Wararkii Gabiley iyo Weriye  Nimcaan

 

Waxa maanta magaalada Kalabaydh ee deeganka Gabiley ka furmay heshi iskii laba beelood ee walaala ah ee dhirirtu ku dhex maray ceelbardaale

Heshiiskaasi waxa si rasmi ah u furay  godoomiyah gudida guurtida Maxamed Maxamuud Diiriye .Furitaankii heshiiskaa, waxa ka soo qayb galay :

-Wasiiru Dawlaha Arimaha Gudaha Mudane Xasan Macalin

-Badhasaabka Gabolka Gabiley,Maxamed Axmed Aw Cabdi

-Badhasabka Gabloka Awdal ,Maxamed Sh C/laahi Cige

-Ttaliyayaash Gobalada Gabiley iyo Awdal

-Cuqaal iyo Suldaano ka socday gobada dalka

Ugu horayhtiii waxa halkaasi ka hadalay wasiiru dawlaha arimaha Gudaha mudane Xasan macalin, waxaanu mahadnaq u soo jeediyaya badhasaabka Gobolka Gabiley iyo Maayarka caasimada Gabolka Gabiley iyo Badhasaabka Gobolka Awdal iyo odayaasha guurtida soomalilnd iyo odayaasha ka kale socda labad beelood ee Gobolka Awdal iyo G/gabiley

Wasiirudalaha arimaha Gudaha Somaliland wuxuu yidhi “Dadku way  isqabt aan bila’aadankana illaahay ayaa u dabqaada idinkuna waa in aad wacad qaadaan kaas oo nabadgalyo ah waxa kale oo uu wasiirku yidhi hal kalmad ayaan idin odhanyaa dadku way isqabtaan haday isku dhacaana labada Beelood ee wada dagan waa in lahelo dad dhexdhexaadiya sida Guurtida duqayda indheergaradka in la helo dad isku wada caqliya oo colaada meel uga soo wadajeesta waxaan leenayay dadkii ugu waaway naa Ilaahaybaa wayne sida caaqilada ,culima’udiinka ,sikasta oo aad isku dishaan waa in xalloo helo waxaad wada tihiin aqoonwadaag isku beel ah isu abtiya

Wasiiru dawluhu waxa uu intaa raaciyay waxaan jecelahay labdiina beelood in aad ifka wada joogtaan idinka oo nabada wasiirku waxaa kale oo uu mahad naq usoo jeediyay Golaha Guurtida Somaliland waana in ay garta ug soo baxaan sicadaalada xukuumaduna way idinla joogaysaa cidna xoogkuma hayso xukuumadu Boolis nabadeed mooyaane cudud military may gaynin wali ilaahayna waxaan ka rajaynayaa in ay nabadgalyadu inoo sii wanaagsanaato



Waxaa kale oo ina hadal ka soo jeediyay Gudoomiyahay Gobolka Gabiley mudane Maxamed Axmed Aw Cabdi (Xabiib)

Waxaanu mahad naq usoo jeediyay wasiiru dawlaha arimaha gudaha maayar ka caasimada G/Gabiley saraakiisha Booliska kakala socda labada

Gobol iyo labad ergo ee ka kala socdda laba Beelood ee raadinaayaa Ajar iyo Xasanaad mashaqda halkkan ka socota siday wax uga qaban lahaayeen waxaan labad ergo leehay

Ku soo dhawaada Go’gosha aan idiin fidinay waxaanan ilaahay idiinka raja ynayaa in uu illaahay kulan fiican idinka yeelo maamul ahaana waxaan idiin balanqaadaynaa wadashaqayn labada garaba ee ergada ah waxaan u balanqaadayna Dawlad ahaan inaan sifiican hadaan nahay Cuqaal , Salaadiin, Waxgarad Gobolka Gabiley ah waan idin la barbartaaganahay ilaahayna hawsha ha idiin fududeeyo


Waxaa is na hadal ka soo jeediyay Gudoomiyahay Gobolka Awdal mudane maxamuud Sh.C/lahi Cige oo is na mahad naq u soo jeediyay Badhe saabka Gobolka Gabiley iyo Maayarka Caasimada Gobolka Gabiley iyo Guurtidaba iyo waliba labada Beelood ee madasha Fadhiyay waxaanan leehay idinkaa xidid iyo Ab isku ah beelaha kale ee Gartakujirana iska jecel

Waxaa kale uu uu in taa raaciyay Waxaa inagu dhaw geedkii nabadiid ee maanta waxaan odhan lahaa in loo bixiyo Bardaale

Waxaa iyaguna hadal ka soo jeediyay odayaal ka socday Golaha Guurtida iyo Cuqaal kale oo farobadan oo labada dhinaca waxaanay noo sheegeen in maata ay tahay furitaankii shirka ee dhexdhexaadinta labada beelood barina ay halkaa inooga siidocon doonto



Ugu dabtii wax halkaasi ka hadalaye suldaan ismaciil suldaan c/raxmaan iyo uqaal waxa dhaamantood tilmaameen muhimadda ay nabadu leedahay  Iyo sidii wax loo xalina lahaa .




 

 

 

Wariye Nimcaan Dheeg Ibraahim
Longlivesomaliland News Media