xildhibaan
maxamed xuseen...waraysi
“Marka la eego shuruudaha ay ku xidhayaan
Inter peace labada xubno od, waxay u baahanaysaa in hadii dacwad
lagu hayo lagu soo oogo….” Xildhibaan
Maxamed Xuseen Ciise.
Hargeysa (Longlivesomaliland News)-Xildhibaan Max’ed Xuseen Ciise,
oo ka tirsan aqalka wakiilada Somaliland ayaa maanta ka waraysanay
sida uu u arko hadal dhawaan ka soo yeedhay musharaxa Madaxwayne ku
xigeenka Xisbiga Cadaalada iyo Daryeelka Ucid iyo arimo kale, ha
ye eshee waa kan xildhibaanku isaga oo ka hadlaya dareenkiisa ku
aadan xadhiga labada wariye ee Idaacada Radio
Horyaal “ runtii xadhiga saxa fiyiintu waa iska
muuqataa oo waa wax caan ah, qofka bani’aadmiga ah Ilaahay waxa uu
siiyay wax la yidhaa xoriyatul qawl. Wixii wanaagsan ee uu wax ku
saxayo inuu sheego waa wax dabeeciya. In qofku uu she ego waxa
wanaagsan waxa xuna uu ka tago waxay ka mid tahay tiira rka
Islaamka.
Markaa, saxaafadu inta badan waxa
weeyi waxay u muuqataa in ay wax sheegayaan waxa xuna ka tagayaan.
Waxay inta badan sheegaya an oo inta badan ka qaylinayaan
qaladaadka jira. Somaliland-na saxaaf adeeda hadii aad u
fiirsato oo aad sida saxda ah u eegto inta badan wuxuunbay saxaan.
Oo waxoodu waa saxiix. Markaa waxa weeyi Ninka maanta saxafi
xidhayaa macnihiisu waxa weeyi yaan waxba la iga shee gin.
Yaan la I
sixin, yaan la I toosinin waxa aan walaaqanayo aan walaa qd ee.
Maanta xukuumada Rayaale, waxa ay caan
ku noqotay oo Dunida oo dhan laga sheegayaa in
ay tahay mid Isbaaro ama jid goyn u dhiga tay saxaafada.
Isla markaana dadka ka hor joogsata in ay cabiraan fik irkooda.
Waa arin xun oo khaldan. Waana mid sumcada Somaliland xum
aynaysa. Waad maqlayseenoo maalintii dhawayd waxa ay Human Rig
hts Watch, waxa ay sheegtay in Somaliland ay saxaafada ku
tumatay iyo xuquuqda bani’aadmiga intooda badan. Runtii taasina waa
mid xun. Markaa saxafiyiinta
la xidh xidhay ilaa imika wax lagu ha yaaba ma jirto.
Xildhibaan, waxa jira arimihii doorashooyinka oo baryahanba iyo
qabas hadooda oo muran uu ka taagnaa, adigu sideed u aragtaa
murankaasi?
Xildhibaan ahaan iyo muwaadin ahaanba waxa aanu diyaar u nahay in ay
doorasho qabsoonto iyada oo inbadan dib u dhacday. Dadka
Somali land ma yeelayaan cid kastaba ha ahaadaane, waxa ay diyaar u
yihiin in ay doorasho qabsoonto. Hadii deeq bixiyayaashu ay bixin
waayaan kharashkii doorashada lagu geli lahaa markaa xukuumada ayaa
laga rabaa in ay bixiso kharashkaasi. Hadii kale oo ay bixin waayaan
taasi waxay la macno tahay in ay rabaan in ay markale korodhsadaan.
Xildhibaan, marka aad leedahay Xukuumadu ha bixiso kharashka
Doora shada ma waxa aad ka wadaa xukuumadu way awoodaa in ay bixiso
kh arashka lagu qabanayo doorashada.?
Asal ahaanba wax lagu kabayo mooyaane, sharciyan marka la eego cida
bixinaysa kharashku xukuumada weeyaan. Laakiin, maadaam la leeyahay
dhaqaalihii ma jiro taasaa keenaysa in xukuumadu ay tidhaa,
Hay’adaha caalalmiga ahi ha na kaalmeeyaan. Hadii Hay’adaha
caalamiga ahi ay shuruudo ku xidhayaan, oo ay xanibayaan
Somaliland-baa la rabaa in ay la galgalato oo ku dadaasho sidii ay
doorasho ku qaban lahayd.
Xildhibaan Maxamed, dhawaan waraysi laga qaaday musharaxa M/ayn
e ku xigeenka u sharaxan Xisbiga Ucid Dr. Maxamed-rashiid
sheikh, wa xa uu ku sheegay in labada xubnood ee xisbiyada Udub iyo
Kulmiye ay carqalad ku yihiin habsami u socodka hawlaha komishanka
doorashoo yinka ka waran arintaa?
Horta, waa arin la isku hayo. Marka la eego xeerka doorashooyinka (
xeer no.20) ayaa waxa uu cadaynayaa xubnaha komishanka habka lagu
dooranayo iyo sida lagu ansixinayo. Markaa marka la eego shuruudaha
ay ku xidhayaan Inter peace oo kale, waxay u baahanaysaa in hadii
dacwad lagu hayo lagu soo oogo. Sidaa uu xisbiga kulmiyaba sheegay
uma muuqato in lagu hayo danbi cad oo ay sameeyaan.
Weriye Mustafe Future
Longlivesomailand News
Hargeysa Somaliland
|