Wafti uu hogaaminayo Wasiirka Khaarajiga oo uu wehelinayo Wasiirka Madaxtooyada oo maanta safar shaqo ugu kicitimay Dalalka Masar iyo Kenya.

 

 



Safarkan Wasiiradu waxaa uu ka dambeeyey marti-qaad rasmi ah oo ay Jamhuuriyada Somaliland ka heshay Dawlada dalka Masar ......



Hargeysa (TNN)-Wafti uu hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Ca alamiga ,Dr. Maxamed Cabdillahi Cumar ,oo uu wehelinayo Wasiirka Madaxtooyada JSL Mudane, Xir si Xaaji Cali, ayaa maanta safar shaqo ugu kicitimay Dalalka Masar iyo Kenya.
 


Safarkan Wasiiradu waxaa uu ka dambeeyey marti-qaad rasmi ah oo ay Jamhuuriyada Somaliland ka heshay Dawlada dalka Masar, arrimaha ay labada dawladood ka wada hadli doonaan mudada a y wasiiradu ku sugan yihiin wadankaasi waxaa ka mid ah Arrimaha Siyaasada iyo Iskaashiga dhaqa alaha ee labada dal.
 


Socdaalkan Wasiirada ayaa noqonaya kii ugu horeeyey ee si rasmi ah Jamhuuriyadda Somaliland ku tagto wadanka Masar tan iyo intii Dawlada uu hogaamiyo Madaxweyne Axmed Maxamed Maxa muud (Siilaanyo) talada Dalaka  la wareegtay.



Dhinaca kale ,Wasiirada Arrimaha Dibada iyo Iskaashiga Caalamiga  iyo Madaxtooyada Jamhuuriya dda Somaliland, ayaa ku sii hakan doona mudada ay safarkan ku jiraan wadanka Kenya, halkaas oo ay kula kulmi doonaan Diplomaasiyiinta beesha Caalamka ee fadhigoodu yahay dalka Kenya.
 

 


Timacade News Desk
Hargeisa Somaliland