WARSAXAAFADEED

 



 


Ku: Wasiirka Macdanta & Biyaha Somaliland

Cc: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland





Taariikh:18 February 2012

Qoraal #:TWF-118022012




Ujeeddo: Biyo la'aanta baahsan ee ka jirta xarunta Ganacsiga Somaliland ee magaalada Tog-wajaale




Marka hore waxaan Wasiirka Wasaarada Macdanta iyo Biyaha ee Somaliland,mudane, Eng. Xuseen C abdi Ducaale, aan u soo gudbinayanaa salaan qadarin  & sharafba mudan,waxaanan kuugu hambalye yneynaa dadaalka aad ugu jirto sidii aad wax uga qaban lahayd biyo la'aanta ka jirta degaano badan oo dalkeenna ka mid ah.



Bishii  December 6,2011 , waxaad mudane Wasiir  shir saxaafadeed ku shaacisay, in Midawga Yurub ay $31 Malyan oo Dollar ku bixinayso biyo balaadhinta afar magaallo oo ay ku jirto magaalada Ganacs iga Somaliland ee Tog-Wajaale, una  qoondeeysay  lacag dhan $2 Malyan oo Dollar .



Magaalada Tog-wajaale,oo maalinba maalinta ka danbeysaa ay si xawliya u kordhayso shacabka ku nool iyo baayac mushrarkuba,kuna taalla xuduuda Somaliland iyo Dalka Ethiopiya,waxay baahi aad u ballaadhani ka haysataa dhinaca biyaha.


Mudane Wasiir,waxay Hay'adda Samo-Falka ee Tog-wajaale Foundation, kaa codsanaysaa inaad war bixin naga siiso halka mashruuca biyaha ee  Tog-wajaale marayo & waqtiga aad u qorsheysay.


 




Hay'adda Samo-Falka ee Tog-Wajaale Foundation


Guddoomiye,Eng.Maxamed Cali Muse

TogwajaaleFoundation@Gmail.com