaasi ugu baaqay,  inay wax barsh ada ku dadaalaan,  maadama ay yihiin farsamo yaqaano wax soo saari kara.


Waxaa halkaasi  isna ka hadlay,Godoomiyah Golah Deegaanka Gabiley, Gud oomiyaha Magaalada Tog-Wajaale,Godoomiyah Degamada Alay Baday, Ma amulka Waxbarashada Gobolka Gabiley,Suxufi Axmed Xasan Cawke,Cuqaal iyo wax qaradka Gobalka Gabiley.


Waxaanay dhamantood tilaameen mihimadda waxbarashadu leedahay iyo sidii loo horumarin lahaaba.Ugu danbayntii, waxa halkaasi ka hadlay Eng Muse Dubad , oo ku hadalye magaca Beeshaasi,waxaanu yidhi, waxaan  mahadnaq u soo jeedinayaa maamulka Gabolka Gabilay oo maanta sameey ay wax aan la iloobi karin iyo sida ay diyaar ugu yihiin walaalahooga wax loo qabanayo,wax aanu balan qaadaynaa in aanu diyaaru nahay taageer ada waxabarshada.



 

 

Weriye Nimcaan Dheeg Ibraahim
Longlivesomaliland News Media
Gabiley Office