Jamhuuriyadda Somaliland

 


October 10, 2011

Ref: 37/011

Ku: Saxaafadda Madaxa Bannaan

Uj: War-Saxaafadeed Dalladda Ururada Dhallinyarada Somaliland Ee SONYO

Dalladda ururada dhallinyarada Somaliland ee SONYO, waxa ay hambalyo halkan uga gudbinaysaa xildhibaanadii golaha wakiilada ee Maanta shir-guddoonka golaha wakiil ada u soo gudbiyey mooshinkii ay ku saxeexnaayeen 19 xildhibaan oo dalbanayay wax ka badal lagu sameeyo xeer Nambar 20, gaar ahaan qodobka dabarka sharci ku ah dhallinyarada reer Somaliland ee doonaya in ay ka qayb galaan talada dalkooda.

Wax ka badal lagu sameeyo qodobka da’da lagu soo galayo golayaasha deegaanka dalku waa mid muhiimadiisa leh si ay dhallinyaradu u helaan xuquuqdooda dastuuriga ah ee muwaadinimo. Sidaa darteed SONYO oo ka duulaysa raadinta xuquuqda dhalli nyarada Somaliland waxa ay hambalyo iyo mahad-naq ballaadhan u dirayaan xildhina abada ku dhiirraday in ay dareemaan baahida loo qabo furista dabarka sharci ee dha llinyarada ka hor taagan ka qayb galka talada dalka.

Xil-dhibaanada maanta shir guddoonka u gudbiyay mooshinkan dhimista da’da qofku ku soo galayo golayaasha deegaanka ee Xeer Nambar 20 waxa ay naga mudan yihiin in aan ugu hambalyayno tallaabadaasi geesinimada ah ee ay qaadeen, anaga oo ku wa kalena ka filayna in ay ku dhiirradaan meel marinta sidii ay ajandaha ugu soo dari lahaayeen qodobkaasi waxna uga badali lahaayeen, marka dooddiisa la gudo galo.

Guud ahaan dhallinyarada reer Somaliland waxa ay gudo iyo dibadba ka dhur sugay aan sida ay xildhibaanada golaha wakiiladu uga dhabeeyaan damacooda dastuuriga ah, iyada oo ay dhallinyaradu xildhibaanada ku dhiirri galinayaan sidii ay qodobkaasi da’da dhallinyarada Somaliland uga dhigi lahaayeen 25-jir halka uu markii hore ka ah aa 35-jir
 


Allaa Mahad Leh
 


Maxamed Maxamuud Yuusuf (Ilkacase)

Madaxa Xidhiidhka Dadweynaha (SONYO PR Officer)