Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga Som aliland oo la kulmay Wasiirka Dawladda Britain ugu qaybsan arrimaha Africa




Wasiirka wasaaradda Arrimaha Dibedda Britain u qaabbilsan Africa Mr Mark Simmonds ayaa maanta xarunta wasaaradda Arrimaha Dibedda Britian ku qaabbilay Wasiirka Arrimaha Dibed da iyo Iskaashiga caalamiga Somaliland Dr Mohamed Abdillahi Omar oo booqasho ku jooga wa ddanka Britain.



Wasiir Mohamed Abdillahi ayaa wasiirka reer Britain uga warramay xaaladda guud ee dalka S omaliland oo ah mid wanaagsan, iyadoo Dimuqraadiyadda Somalilandna ay si xawli ah u kobca yso, dalkuna hadda ka soo baxay doorashadii deegaanka oo u dhacday si wanaagsan. Labada wasiir waxa kale oo ay ka wada hadleen arrimo door ah oo ay ka mid yihiin xidhiidka soo jiree nka ah ee labada dal, sii ambaqaadka wada hadalladii u furmay Somaliland iyo Somalia, xoojin ta iskaashiga ganacsi ee ka dhexeeya labada dal iyo sidii laysaga kaashan lahaa arrimaha bud hcad badeedda.



Wasiir Arrimaha Dibedda Somaliland Dr Mohamed A Omar ayaa mar kale u xaqiijiyey Wasiirka Britiain inay Somaliland diyaar u tahay wejiga labaad ee wada-hadallada dhex mari doona So malia, iyadoo qaranka Somaliland-na muddo dheer sugeyey fursaddan si ay u kala baxaan So malia oo u noqdaan laba dal oo jaarnimo wanaagsani ka dhaxayso.



Waxa labada wasiir kulankan ku weheliyey dhinaca Somaliland Safiirka Somaliland u fadhiya UK mudane Cali Adan Cawaale, dhinaca Britain-na waxa goob joog ahayd agaasimaha waaxda So maliland iyo Somalia ee wasaaradda Arrimaha Dibedda Marwo Sally Axworthy.



Wa billaahi tawfiiq,

 


Somaliland Mission UK