Weriye Nimco Muxumed Ibrahim oo waraysi dhinacyo badan taabanaya la yeelatay curaddii Marxuum  Cabdillahi  Suldaan Timacadde.
 

 


Hargeysa (Timacade News) :- Akhristayaal Waxaanu maanta halkan idiinku soo gudbinaynaa waraysi xiiso badan oo weriye Nimco Muxumed Ibraahin la yeelatay curadii uu dhalay abwaan kii soomaaliyeed ee C/laahi Suldaan Maxamed (Timacadde) oo maanta galinkii danbe nagu soo booqatay xafiiska ay shabakada wararka ee Timacadde News ku leedahay magaalo madaxda gobolka Gabiley.


Waraysigaasi oo taabanayay dhinacyo faro badan oo ka mid ah noloshii curada abwaanku  dh alay Maryan C/laahi Suldaan Maxamed (Timacadde), halkii ay ku dhalatay, goobtii ay ku soo ba rbaartay, kuna soo qaadatay waxbarashadadeedii, shaqooyinkii ay soo qabatay, qaabka ay  b ulshadu ula dhaqanto maadaama uu dhalay abwaan caan ku ah suugaanta ay dadku  xiiseeya an iyo ka gabyida kolba marxalada taagan iyo sidoo kale xidhiidhka ka dhexeeya qoyska uu  ab waanku dhalay iyo xukuumadihii kala duduwanaa ee wadanka soo maray.


Weriye nimco oo ugu horayn waydiisay Hooyo Maryan C/laahi Suldaan Timacadde goobta ay ku dhalatay iyo halka ay kusoo barbaartay ayaa waxay Galoolay ugu jawaabtay inay ku  dhal atay tuulo Barri ka xigta magaalada Gabiley oo ay caruurta uu dhalay abwaanku intooda  bad ani ku dhalatay.


Maryan waxaa kale oo ay sheegtay mar la waydiiyay inay jiraan maryan intii ay soo jirtay inay jiraan wax waxbarasho ah oo ay soo qaadatay waxay ku jawaabtay inaanay jirin wax uga  dan beeyay malcaamad quraantii oo ay ku qaadatay galoolay.


Waxaa kale oo uu weriyuhu waydiiyay Curadka Abwaan C/laahi Suldaan Maxamad Timacadde inay shaqooyin kasoo qabatay dawladihii kala duduwanaa ee wadanka soo xukumayay  waxaa nay xustay inaanay jirin shaqo dawladeed oo ay soo qabatay iyo cid shaqo ugu yeedhay  too na.
 

Maryan mar la waydiiyay inay jirto wax shaqo ah oo ay hada gacanta ku haysaa waxay   weri yaha u sheegtay inay hada ka shaqayso meheradyar oo ay iyadu leedahay kuna iibiso dharka dumarka, laakiin aanay jirin xaafadeeda inaanay jirin wax shaqo haya rag iyo dumarba qoyskii balaadhnaa ee uu ka tagay abwaan Timacadde.



Su,aalihii ay Nimco waydiisay curada abwaanka waxaa ka mid ahaa:

S: Maryan waxaan ku waydiin lahaa inaad nooga waranto, maadaama ay ka mid tahay ubadkii uu abwaanku dhalay abwaan Timacaddena uu ahaa abwaan laga yaqaano dhamaan dhulka ay dagaan dadka afka soomaaliga ku hadlaa, bal sida ay kuula dhaqmaa bulshada reer Somaliland ee ay ku dhex nooshay?



J: Shacabka aan la noolnahay si waynbay noo qadariyaan, si wanaagsana way noola  dhaqma an, laakiin dhinaca dawlada wax ixtiraam ah kama hayno oo madaxwaynihii hore ee  geeriyoo day Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal dhawrgoorbuu nasoo maray, halkaan ku nool nahay iyo  ko lba sida uu xaalkayagu yahay wuu nala socon jiray. Laakiin, dawlada dalka maanta haysata  wa xaanu ku qabnaa ma jirto, marka aan is idhaahdo bal maanta inamada iskuulada ka baxay  shaq o ha helaan ee aan wasiir warqad u geeyana waxay yidhaahdaan sug bari iyo sahan danbe  a an dhaamanayn, sidaas uunbaanu wakhtigu kaga dhacaa oo ama wasiirku xilka kaga  dhaadha caa ama shanta sano kaga dhamaadaan.



