Wasiirka Arrimaha Dibedda oo shaaciyay Xafiis ay
Kenya ka furanayso Hargeysa

 


Nairobi (TNN) – Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar ayaa ka warramay wakhtiga la filayo in ay dawladda Kenya caasimadda Somaliland ee Hargeysa ka
furato xafiis dublamaasiyadeed.


Wasiirka ayaa waxa uu sheegay in bisha soo socota ee December ay iman doonaan Hargeysa masuuliyiin dalkaasi ka socota, iyaga oo hordhaca u noqon doona furashada ay dawladda Ken ya ka furanayso magaalada Hargeysa Xafiis dublamaasiyadeed.


Wasiirka Arrimaha dibadda oo ku sugan magaalada Nairobi ee xarunta Kenya oo xalay u wara mayay wargeyska Haatuf, ayaa waxa uu sidoo kale ka warbixiyey kulammo ay dublamaasiyiin shisheeye kula yeesheen dalka Kenya, waxaanu sheegay in kulamadaasi ay ahaayeen mid ay wadamada kala duwan dublamaasiyiinta ka socota kaga arinsanayeen xidhiidh ay Somaliland la samayso waddamadaasi.


Wasiirka Arrimaha dibada oo ka warramaya kulamo ay dublamaasiyiin kala duwan kula yeesh een Kenya waxa uu yidhi “Kulammada aanu Kenya kula yeelanay madaxda kala duwan waxa ay ahaayeen arrimo xaga nabadgelyada iyo siyaasadda ah, waxaananu kulammadaasi la yeel annay madaxda EU-da, dublamaasiyiin shisheeye oo fadhigoodu yahay Nairobi, kuwaasi ay ka mid yihiin safiirka Mareykanka u fadhiya Nairobi, waxa kale oo aanu kulamo la yeelanay masu uliyiin ka socda wadamada Sweden, UK, Switzerland iyo Denmark oo aanu dhammaantood kala hadalnay arrimo khuseeye labada dhinac gaar ahaan amniga, annaga oo sidoo kale kulan la yeelannay masuuliyiin ka socda wasaaradda arrimaha dibada Kenya.”


Wasiirka oo ka hadlaya wakhtiga ay dawladda Kenya ka furanayso Xafiis dublamaasiyadeed magaalada Hargeysa waxa uu yidhi “Bisha soo socota ee December dalka waxa iman doona masuuliyiin ka socda dalka Kenya kuwaasi oo qaadi doona tallaabadii u horreysay ee furasha da xafiiska, laakiin siyaasad ahaan iyo go’aan ahaanba waxa la qaatay in xafiiskii Somaliland ee halkan (Nairobi) kor loo qaado”.


Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Maxamed Cabdillaahi Cumar ayaa isaga iyo Wasiirro kal e oo ka tirsan Xukuumadda Somaliland waxa ay ku sugan yihiin Nairobi, iyaga oo ka qayb galaya shirar la xidhiidha dhinaca ammaanka mandaqadda Geeska Afrika.

Xigasho: Wargeyska Haatuf