Wasiirka Wasaarada Arimaha Dibada oo Timacade News uga waramay kulan uu la qaatey maamulka Gobolka iyo Degmada Gabiley

 




Gabiley (TNN)-Wasiirka Wasaarada Arimaha Dibada Somaliland Dr Maxamed C/laahi Cumar ay aa galinkii dambe ee maanta kulan is xogwareysi xaalaadka Gobolka ah oo albaabadu u xidhan yihiin kula yeeshay Gudaha Magaalada Gabiley Maamulka Gobolka ka iyo Degmada, Duqeyda iyo Waxgaradka Gobolka Gabiley, iyo xubno kamid ah Xildhibaanada Golaha Deegaanka Degma da Gabiley si ay isaga wareystaan Arimaha Gobolka ee dhinacyada Arimaha Bulshada wax qab adyada u qabsoomay iyo arimaha kale ee tabashooyinka ah.


Wasiirka Wasaarada Arimaha Dibada Dr Maxamed C/laahi Cumar oo kulankaasi kadib si gaar ah uga waramey Shabakada Wararka ee Timacade News ayaa sheegay, in kulankani ahaa sidii Xukuumadu u ogaan laheyd Guud ahaanba Arimaha Gobolka Gabiley kajira Waktigan Xaadirka
ah isagoo Wasiirku Xusey in Kulankiisani gaar ka ahaa Socdaalkii kadiska ahaa ee Madexweynu hu kusoo Gaadhey Maanta Magaalada Gabiley ee Xarunta Gobolka Gabiley.

Wasiirka Wasaarada Arimaha Dibada Dr Maxamed C/laahi Cumar oo Shabakada Wararka ee Timacade News uga waramey ugu horeyn waxyaabihii ay ka wada hadleen Masuuliyiinta Gobo lka iyo Maamulka Degmada iyo Duqeyda Waxgaradka iyo Xildhibaanada Golaha Deegaanka Deg mada Gabiley waxa uu yidhi.

"Marka hore Kulnakeygan aanu wada yeelaney Gudoomiyaha Gobolka, Maayarka Degmada Xo ghayihii D/hoose Duqeydii, Cuqaashii iyo xubno kamid ah Xildhibaanada Golaha Deegaanka Ga biley, waxa uu la xidhiidhaa sidii aanu isaga wareysan laheyn Arimaha Hurumarka Gobolka Gab iley iyo Sidii gacmo isku duuban looga wada shaqeyn lahaa islamarkaana, dhinac looga soo wa da jeesan lahaa Guud ahaanba Xaalada jirta iyo wixii lagu kordhinayo Hurumarka Gobolka wax aananu isla meel dhigney Qodobo muhiim ah oo ay kamid yihiin Waxyaabaha la qabtey iyo wax a loo baahan yahey in hada la qabto, oo ay ka mid yihiin Mashruuca Biyo Galinta Tog-Wajaale oo dhawaan bilaabmeysa Wixii munaasib ah ee u baahan in Xukuumada sare loo Gudbinayana waan Gudbinayaa, isagoo Madexweynuhu aad u daneynaya Reer Gabiley iyo Gobolkanba in wa x laga qabto, koleyna waxa uu kulankayagaasi ku dhamaadey is afgarasho wanaagsan"Ayuu yidhi Wasiirku.


Waxaanu intaa ku darey hadalkiisa isagoo ka jawaabayay Wasiirku Su,aal la weydiiyay oo ku sahabsaneyd Cabashooyin la xihiidhey dhinaca Cashuuraha Beeraha iyo Ganacsatada Tog-Waj aale waxa uu yidhi.

"Horta in Cashuuraha la bixiyaa waa Dowladnimadena dadka Reer Gabileyna kama filayo in ay Cashuurihii ay ugu horeeyeen bixintooda diidi karaan laakiin, dareen yari wuujiraa Waxaanan ku dardaarayaa in ay bixiyaan Cashuurta koleyna wixii tanaasulaad ah ee loo sameynayo Bee raleyda waxay kawada hadli doonaan Wasaarada Maaliyada waxaana ingu waajib ah in aan hadal laga keenin bixinta Cashuuraha kolay duruufo wey jiri karaan oo Roobabkii Sanadka ah iyo xiligii Shinida laakiin waxaan rajeynayaa in dareenkaasi iska dhamaan doono".Ayuu yidhi
Wasiirka Arimaha Dibada Somaliland Dr Maxamed C/laahi Cumar.


Ugu Dambeyntiina waxa uu ka hadley Wasiirka Wasaarada Arimaha Dibadu Dr Maxamed C/laa hi Cumar Siyaasada Arimaha Dibada Somaliland oo uu sheegay in ay wakhtigan maraaxilkii ugu wanaagsanaa Xukuumaduna aanay u yareysan dedaalada dhinaca Diblamaasiyada ee ay alba ab walba ku garaaceyso Raadinta Ictiraafka iyo Waxaanu Bulshada Reer Somaliland ku hamb alyeeyay sida ay meel uga soo wada jeedaan Raadinta Ictiraafka iyo halka ay qadiyad ahaan kawada taagan yihiin iyo waliba sida ay u ilaaliyaan Nabegelyada oo lafdhabar u ah nidaamka Dowladnimo, isagoo Dhinaca kalena xusey in Dowlada Itoobiya oo hada Maamul Cusub yeelat ey ay inaga dhexeyso wada shaqeyn iyo xidhiidh lafdhabar ah taas, oo aanay hadana wax ba iska badelin oo uu xidhiidhkaasi sidii yahey.


Dadweynaha Reer Gabiley ayaa mudooyinkii u dambeeyay aad u qadariya Wasiirka Arimaha Dibada maadaama aanu faragalin Mushkilad ah habayraatee ku laheyn Arimaha Maamulka Gobolka iyo Degmooyinkiisa taas oo kalsooni badan siisay oo ay Ku Aaminaan Reer Gabiley.
 

 


Wariye C/raxmaan-Hiiraan
Timacade News Desk
Email:hiiraan2007@gmail.com
Gabiley,Somaliland