War Saxaafadeed

 

Date: 20/10/2010


Madaxweynaha JSL Mudane: AXMED MAXAMED MAXAMUUD (SIILAANYO) waxa uu soo saaray Digreeto Madaxweyne oo uu ku Magacaabay Saddex Masuul.

waxaanu Madaxweynuhu Digreetadiisa ku yidhi :-

Markaan akhriyay : Qodobka 90-aad faqradiisa 3-aad ee dastuurka Qaranka somaliland.

Markaan Tixgeliyay: Ahmiyada ay la taliyeyaasha Qaranku u leeyihiin dhismaha qaranka.

Markaan Arkay: in baahi wayn loo qabo buuxinta jagooyinkan.

markaan ka fiirsaday : kartida, aqoontooda iyo hufnaantooda shaqo.

markaan ku qancay: in ay hanan karaan xilalkan loo magacaabay.

waxaan go’aansaday:

In Dr Maxamed Rashiid Sheekh Xasan laga bilaabo maanta uu ahaado la taliyaha madaxwaynaha ee xidhiidhka caalamiga ah iyo Aqoonsi raadinta somaliland.



In Md Maxamed C/laahi Cabsiiye laga bilaabo maanta uu ahaado la taliyaha madaxwaynaha ee arimaha goleyaasha baarlamaanka.



In Xuseen C/laahi Jaamac laga bilaabo maanta uu ahaado guddoomiye ku xigeenka Guddida la dagaalanka musuq maasuqa iyo ilaalinta dawlad Wanaaga.

 

 


ALLAA MAHAD LEH


Cabdillaahi Maxamed Daahir ( Cukuse )
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL