WAR SAXAAFADEED

 

 

 

Ref: UDUB/XGK/F-2-1147 Date: 30 July 2011



Shir balaadhan oo ay isugu yimaadeen Madaxda Sare ee Xisbiga UDUB markii ay wax badan isla falanqeeye en waxay isla qaateen:

In shirkii Xuska 10 guurada Xisbiga UDUB iyo Fadhigii Golaha Dhexe loo mudeeyey inuu furmo 19-ka Septem ber 2011, si cibaadada bisha Ramadan loo guto.


Waxa Xisbigu aad u falanqeeyey wacyiga maanta jira ee Ururo furista iyo Xeerka horyaala Golaha ee Xeer No. 14, arrintaas oo hore Xisbigu mawqifkiisa uga dhiibtay kuna tilmaamay Guddigii ka talo bixinta ee Madax weynuhu u saaray inay ahayd guddi aan sharci ahayn waxa xisbigu hore u duray soo jeedintoodii taas oo aan 1700 qof ka tarjumi karin rabitaanka shacbiga Somaliland oo lagu qiyaaso tiro ka badan 3.5 milyan wax aanay noqonaysaa tiradaa guddigu wax ku saleeyeen nisbad ah 0.05% tirada guud ee shacbiga reer Somal iland.

Waxaanu haddaba farriin u diraynaa Golayaasha Sharci dejinta inay si lexejeclo ku jirto uga fiirsadaan arri ntaas maanta hortaala ee dabada laga wado, wakhti ku filan oo lagaga baaraandegona siiyaan, si aan um maddan loogu afduubin meel aan hadhaw wax laga qaban karin.



Allaa Mahad Leh

Axmed Yussuf Yassin
K/S Guddoomiyaha UDUB