Horumarka Siyaasadda Arrimaha Dibadda Ee Xukuumadda Somalilanad Oo Si Wayn Caalamku Ugu Soo Dhaweeyay Shir Balaadhan Oo Ka Dhacay Guriga Caanka Ah Ee Chatham House London

 


London, July 31,2011(TNN) - Shir balaadhan oo dulucdiisu tahay soo bandhigidda iyo taageeridda Siyaasadda Arrima ha Dibadda ee xukuumadda Somaliland , ayaa shalay oo ay taariikhdu ahayd 29 ka bisha July lagu qabtay xarunta ca anka ah ee loo yaqaano "Chatham House" oo ah Rugta Faaqiddaada iyo Daraasadda Siyaasadda Caalamka ee dunui da ugu wayn oo ku taalla magaalada London ee dalka Ingiriiska.



Xaruntan oo uu shalay khudbad dheer ka soo jeediyay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caala miga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland, Dr. Maxamed Abdillaahi , waxaa ka soo qayb galay wufuud ka kala timid dalka Ingiriiska, Holland, Den mark, kiiniya, Koonfurta Afrika, Itoobiya, Maraykanka ,oo isugu jiray mudanayaal ka tirsan B aarlamaanka, masuulyiin ka socda wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dawladda Ingiriiska, madaxa hoggaanka sharci ga ee Ururka Midawga Afrika, Madaxa ururuka Midawga Yurub ee Qaabilsan iskaashiga Dibadda, Garyaqaanno Caala miya, Safiirro badan oo fadhigoodu yahay magaalada London, Sidoo kale waxaa shirkan ka soo qaybgalay masuuliyi inta Ururda Bulshada ee Qurbajooga Somaliland ee Yurub.



Wasiirka Wasarrasdda Arrimaha Dibadda ee Somaliland wuxuu si qotto dheer uga hadalay wax uu ku timaamay isbe ddelka muuqd a ee ku yimid sida ay beesha caalmaku ula dhaqanto dawladda iyo shacabka Somaliland oo u sheagay inuu gaadhay sanadkii had da u dhammaaday xukuumadda madaxwayne Axmed Maxamed Silaanyo heerkiisu ugu sa reeyay ee abid soo mara Somaliland, wax aana hadaladiisi kamid ahaa. "Waxaan xukunka la wareegay wakhti ay dad ka caadiga ah ee ajnabiga ah ee waddama aanu saaxii bka nahay ay ka baqdaan inay Somaliland yimaaddan, iska da a iskaashi kale oo na dhexmare, waxaanse hadda joognaa sannad ka dib, xillii ay Wasaaradaha ugu darajada saree ya qaaradda Yurub ay dhex mushaaxayaan Somaliland". Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr. Maxamed Abdilla ahi Cumar oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi.


Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland. Dr. Maxamed Abdillaahi Cumar Oo hadal ka jeediyay Xarunta Caanka ah ee
Chatham House ,London.



"Sida laga warqabo waxaa Somaliland booqasho rasmi ah oo dawladeed ku yimid sannadkii ugu horeeyay ee xukuum adda cusubi xilka haysay shan wasiir oo ka tirsan dawladaha Denmark, Norway, Ingiriiska iyo Holland, sidoo kale wax aa socdaal rasmiya ku yimi Somaliland Kommishanarka 25 ka dal ee Midawga Yurub u qaabilsan Iskaashiga Dibadda. Waana markii ugu horaysay taariikhda S omaliland ee tiro intaa leg oo madax caalamka ka tirsan ay shirar iyo latashi yo ugu yimaddaan Somaliland, waxayna ku timi arrint aasi isbedel siyaasded iyo wax qabad oo ay la timi xukuumadda Somaliland ee hadda jirtaa. Somaliland waxay maanta ku leedahay wadamada jaarka iyo Afrikaba saaxiibo xidhiidh a dag naga dhaxeeyo, Yurub iyo Maraykanka waxaanu la samaynay iskaashi aad u qotto dheer oo ah mid si dawlade ed oo toos ah aanu u wada shaqayno, qaar ka mid ah wadamada carabta iyo Shiinaha waxaa no o socdo xidhiidho is kaashi dhaqaale iyo wax wada qabsi oo cusub, ururka IGAD iyo Golaha Ammaanka ee Jimciyadda Quruumaha ka Dhax a ysa waxaanu yeelanay xidhiidh durba dhaliyay midho la taaban karo.

 

IGAD waxay tageertay dhismaha Berbera Corridor, waxayna maal galisay Maxad lagu barto aqoonta xanaanada xoo laha oo lala wadagaayo waddamada Geeska Afrika, kaas oo ku yaalla magaalada Sheekh, waxayna madaxda IGAD So maliland ku yimadeen labo booqosho oo rasmi ah, tasoo ah markii ugu horaysay oo ay si rasmi IGAD u timaado Soma liland. Golaha Ammaankana waxaanu la yeelanay kulan toos ah, kasoo u dhaxeeyay Golaha amm aanka iyo dawladda Somaliland markii ugu horaysay muddo 20 sannadood gaadhaysa, waxayna naga dhageysteen garnaqsi siya asadee d iyo nabadgalyo oo ka turjumaaya rabitaanka iyo himilada shacabka Somaliland".



Masuuliyiinta kale ee ka hadashay madasha oo ay ka mid ahayeen xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Ingiriiska, khub arro ku takh asustay xidhiidhka caalamka iyo shururucda caalamiga ah, ururada Midawga Afrika iyo Midawga Yurub, waxayna dhammaantod cod dheer ku taageereen horumarka deg deg ah ee Siyaasadda Arrimaha Dibadda ee Soma liland ku talaabsatay muddadii yarayd ee sanadka ahayd ee hadda u dhamaaday, waxayna qireen isbedelka fiican ee ku yimi sida adduunku hadda ula macaamilo Somali land, waxay hoosta ka xariqeen boqoshooyinkii Madawaynaha So maliland Axmed Silaanyo iyo wafdiyadiisuba ku tageen dalka Jabu uti, Itoobiya, Kuwayd iyo Koonfurta Sudan iyo shir arkii Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland uu kaga qayb galay meelo badan oo adduunka ka mid ah oo kor u qaaday sumcadii Somaliland.
 



Madaxweynaha Somaliland Axmed Silaanyo ayaa ka dhawaajiyay maruu ka hadlaayay Gobolka Awdal todobaadkan aynu ku jirno, in aqoonsi ay Somaliland ka hesho beesha caalamka uu maanta ugu dhawyahay, waa siduu hadalka u dhigaye. Waxayna arrintani ku soo beegmaysa yadoo Xukuumaddan cusubi baarka ka jartay muddo sannad ah. Shirkan waxaa London lagu qabtay 29 July 2011.
 



Mustafe Future
Timacade News Desk
Hargeisa somaliland
mccfuture@hotmail.com