Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka hadlay masaalixda Somaliland uga soo baxay shirkii London
 

 


London (TNN)- Wasiirka Arrimaha dibadda Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, ayaa ka hadlay na tiijooyinka iyo masaalixda Somaliland ugu soo baxay shirweynihii Britain marti-gelisay ee xalay lagu soo gabo-gabeeyay magaaladda London.

Wasiirka oo ka hadlayay midhihii shirkaasi wuxuu yidhi “Waxaanu aad iyo aad ugu faraxsan na hay in shir-weynuhu uu weftigii Madaxweynaha Somaliland uu hoggaaminayey uu siiyey proto col gaara iyo sharaf gaara oo iyaga oo madaxbannaan ay shirka ka heleen kursi u gaara oo madaxweynaha jamuuriyadda Somaliland uu la mid ahaa madaxweynahaashii kale iyo hoggaa miyayaashii kale ee caalamka ee ka soo qaybgalay shirka. Madaxweynuhu wuxuu helay fursad uu khudbad uu ku soo jeediyo oo uu nuxurkeedu ahaa in beesha caalamku taageero ka bixiso qadiyadda siyaasadeed iyo horumarineed iyo nabadgelyo ee Somaliland ee caalamkan uu ka codsaday in ictiraaf la siiyo. Marka waxa anaga nooga soo baxay ka Somaliland ahaan dhowr qoddob kow iyada oo aanu fursadda u arkaynay inay tahay mid muhiim ah oo codka iyo rabitaanka shacabka Somaliland ay maqlaan afar iyo kontan dawladdood oo caalamka ka mid ah waliba kuwoogii ugu waaweynaa ay ku jiraan in madaxweynuhu halka ka caddeeyo waxay shacabka Somaliland doonayaan in dal madaxbannaanidiisa haysta oo ictiraaf doona ah.”

“Arrinta kale ee meesha nooga soo baxday waxa weeye markii ugu horeysay taariikhada 21 sanno ee ugu danbeeyay in Madaxweyne Somaliland ah shirweyn oo noocaas ah uu ka hadlo qadiyadda dalkiisa, iyada oo Soomaaliya-na Madaxweynahoodii uu fadhiyo oo isaguna uu ka hadlay oo labadoodiiba ay halka ka wadahadalaan iyaga oo shucuurta ay masuulka ay ka yih iin. Arrintaasina waa arrin saaxadda siyaasadda ee caalamka ku cusub wax weyna ka tari-do onta mustaqbalka ictiraaf doonka iyo qaranimadda Somaliland,”ayuu yidhi Wasiirka Khaarajig a oo maanta ka hadlayay barnaamijka falanqeynta ee laanta afsoomaaliga ee BBC-da.

Wasiirka wax laga weydiiyey inay jira wax wadahadal ah oo dhex maray Somaliland iyo Sooma aliya wuxuu yidhi“Wadahadalo gaara oo dhexmaray Somaliland iyo Soomaaliya ma jiraan, oo aan ka ahayn shirweynahaa caalamka oo dhami wada fadhiyo oo madaxdii dunidu wada fadhi do oo ay Somaliland iyo Soomaaliyana fadhiyeen aan ahayn oo gaar ma jiro.Hase-yeeshee wa xay Somaliland diyaar u tahay oo ay jeceshahayna inay talo iyo fekerba ka bixiso sida xasiloo ni-darrada Soomaaliya ka tagan wax looga qaban lahaa oo talooyinka dunidu ay bixinaysay ku wa la mid ah ayay Somaliland halka ka bixinaysay.”

“Waxaana ka mid ahaa arrimihii Somaliland loogu yeedhay in dariiqi nabadaynta iyo dawlad dhiska iyo dimuquraadiyanta ee Somaliland soo martay in lala wadaago Soomaaliya masuul iyiinteeda, intaasina waxaan filayaa inay wax ka tari karo. Hase-yeeshee shirar noo gaar oo laba geesood ee Somaliland iyo Soomaaliya ma jirto,”ayuu yidhi Dr. Maxamed Cabdilaahi.

Wasiirka waxa laga weydiiyey sida ay u arkaan inay wada-hadal la sameeyaan dawlada ku-m  eel-gaadhka ah ee Soomaaliya, wuxuu ku jawaabay “Anagu waxaanu u aragnaa immika halka ay marayso arrinta Soomaaliya waa xilli siyaasaddii kala guurku uu imika dhammaad ku dhawd ahay, oo qoddobka ugu horreeya ee shirweynahan ka soo baxay waxa weeye.In dawladii ku-meel-gaadhka ahayd in la soo afjaro, marka anigu waxaanu jecelnahay in arrintaasi ay nabad galyo ku dhammaato in dadka soomaaliyeed ka tallo-galaan oo ay caalamka gacan ka siiyaan.”

Dr. Maxamed Cabdilaahi wuxuu shuruud ku xidhay xiliga ay la hadlayaan dawladda Somalia, waxaanu yidhi “Marka la helo dawlad Soomaaliyeed oo rabitaanka shacabkeeda ku fadhida oo go’aamada ay qaadan karta ay yihiin go’aamo la fulin karo oo dadka Soomaaliyeed ay wada ogol yihiin oo ku timaad rabitaankooda oo dunidana ka haysta ogolaansho iyo wada shaqayn, Somaliland diyaar bay u tahay ictiraafkeeda iyo sidii loo soo dhamayn lahaa arrimihii hore uga dhaxayn jiray labada geesoodba inay Somaliland kala hadasho diyaar bay u tahay waqtiga ay ku haboonaato, hase-yeeshe waa inay noqoto dawlad aan ahayn ku-meel-gaadh oo ku timida ad rabitaanka shacabka oo xeerar iyo qawaanina kala haga oo caalamku aqoonsan yahay yee lata oo go’aamada ay qaadataana noqdaan go’aamo meel mari kara oo sida dawladda Somalil and oo kale ku dhaw oo rabitaanka shacabkeeda .”


source:so