Wasiirka Arrimaha Dibedda oo UNICEF ku Eedeeyay inay Somalil and ka wado qorshe ay Qaranimadiisa ku dhantaalayso

 



Hargeysa (TNN)-Wasiirka Arrimaha Dibada ee Somaliland Dr.Maxamed C/laahi Cumar ayaa sh alay ku tilmaamay wax aan la aqbali karin in hay’ada UNICEF ay gargaar uga keento deegaan ada Sanaag bari ee Somaliland xafiiska ay ku leedahay maamul goboleedka Puntland .


Wasiirka Arrimaha dibadu waxa uu sidaasi ku sheegay shir jaraa’id oo uu ku qabtay madaar ka Hargeysa ka hor intii wefti uu Hoggaaminayay aanay u kicitimin dalka Imaaraadka carabt a oo ay ka heleen martiqaad rasmi ah, waxa uu xusay in deegaanada Sanaag bari ay ka mid yihiin dhulka Somaliland isla markaana xukuumada ahaan aanay marnaba ogolaanayn in dee gaamadaasi oo ay ka taagan tahay xaalad abaareed deeqda loo qoondeeyay loo soo marin karin xafiiska hay’ada UNICEF ee magaalada Garoowe.


Wasiirka arrimaha dibada ee Somaliland Dr.Maxamed C.laahi Cumar waxa uu carabka ku adk eeyay waxa uu sheegay inay waajib tahay in deeqaha loogu tallo galay deegaanada Sanaag bari la soo mariyo xafiiska Somaliland, waxaanu ku dooday inaan la aqbali doonin in gargaar ka dalka la keenayo looga soo waarido xafiisyo ka baxsan dhulka Somaliland.Wasiirka arrima ha dibadu waxa uu cadeeyay in dawlada Somaliland ay diyaar u tahay inay gacan muuqata ka gaysato fududaynta iyo gaadhsiinta deeqaha dhinaca abaaraha ee deegaanada loogu ta llo galay.


Arrintan ayaa ku soo beegmaysa wakhti ay Xukuumadda Somaliland dhegaha ka furaysatay baaqyo ay Saxaafaddu hore ugu jeedisay Xukuumadda Somaliland oo ka waramayay dhaq dhaqaaqyada ay deegaamadaasi ku hantiyaysay iyadoo wasiirka Gaashaandhiga Somaliland ee Deegaamadaas ka soo jeedaa isagoo dhibaatadaa maanta Somaliland soo foodsaartay iska indha tiraya u yidhi wax saamayn ah oo ay Puntland ku leedahay goboladaasi ma jirto.


Halka aanu illaa hada oo ay gobolka sanaag ka taagan yihiin shaqaaqooyin iyo ka horba aanu marnaba ka agwareegin si uu Siyaasiyan wax uga qabto dhibaatooyinka Gobolkaasi iyo barri giisa ka aloosan.


Iyada oo aan la ilaawi karin dadaalkii uu bariga Sanaag ugu kicitimay wasiirka Horumarinta Reer Miyigu dhawaan markii uu dareemay khatarta ka iman karta Heshiis ay wada galeen Sheekha Galgala haysta iyo Madaxweynaha Puntland inkastoo nasiib daro isagoo wax laba Kiiloomitir ka yar u jira Magaaladda Badhan uu baabuurkii uu saarnaa kula qalibmay iyadoo dhaawaciisiina loo soo qaaday Hargeysa.

 

Source:Waaheen