Wasiirka arimaha dibeda Somaliland Dr. Mohamed C/lahi Cum ar Oo kulan la yeeshay kaaliyaha xoghayaha arrimaha dib ed  da dawladda Maraykanka u qaabilsan arimaha Africa iyo masuul sare oo ka tirsan hayada USAID.

 

 


Washintong-DC,September 18,2011 (TNN) Wasiirka arimaha dibeda Somaliland Dr. Mohamed C/lahi Cumar oo ku gudo jira socdaal shaqo oo uu ku joogo dalka maraykanka ayaa kulan la yeeshay kaaliy aha xoghayaha arrimaha dibedda dawladda Maraykanka u qaabilsan arimaha Africa iyo masuul sare oo ka tirsan hayada USAID.


Wasiirka oo kulankii hore la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha arrimaha dibedda wadanka maraykanka u qaabilsan arimaha Africa, Johnny Carson,  ayay isku afgarteen in la xoojiyo xidhiidhka siyaasi, dhaqa ale, nabadgelyo iyo wada shaqayneed ee Somaliland iyo Maraykanka iyo sidii dawladda maraykanku ay Somaliland uga taageeri lahayd dhinaca abaaraha oo saamayn ku yeeshay, Waxana loo balamay in muddo kooban gudaheed lagu galo arimahaasi.


Geesta kale wasiir Maxamed C/laahi Cumar ,waxa uu kulan la yeeshay Ms. Raj Jandhayala, kaaliyaha maamulka iyo horumarinta ee hayada USAID, waxaanay ka wada hadleen sidii loo sii kordhin lahaa kaalmada ay hayadaasi u fidiso Somaliland arintaasina waxay ku dhamaatay guul iyada oo balan qaa day in hayada USAID ay kordhin doonto mucaawimadii la siin jiray Somaliland.


Wasiirka khaarajiga Somaliland waxa sidoo kale uu ka qayb galay kulan balaadhan oo ay soo qaban qaabisay Hay'ada NED ,kaasi oo ay ka soo qaybgaleen masuuliyiinta daneeya arimaha Somaliland oo ay ka mid yihiin Ambassador David Shin, iyo Ambasador Lange, iyo mauuliyiin kale oo daneeya arrim aha Somaliland.



Kulankan ayaa ahaa mid lagusoo bandhigay waxyaabihii u qabsoomay Somaliland mudadii ay jirtay iyo sidii xal loogu heli lahaa dhibatooyinka wakhtigan hortaagan iyo habka ay Hay'ada NED oo muca awimooyinka siisa wadamada soo koraya ugu kordhin lahayd deeqda Somaliland.


 


Rashiid Gaaruf.

Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland ee Maraykanka.