Warsaxaafadeed/ Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Oo Casho Sharaf Lagu
Martiqaaday
Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Mudane Axmed Maxamed Maxamud, Marwadiisa
marwo Amina Sh eekh Maxamed Jirde, iyo xoghayaha arimaha
dibada ee xisbiga Kulmiye Dr. Maxamed Cabdil lahi Cumar, ayaa
labadii habeen ee Sabtida iyo Axadiiba lagu soo dhawe eyay
laba casho sha raf oo kala duwan oo ay ku marti qaadeen
jaaliyada reer Somalila nd ee Washington DC/ Virg inia.
Labada Casho sharaf ee waftiga gudoomiyihu hogaaminayo lagu marti
qaaday ayaa waxaa ka soo qayb galay jaaliyada Washington DC
iyo Virginia iyo xubno ka tirsan gudida fulinta xisbiga Kulmiye ee
waqooyiga Maraykan. Gudoomiyuhu wuxu halkaa mahadnaq balaadhan uga
soo je ediyay xubnahii casho sharafka soo qaban qaabiyay iyo
dhamaan martidii ka soo qayb gasha yba labadaa casho sharaf ee
Sabtidii iyo Axadiiba.
Waftigu wali waxa u socda marti qaadyo badan oo Jaaliyadu
waydiisatay inay kula kulanto waftiga dhowrka maalmood ee soo
socda. Maanta oo maalintu tahay Isniin waxa waftiga u bilaabmaya
kulamadii rasmiga ahaa ee ay la lahaayeen dawlada maraykanka.
Wixii faahfaahin ah kala soo xidhiidh
webmaster@kulmiye.org
Gudida Fulinta Xisbiga Kulmiye
Ee Waqooyiga Maraykan
|