“Cabdiraxmaan Ciro waxaan u arkayaa nin u hadhay guul dad leeyahay oo aan waxba ku lahayn, Wasiirka Arrimaha Dibaduna Nin Somaliland garanaya maaha” Cali-xaraaro

 


 

Cali Cismaan Cabdi oo ka tirsan Masuuliyiinta Xisbiga UDUB ayaa sheegay in Guddoomiyaha...........



Hargeysa (TNN) - Cali Cismaan Cabdi (Cali-xaraaro) oo ka tirsan Masuuliyiinta Xisbiga UDUB ayaa sheegay in Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda iyo Urur Siyaasadeedka Wadani Cabdiraxmaan Maxa med Cabdilaahi (Cirro) labada Xil ee uu isku hayaa ay baal-marsan yihiin Shuruucda iyo Qawaaniint a Dalka u taala, isla-markaana uu adeegsanayo awoodo dheeraad ah.

Cali Xaraaro oo maanta Waraysi gaar ah siiyey Shabakadda Timacade News, ayaa sheegay in Siya asaddii Arrimaha dibada ee u taalay dalka ay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ku badashay iya doo aan xilka haynin muddo Bil ah, waxaanu tilmaamay in Wasiirka Khaarajiga Maxamed Cabdilaahi Cumar uu ku shaqeeyo Siyaasada u dejisan Xukuumadda Xisbiga Kulmiye.

“Gabaygii Gud-gude waxa ku jiray Had-ba Geed ismaris-baa u hadha Guul Dad leeyahaye, Cabdirax maan Cirro waxaanu u arkayaa Nin u hadhay guul dad leeyahay oo aan waxba ku lahayn oo wax d alkan iyo dadkan loo soo maray aan war ka haynin , Umadd kasta oo meel wada degan oo meel isk ugu wada timid waxay ku heshiisaa Sharci ama degaan ha noqoto, ama Gobol ha noqoto, ama Beel ha noqoto Sharci-baa u dhaxeeya, dadkuna haddii ay Sharcigaas soo dhaafaan macnaheedu waxa weeyaan waxba ma jiraan, awood dheeraad ah -baa ka muuqata Cirro (Guddoomiyaha Golaha Wak iiladda), waxaan xusuusanahay maalintay UCID ay is haysteen ee Shuruucda Xisbiga UCID la isku h aystay, Sharcigu wuxuu qorayaa marka Xubin ka mid ah Xisbiga uu dhinto ama is casilo ama ka ta go Shaqadda inuu Xisbigu soo buuxsaddo Xubnitiisa,”ayuu yidhi cali Cismaan

Waxaanu intaas ku daray “Xildhibaanadii maalintii dhaweyd laga saaray Golaha Wakiiladda saddex da xisbi kuwii ku xigay uun-baa soo buuxsadday ee cid kale may iman, maalintii uu yidhi waan ka tagay UCID ayuun-bay ahayd in la soo buuxiyo oo Xisbigu UCID soo buuxsaddo, arrinkii oo la isku haysto oo Maxkamadda ku jira ayaa Xeer loo sameeyey waana mamnuuc Sharciyan Kiiska oo Max kamadda ku jira in la samaysto Xeer anigu sida aan rumaysanahay, iyadoo hadda-na Kiiskii Maxka madda sare ka socda ayaa Xeer loo sameeyey, taasi-na waxay ku tusaysaa inay awood dheeraad ahi ay meesha ka muuqato, cida aan anigu rumaysanahay ee garabka ugu weyn uu ka helay inuu yahay Madaxweyna Siilaanyo”

Cali Xaraaro waxa kale oo uu sheegay “Maanta isaga oo Guddoomiyihii Golaha Wakiiladda ah waata a uu Xilka ka degi laa’yahay, waxaabu leeyahay aniga oo Urur ah ayaan ahaanayaa Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda ilaa iyo inta aan noqonayo Madaxweyne ,markaa waxaan u arkaa Nin ku ciyaara ya Xeer Rag ku soo dhintay oo ku soo baaba’ay”

Isaga oo hadalkiisa sii wata, waxa uu yidhi “Haddaanu nahay Xisbiga UDUB, waxaanu aamin  sanah ay waxa la yidhaahdo Somaliland, Somaliland-baanu naloogu dhiibay, Somaliland baanu dalka ku wa dnay ilaa Dalka oo dhan aanu wareejinay, maalintii Madaxweynihii hore (Rayaale) ku wareejinayey Madaxweynaha haatan Axmed Siilaanyo Xilka wuxuu ku yidhi waa kaa Dalkii iyo Dadkii ha laguugu yimaado, waxa weeyaan Siyaasadda arrimaha dibada maalintii ugu horaysay iyadoo Bil-ba gaadhin waxay ku dhawaaqeen inay badaleen Siyaasadii hore ee Somaliland ku dhaqmaysay, markaa waa kuwan hor-fadhiistay Somaaliya, iyagaa-na (Xukuumadda Madaxweyne Siilaany) soo saaray waa markii u horaysay Madaxweyne Somaliland ahi Madaxweyne Somaaliya ah la kulmo ee TV-yad iska dhunkadaan, markaa Nin Augustine Mahiga la yidhaahdo inga (Somaliland), Puntland iyo Juba aynu maanta u simanahay, waxaynu hambalyaynay Dastuurka Somaaliya oo sheegaya 18-kii Gobol ee Somaaliya, waxaynu hambalyaynaynaa Madaxweynihii Somaaliya ee la doortay oo Madaxtooyade ena laga dhex hambalyaynayey, waxaad u hambalyaynayasaa waa maxay, ma Nin adiga ku sheega naya”

Cali Cismaan Cabdi waxa kale oo uu sheegay in Wasiirka Arrimaha dibada Maxamed Cabdilaahi Cu mar uu ku shaqeeyo Siyaasada u dejisan Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, waxaanu yidhi “Ma xamed Cabdilaahi Cumar (Wasiirka Arrimaha dibada) Nin Somaliland garanaya maaha, maalinta qud ha ee uu yimid waxa ahayd maalintii Cabdilaahi Maxamed Ducaale (Wasiirkii hore ee arrimaha diba da) uu diiday Shirkii saddex geesoodka ahaa ee Maraykanka ka dhacayey Xoghayaha arrimaha di bada ee Kulmiye ayuu ahaa oo Mucaarid ah oo wuu ka qayb-galay waana halka ay Madaxweyne S iilaanyo iska raacayaan, markaa dadka qaar-baa dhibta ku tilmaama Maxamed Cabdilaahi (Wasiirka Khaarajiga) anigu uma arko ee Siyaasada uu ku shaqaynayo ayaa noocan waana Siyaasada u taa la Xisbiga Kulmiye, Maxamed Cabdilaahi Cumar kaligii iskama shaqayn karo waa mid uu kaga raali ya hay Madaxweynuhu haddii kale ma dhaqaaqi karo”
 

 


Timacade News Desk
Hargeysa,Somaliland