Somaliland: Wasiirka Kalluumaysiga oo Socdaal ku Maraya Xeebaha Saaxil iyo Sanaag



 

Hargeysa (TNN):-Wasiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka bada Mudane Cali Jaamac Faara x,agaasimaha Guud ee Wasaarada Kalluumaysiga Maxamed Cilmi Aadan,Xubno ka Tirsan A gaasime waaxeedyo kale ayaa kormeer hawleed waxay ku marayaan Deegaamada Xeeba ha bari ee Gobolada Saaxil iyo Sanaag.

Ujeedada Socdaalka Weftiga Wasiirka Kalluumaysiga ayaa salka ku haysa u kuurgalida xaa lada kalluumaysatada deegaanada Xeebta iyo weliba sidii ay ugu qaybin lahaayeen agab kaluumaysi oo wax badan ka tari doona sidii ay Iskaashatooyinka Kalluumaysatadu si fudu du ugu soo Jilaaban lahaayeen Kalluunka.

Wasiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka bada Mudane Cali Jaamac Faarax iyo Xubnaha kale ee Safarkan ku wehelinayaa Waxay warbixino ka dhagaysteen Ciidanka Difaaca iyo ilaalada Xeebaha, Waxaa kale oo ay Kulamo la qaateen duqayda iyo Waxgaradka ku dhaqan Jiidaha ay Socdaalka ku mareen iyagoo u soo bandhigay sidii ay wasaaradu gacan uga siin lahayd inay deegamada Xeebaha u keenta qalabka baraf dhaliyaha oo baahi weyn ay u qabaan.

Mas’uuliyiinta wasaarada Kalluumaysiga ayaa dhankooda ka balanqaaday in wax kasta oo awoodooda ah Wasaarad ahaan iyo xukuumad ahaanba ay Gacan Muuqata ka gaysan doo naan baahiyaha bulshada.

 

 


Cumar Maxamed Faarax
Hargeysa,Somaliland