WARSAXAAFADEED OO MAANTA SOO SAARAY XISBIGA UCID
Xisbiga Cadaaladda Iyo Daryeelka
UCID
Justice and Welfare Party
حزب العداله والرأفه
___________________________

Date, July 16, 2009
Ujeedo: War-Saxafadeed


Xisbiga Cadaaladda iyo Daryeelka (UCID) wuxu War-Saxaafadeedkan kaga hadlayaa qodobada Xukuumaddu ku cabudhinayso Xuriyadda Saxaafadda:-

Xarigga labada mas’uul (weriye) ee ka tirsan Idaacadda Horyaal.
Talaabooyinka xukuumaddu ku cabudhineyso inay xayiraad saarto Telifishinka HCTV.
Taageero iyo booqaadin duqeyada culumada iyo ganacsatada iskaxilsaaray daminta dhacdadaasi
Canbaareyn iyo soo qabasho ciddii ka danbeysay falkii arraggixso ee jid-gooyada ahaa.

Xisbiga UCID wuxu u arkaa tallaabooyinkan cusub ee xukmadda talda haysaa u soo tafa-xaydatay cabudhinta iyo xadhiga weriyaasha aan sifahoodii sharci loo soo marin kana soo horjeeda xaqa u siinayo dastuuku saxaafadda xorta ah.

Xisbiga UCID wuxu uga digayaa xukuumadda isku day kasta oo lid ku ah xoriyatul qawlka madaxbanaanida saxaafada xorta ah ee dastuuka qaranku dhigayo, kana fogaato khalkhal gelinta xiligani dalka looga diyaar garawbaayo kaanbeynkii doorashada madaxtooyada ee ku beegan 27 bisha julay 2009

Xisbigu wuxuu ugu baaqayaa madaxweynaha JSL Mudane Daahir Rayaale kaahin innu sida ugu dhakhsaha badan u siidaa’yo labada masuul ee idaacada madaxa banaan ee horyaal oo kala ah:-

1. Md maxamed cusmaan mire “sayid”
2. Md Axmed suleymaan dhuxul
Oo aannu u aragno inaanay gelin denbi ay ku mutaysteen xadhig iyo wax u dhaw ee arrinku yahay mid siyaasadeysan.

Sidoo kale waxay Xisbiga ku noqotay u qaadan waa soo cusbooneysiinta cabudhinta saxaafadda xilligan, hadii aan looga danlahayn dib u dhiigista ama carqaladaynta doorashada soo foolka leh.

Xisbiga wuxu mar kale canbaareyn xooggan dusha uga tuurayaa qaab dhaqanka ugubka inagu ah ee jid-gooyada budhcadeysan, xukuumadda iyo hay’adaha nabadgeliyada ka dalbayna soo qabshada dembiilayaasha fuliyay, dadkana ku laayay afduubka ka dhacay jidka u dhaxeeya kala-baydh iyo degmada dilla si sharciga loo hor geeyo.

Ugu danbayntii wuxu xisbiga UCID hanbalyo iyo boogaadin qaali ah u dirayaa Madaxda hogaamiye dhaqameedyada dalka JSL, culmuaau diinka iyo ganacsatada iskood isku xilqaamay, kana wakiil ah dhamaan shacbiga Somaliland gudo iyo dibadba daminta shaqaaqada soo noqonoqotay
 



Wa bilaahi tawfiiq

Md Aadan Maxamed Mire Waqaf
Ku simaha Guddoomiyha Xisbiga
Ahna Guddoomiye ku xigeenka Xisbiga UCID