Wasiirka Arrimaha Gudaha oo Xafiiskiisa shir
jaraaid ku qabtay

 



Hargeysa (TNN)- “Waxaan Axsaabta leeyahay Ummadda carab wanaagsan codadka kaga doona. Waxaad kaga doontaan waxaas iyo waxan ayaanu idiin qabanaynaa,”.Nabadda So maliland halka ay maanta joogtana waxay u baahan tahay ka ambo-qaad ayay u baahan tahay laakiin haddii aan ku hanjabo oo aan idhaahdo nabadda ayaan duminayaa, haddii la I dooran waayo, taasi ma suurtoobayso,”

Markaa waxaan leeyahay Axsaabta siyaasadda dadweynaha nabad codkooda kaga doona. Waxaanu axsaabta kala shaqaynaynaa goobaha la iskugu yimaado (Fagaareyaasha), waxaana loo diyaarinayaa agabka ololaha doorashadda. Masuuliyiinta degmooyinkuna waxay xisbiyadda iyo ururadda u soo dhawaynayaan si isku mid ah.

Wasiirka Arrimaha guddaha Maxamed Nuur Caraale (Duur) oo hadalkiisa sii wata, waxa uu yidhi “Yaan shacbiga lagu gal-galan qofka soo baxdaana waa cida shacbigu soo doortaan. cid xukuumadi dooratay maaha, Urur xukuumadi wadato ma aha. Cidii shalay shacbigu doortay ayaa maanta xilka haysa,”
 

 



Timacade News Desk
Hargeysa ,Somaliland