“Somaliland Ma laha awood dhaqaaale, Maalgashiga Shiinuha waa mid la isku halayn karo”


 



Hargeysa,August 20th, 2011 (TNN)- Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland Dr. Maxamed Cabdil aahi Cumar, ayaa tafaasiil ka bixiyay heshiiskii sadex geesoodka ahaa ee ay dalka Shiinaha ku wada gaadheen Somaliland, Itoobiya iyo shirkado maalgashi oo laga leeyahay wadanka Shiina ha.

Wasiirku waxa uu sheegay inay dawlada Somaliland aanay lahayn awood dhaqaale taasina ay sababtay inay maalgashi lagu sameeyo kaabeyaasha dhaqaalaha oo ay ka mid cariyaynta Deka da Berbera iyo dhismaha waddo tareen oo isku xidha Somaliland iyo Itoobiya.

Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar waxa kale oo uu ku dooday in maalgashiga dalka Shiinuhu uu ya hay mid la isku halayn karo, sidaasna waxa uu ku sheegay kulan uu maanta xarunta madaxtooy ada kula yeeshay saxaafada qeybaheeda kala duwan oo su’aalo lagaga waydiinayay socdaalkii weftigii Madaxweynaha ee uu xubinta ka ahaa ku tageen dalalka Shiinaha iyo Itoobiya oo lagu qabtay xarunta madaxtooyada Somaliland.

Waxay Suxufiyiinta Somaliland ay su’aalo kala duwan weydiiyeen Wasiirka Arrimaha dibada , W axaana ka mid ahaa kuwan:-

S: Wasiir, heshiiskan sadex geesoodka ah ee aad la soo saxeexateen Itoobiya iyo China ee ku saabsan balaadhinta Dekada, dhismaha wadada Tareenadda iyo Saliida Itoobiya ee Berbera laga dhoofinayo sida uu u fulaayo iyo sida uu yahay sharaxaad naga sii?

J: Waxa weeye sida laga warqabo Shiinaha iyo Somaliland waxa in muddo ahba u socday wada hadal ku saabsan sidii maalgashi dalka loogu heli lahaa khaasatan kaabeyaasha dhaqaalaha oo ay wadooyinka iyo dekaddu ka mid tahay. Safarkan uu Madaxweynuhu ku tagay Shiinaha waxa ugu weyn ee laga hadalayay waxay ahayd sidii heshiis hordhac ah oo guud looga gaadhi lahaa iskaashigaasi. Waxaana arrimaha laga wada hadlay ka mid ahaa sidii uu caddeeyay Madaxweyn uhu waxa kalainta ugu horaysa ku jirta balaadhinta iyo casriyaynta dekadda Berbera. Somaliland dekada Berbera waxay u aragtaa inay ka mid tahay Kaabeyaasha dhaqaalaha wax aana loo baahan yahay si ay u hanato suuqaasi weyn ee geeska afrika oo ay isticmaali karaan dad ka badan hal Malyan oo qof. waxay u baahan tahay in la casriyeeyo oo la balaadhiyo lana maal geliyo. Si dakhli iyo dhaqaale badan inooga soo galo.

Somaliland awood dhaqaalle oo ay ku dhisato mashruuca intaasi leeg malaha, taasi ayaa keena ysa in dunida lala shaqeeyo Shiinuhuna sida laga warqabo waa alameda imika ugu waaweyn ee maalgashiga ku sameeya waddamada soo koraya. Tusaale ahaan dalalka Itoobiya, Suudaan, Ko onfurta Suudaan iyo Kenyaba. Intaas oo dalba waxa maalgeliya dawladda Shiinaha.

Waxaanu u aragnay in maalgashiga Shiinuhu ay tahay wax la isku halayn karo oo uu dalkeena horumarkiisa gacan weyn ka geysan karo.


S: kaabeyaasheena dhaqaale wali way burbursan yihiin, shaqo la’aan Balaadhan ayaa jirta ma jirtaa meelo kale oo aad maal gelin shisheeye u raadiseen?

J: Waxa jira in Madaxweynaha iyo wefti balaadhan oo uu Hoggaaminayay ay socdaal ku soo ma reen qaar ka mid ah waddamada Carabta gaar ahaan dalalka Imaaraadka iyo Kuwayt labadda ba waxaanu kala hadalnay sidii ay maalgashi ugu sameyn lahaayeen Somaliland waxaana aanu rajaynaynaynaa inay maal gashi noocan Shiinaha la mid ah aynu dhawaan la geli doono dalalka Khaliijka .

S; Wasiir yaa damaanad qaadaya heshiiskan iskaashi ee sadex geesoodka ah mar haddii aan Somaliland la aqoonsanayn, waxa la sheegayaa inay Itoobiya idin damaanad qaadaye’e?

J: Iskaashiga iyo maalgashiga intaasi leeg waxa damaanad qaadaya oo heshiiskan horumdhaca ahna saxeexday dawladda Somaliland, heshiiskani waxa uu dhex maray dawlada Somaliland iyo maalgashadeyaasha Chinese-ka. dab can dawladda Itoobiya waa dawlad aynu jaar nahay iska ashi baaladhan oo nabad gelyo iyo Ganacsiba way inaga dhaxeeyaan. Mashaariicdan qaarkood na waa qaar saamyn ku yeelanaya Ganacsiga iyo dhaqaalaha Itoobiya.

Dekadeena Berbera waa dekad weyn marka la casriyeeyana waxa danaynaya dalal badan oo dhaafsiisan Itoobiya, markaa waanu la shaqeynayaa dhinacyada kala duwan haddii ay Itoobiya tahay iyo haddii tahay Koonfurta Suudaan in rakaab badan iyo baayacmushtar badani ku soo xidhmo dekada Berbera. Markaa waxa damaanad qaadaysa heshiiskan dawlada Somaliland aqo onsinna kuma xidhna mana filayo in heshiiska aanu saxeexnay uu carqalad ku noqonayo aqoonsi la’aantuku. Taiwan oo aan ictiraaf aan dunida ka haysani heshiisyo ay caalamka la galaan hal ka Koonfurta Suudaan oo bishii hore xorowday saliida waxa u soo saara Shiinaha imika dunida wax a lagu shaqaynayaa iskaashi iyo dhaqaalle.


S: Wasiir dalka Shiinuhu waa mid ka mid ah dalalka aynu ka doonayo Aqoonsiga iyo maalgashiga illaa hadana ma jiro wax wakiil ah ama safiir ah oo aynu ku leenahay maxaa arrintaasi kaa hortaagan?

J:-Dalka Shiinaha imika ayaanu doonaynaa inaanu xidhiidh la yeelano, xidhiidhkaasina imika ayuu hordhac yahay, haddii iskaashigan iyo xidhiidhkan bilowga ah lagu najaxo markaa waxay noqon aysaa oo noo qorshaysan inaanu wakiil ku yeelano Shiinaha waana arrin qorshaha ugu jirta wa saaradda Arrimaha dibada.


S: Heshiiskan ma waxaad la saxeexateen dawladda Shiinaha mise waxaad la gasheen sharaa’ig?

J :Marka laga hadlayo horumarinta dunida waxay cid waliba u xilsaartaa shirkado madax banaa n dalkan aynu jaarka nahay ee Itoobiya waxa horumar ka socda waxa wadaa waa shirkado ma dax banaan. Dawladuhu maal malaha, ee waxa wax maalgashada shirkado ganacsi . Markaa wa xaanu wada saxeexanay Maalgashadeyaasha shirkadaha.

Source: Somaliland.org