S: Ma jiraan Balanqaadyo dhinaca waxqabadka oo ay idiin samaysay dawlada maanta xilka  hay saa ha noqoto heer dagmo iyo heer gobolba ee?,



J: Maya, Waxba may balan qaadin waxna may qabanin, haday noqoto dawlada hoose iyo  dawl ada dhexe toona marka aan iska hor nimaadnaana waa marka aan waraaqo u gaynayo ee aan leeyahay inamadaa wada bilaa shaqada ah qaaruun shaqo hala noo siiyo kadibna ay na  meerm eeriyaan ee sidaasuun wakhtigu nagaga dhaco. Horena waan u sheegay ee af macaan waxaa dhaanta gacan macaan, wax xidhiidh oo kale iyo waxqabad ama kaalmo naga dhaxaysaa ma  jir to, wax shaqaale oo noogu jiraana ma jirto.



S:Maryan, ma jiraan wax xidhiidh ah oo ay idinla soo sameeyeen asaxaabta mucaaridka ahi ama masuuliyiin kale oo magac ku leh wadanku?


J: Maya walaahi xisbiyada mucaaradka ah iyo shaqsiyaad kale toona wax taakulo ah oo aan ka helnay ma jirto,inta banana ururada siyaasiga ah iyo xisbiyadana ma dhex galo. Bulashadaa  a an wada noolnahay ee caadi noo yaqaana sida fiicana noola dhaqma mooyaanee ma jiro  waxa anu dawlada iyo xisbiyada toona ka helnaa.


S:Maryan C/laahi Suldaan waxaa tahay curadiisii, kolay dad badanbaa iswaydiinaya marka la  y idhaahdo maanta maryan ayaa halkan waraysi lagaga qaadayaa, tolow maryan oo ahayd  cura dii abwaanku halkay ku nooshahay maanta? Tolow imisa ubad ah ayay leedahay? Maxaad ugu jawaabi lahayd dadka su,aalaha noocaasiya iswaydiinaya adigoo maanta fursadan ka  faa,iday sanaya?



J: Waxaan ku noolahay Gabiley aniga iyo sadex kale oo aan walaalo nahay, waxaanay kala  yihii n Xaliimo C/laahi Suldaan oo iyadu Galoolay dagan waxaanay leedahay lix caruur ah afar  hablo od iyo laba wiil. Samsam C/laahi waxay ku nooshahay magaalada Tog-wajaale waxaanay  leed ahay Toban ubad ah oo kala ah Todaba wiil iyo sadex hablood. Aniga oo Maryan ahina waxaan daganahay mgaalada Gabiley waxaanan dhalay sadex wiil iyo laba gabdhood wixii ay sii  dhalee na intaas way kasii badan yihiin. Oo aniga ubadkaygu waxay sii dhaleen kow iyo toban caruur ah.



S: waxaan maanta ku waydiin lahaa maxay tahay fariinta aad maanta halkan uga diraysaa  da dka ku dhagaysanaya oo u badan qurbajooga reer somalialand.



J:waxaan leeyahay dhamaan inta u halgamaysa magaca Cabdilaahi iyo qiimaha uu wadanka ku lahaaba iyo aayaha uu uga tagayba , waxaa soo saaray dadkaa qurbaha jooga , gaar ahaana shabakada Timacade News Network TNN



Cabdilaahi maalinta ay dawladu u baahato uunbay cajaladihiisa la soo bixi jireen. Waxaanan le eyahay aad iyo aad ayaad u mahadsan tihiin farxad wayna way ii tahay dhamaan hadaanu  na hay ilma Cabdilaahi waxaananu leenahay haka hadhina halkaana kasii wada.



 

 

 



Weriye Nimco Muxumed Ibraahin

Timacade News Network TNN
Hargeisa Somaliland