Wasiirka arrimaha debeeda ee somaliland oo ka hor yimi rabitaanka shacabka


 


 


Wax loo dulqaadan karo maaha siyaasadda Arrimaha Debedda ee Somaliland ee runtii muqlaysan ama aan idhaahdo aan lahayn haba yaraatee wax qorshe ah ama istraatiijiyad cad oo muuqata.


Wasiirka Arrimaha Debedda ee Somaliland laba mid weeye, ta hore in Madaxweynuhu jilayo riwaay adaan weli bilaabmin iyo in aanu war ka hayn qaabka indho la'aanta ah ee Wasiirku u hagayo siya asadda Arrimaha Debedda ee Somaliland.


Waxa runtii Khudbadii Madaxweynaha ee 18kii may ka muuqatay in Madaxweynuhu la jaan qaada yo rabitaanka shacabka dhanka kalena markaaad aragto hadalada xanafta leh ee ka soo yeedha ya Wasiirkiisa Arrimaha Debedda runtii maaha wax garaadka fayoobi aqbali karo, waa la ogaa shir kii Wilton Park ee dalka Ingriiska iyo sidii shacabka Somaliland loo liiday markii lala fadhiistay Maam ul Goboleedada Somalia iyo weliba sidii caqli galka aan ahayn ee Wasiirku isu difaacay.


Haddaba maalin walba Wasiirka Arrimaha Debedda ee Somaliland ma intuu waxuu doono sameeyo ayaa shacabka loo sheegi doonaa waxaan caqligu qaadan karin. Bal hadda shacabku ha akhriyo w araysigii Wasiirku bixiyay waa kan hoos ku qorane.


Waxa aan Madaxweynaha si sharaf leh oga codsanayaa inuu talaabo ka qaado Wasiirkan iyo siyaa sadan Arrimaha Debedda ee ku salaysan fikirka shakhsiga ah ee Wasiirka haddii kale waxa loo qaa dan doonaa in madaxweynuhu la qabo fikirkan dadkana wax kale loo sheegayo.

Haddii Madaxweynuhu waxba ka qaban waayo arrintan , waxa ay noqonaysaa inaan la sii eegan karin waxa socda markaas sidii Guddoomiyaha Ucid sheegay waa in Shir-weyne Qaran oo dalka la gu badbaadiyo la qabtaa oo deg,deg,Golayaasha Qaranku xilkooda u gutaan, ama waa in shacabka ku talaabsadaa kacdoon kii wadamada carbeed oo kale ah si loo soo celiyo karaamadii iyo sharaftii shacabkii caalamku ka marag furay xuskii 18kii may 2011.

Mar kale halkan hoose ka akhri su,aashii iyo jawaabtii oo af ingiriis ah

Su,aal: [Do] you [have] strategic [plans] of unifying with Somalia in the future?

Jawaabtii Wasiirka: The main work of our government is to bring the peace to Somalia because without peace we can do nothing. Then we can negotiate about the other issues [whether] to be [an] independent state or becoming a [federation] like the United Arab Emirates. There are different political options. You cannot negotiate if there is no peace. We have to accept some land as independent states
 


Waraysiga oo dhamaystirin oo ku jira shebekeda Gulf News halkan ka akhri:

http://gulfnews.com/news/region/somalia/somaliland-eyes-embassy-in-uae-1.810588


 

 

 

Ibrahim Duale Sulaiman
somaliland44@hotmail.com