Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Somaliland Xaq ma u leeyahay in uu masiirka ummadda ku saleeyo fikirkiisa shakhsiga ah???

 


 


Waxaan Salaan u tebinayaa dhammaanba shacabka reer Somaliland ee u dabaal degaya Sannad guur addii 20 aad ee ka soo wareegtay la soo noqoshadii Xorriyaddii qaaliga ahayd ee laga il duufay. Waxa an hambalyo u soo jeedinayaa Xukuumada Somaliland ee uu hoggaaminayo Madaxweyne Axmed maxa med maxamud (Siilaanyo), waxaan hambalyo u soo jeedinayaa labada gole , saddexda xisbi qaran , ciid amada qalabka sida iyo bulshada rayidka ah.



Haddii aan intaa horay uga sii gudbo oo aan soo noqdo dulucda maqaalkaygan , waxaan akhriyey wara ysi wargays Carbeed oo ku soo baxa luuqadda englishka ah oo la yidhaahdo Gulf News uu la yeeshay W asiirka Arrimaha Debedda ee Somaliland Dr.Maxamed Cabddillahi Cumar, oo ka mid ah wasiiradda xukuu madda madaxweyne siilaanyo ugu firfircoon hase yeeshee waraysigaas uu wasiirku la yeeshay wargay skaas ,waxaa lagu waydiiyo suŽaalo badan oo inta badan uu wasiirku si fiican uga jawaabey , hase yee shee, waxaa suŽaalahaas ku jirtay suŽaashii ugu mahiimsanaynd ee tilmaamaysey jiritaanka Somaliland oo uu wasiirku siyaasadeeda muraayad u yahay , haddaba bal akhristow suŽaashaas iyo jawaabtii was iirku kaga jawaabay ila eega, wasiirku waa shakhsi aan u hayo ixtiraam badan , waana shakhsi yeelan kara raŽyi isaga u gaar ah oo uu qof ahaan xaq u leeyahay laakiin marka arrinku marayo masiir umadad eed raŽyi shakhsi iyo af gobaadsi reeban. Ila eega suŽaasha wargayska iyo jawaabta wasiirku bixiyey:



[Do] you [have] strategic [plans] of unifying with Somalia in the future?

The main work of our government is to bring the peace to Somalia because without peace we can do nothing. Then we can negotiate about the other issues [whether] to be [an] independent state or becoming a [federation] like the United Arab Emirates. There are different political options. You cannot negotiate if there is no peace. We have to accept some land as independent states.

Sidaad suŽaasha ka aragtaan saxafigu wuxuu wasiirka waydiiyey in ay qorshaha Somaliland ugu jirto inay Somalia la midoobaan mustaqbalka ?


Wasiirku wuxuu kaga jawaabay , Dowladda waa somaliya e , shaqada ugu weyn ee u taalla waa inay n abad keentaa , haddii aan nabadi jirin waxba ma qaban karno, wasiirku wuxuu tilmaamay oo afka ku dh iftay in haddii nabad la helo ( yacni koofur) in xukuumadda Somaliland wada hadal la geli doonto Soma lia , wuxuu wasiirku caddeeyey inay xukuumaddiisu gorgortan ka geli doonto gooni isu taagga Somalil and oo ay suurto gal tahay in la qaato nadaamka federaalka ee uu ku metelay ka emaaraadka oo kale , haddaba suŽaashaydu waxay tahay , RaŽyigaas gor-gortanka caddaanka ah ee la geliyey madaxbaa nidii Somaliland ma wasiirka ayey ku kooban tahay mise waa mid xukuumadda Somaliland u qarsoon oo aan shacabku ogayn? Arrinkani ma yahay mid wasiirku goŽaan ka gaadhi karo ? masiirka umaadda ma waraysi saxaafaddeed baa lagu gooyaa?

Waxaan jeclahay in wasiirku arrinkaa shacabka Somaliland u caddeeyo? waana arrin masiiri ah oo muw aadin kasta oo somaliland u dhashay xaq u leeyahay inuu ogaado qorshaha ay xukuumadda somaliland ka damacsan tahay nooca wada hadalka somalia lala geli doonaa uu noqon karo? maxaa laga wadli do onaa? gooni isu taagga somaliland ma gorgortan buu geli doonaa? talaabadaas iyadoo aan shacabka waxba laga waydiin xukuumaddu ma ku talaabsan kartaa?

 

 

 

Muwaadin: Siciid Yusuf Cartan
Doha-Qatar