Wasiirka Arrimaha Dibada oo ka hadlay kulankii ay yeesheen Guddida la dagaalanka budcad badeeda
 

 



Hargaysa (TNN):- Guddida ay xukuumada Somaliland u xilsaartay xakamaynta iyo la dagaa lanka budhcad-baddeda ayaa kulankoodii ugu horeeyay maanta ku yeeshay Hotelka Amb assador ee magaalada Hargaysa.

Guddida la dagaalanka budhcad-baddeeda ee Somaliland ayaa waxaa xubno ka ah Wasaara dda Arrimaha dibada, Wasaaradda Arrimaha Guddaha, Wasaaradda Cadaalada, xeer ilaali nta iyo ciidanka baddaha Somaliland.

kulankan oo ku lafaguray sidii dawladda Somaliland iyo shacbigeeduba ula dagaalami lahaay een budhacad-badeeda ka qawlaysata baddaha dalka Soomaaliya ayaa waxaa ka soo qayb galay masuuliyiin ka socday Wasaaraddaha iyo Hay’addaha xubnaha ka ah guddidaasi iyo sidoo kale saraakiil ka socday ciidamada baddaha Somalialnd.

Wasiirka Arrimaha Dibada iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland Dr Maxamed C/laahi Cumar oo xubin ka ah guddida xakamaynta iyo la dagaalanka budhcad-badeeda oo kulanka asi markii uu soo dhamaaday ka dib saxaafada uga waramay waxyaabihii lagaga hadlay iyo waxay ay tahay hawsha guddidani waxa uu yidhi “Waajibka guddigani waxa weeye inay dib u eegaan iskaashiga ay Somaliland la yeelan karto beesha caalamka iyo sidii door weyn uga qaadan lahayd la dagaalanka Budhcadbadeeda. waxaan rajaynayaa in arrimahaasi ay waxt ar u yeeshaan xagga Nabadgelyada iyo Xasiloonida Somaliland, maanta (shalay) shirka halk an guddidu u fadhiyaan waxaa weeyi in dib loo eego hawl galka Somaliland ee la xidhiidha arrimaha kaga waajan budhcad-badeeda iyo xidhiidhka iskaashi ee ay Somaliland kala yee lan karto beesha caalamka iyo sidii loo dardar gelin lahaa, loona kobcin lahaa waxqabadka arrintaasi ku saabsan”.

Dr Maxamed C/laahi Cumar waxaa kale oo uu sheegay in Somaliland ay ka mid tahay dala lka si aadka ah ula dagaalama in budhcad-badeedu faldanbiyeed ka gaysato Badahooda, isaga oo Wasiirku xusay in xabsiyada Somaliland ay ku xidhan yihiin maxaabiis ku eedaysan falal budhcad-badeednimo oo ay ka galeen baddaha Somaliland “Sida laga war qabo Somaliland waxay ka mid tahay dalalka sida aadka ah ula dagaalama budhcad-baddeeda in ay fal danbiyeed ka gasho biyaheeda, waxaa dalka Somaliland ku xidhan maxaabiis badan oo ku eedaysan faldanbiyeed budhcad-baddeednimo oo ay ku galeen xeebaha dalka Jamhuuriyadda Somaliland kuna xidhan xabsiyada dalka.” Ayuu yidhi Dr Maxamed C/laahi.

Mar uu wasiirku ka hadlayay dalalka iyo Hay’adaha caalamiga ah ee ay Somaliland kala sha qayso la dagaalanka budhcad-badeeda waxaa uu yidhi “Waxaa kale oo ay dawlada Somali land arrimaha xakamaynta budhcad-badeeda kala shaqaysaa xafiiska Jamciyada Quruum aha ka dhaxaysa u qaabilsan la dagaalanka danbiyada, waxaa kale oo Somaliland xubin ka tahay urur goboleedka geeskas afrika, oo ay ku jiraan wadamo dhawr ah, kana mid yihiin wadamada geeska afrika iyo bariga afrikaba kuwaas oo ku bahoobay iskana kaashanaya sidii loola dagaalami lahaa budhcad-badeeda.”



Source:Somaliland.Org