Siyaasi ka soo jeeda Gobolka Gabiley oo eedeyn culus u soo jeediyay xukuumada sigaar ahna farta ugu fiiqey Wasiirka Maaliyada
 

 


Gabiley (TNN)-Siyaasi kasoo Jeeda Gobolka Gabiley isla markaana, ka mid ahaa Gudidii Fulinta ee Urur Siyaasadeedkii Jamhuuriga Muuse C/laahi Aw Nuur ayaa si adag eedeyn ugu soo jeediyay Xukuumada Somaliland oo uu ku eedeeyay in ay ka gaabisay Gobolka Gabiley ka dib markii ay Xuk uumadu ku soo koobtey in ay Gabiley wax ka weydiiso Wasiirka Wasaarada Maaliyada Somaliland Md Samaale.

Muuse C/laahi Aw Nuur , waxa uu ku dhaliilay Xukuumada in ay indhaha ka qarsatey Guud ahaan ba adeegyada aasaasiga ah ee Gobolkan oo ay ugu horeyso dhinaca Waxbarashada oo ardeydu Boqol Boqol ku fadhiistaan hal fasal oo kaliya taas oo boqol jeer ay duqeyda iyo waalidiinta arde ydu qeylo dhaan xoog leh ka bixiyeen una gudbiyeen Warbixinteeda Wasiirka Wasaarada Waxbar ashada Somaliland Samsam Cabdi Aadam, balse aan cidi dhegay jalaq u siinin .

Waxaanu si gaar ah farta ugu fiiqey in ay tahey nasiib daro xoog leh in Xukuumada Siilaanyo ma anta ka aarsato Gobolka Gabiley taas oo Wasiirkii Maaliyada oo ah ninka kaliya ee Xukuumada Sii laanyo wax ka weydiiso Gobolka Gabiley, uu maalin walba dadka Masaakiinta ah ee Beeruhu laba jeer ka ba'een Sanadkan habsankii Roobabka awgeed,  uu la dul joogo weydiinta Cashuuraha Bee raha , oo aan Xukuumada dhexe abidkeed u soo doonin Bulshadan xataa Dowladii Afweyne, isag oo ka hadlaya waxa uu yidhi.

"Waxaan ku dhaleeceynayaa Xukuumada Siilaanyo sida ay indhaha iskaga qabatey Gobolkan Gab iley oo ay dayacdey Guud ahaanba meelihii ugu darnaa sida Iskuulada iyo Caafimaadka iska daa balan qaadyadii beenta ahaayoo waxey, hada ku sameyneysaa aarsi aan yareyn sababtoo ah M adexweyne Siilaanyo iyo Qoyskiisu waxey Gabiley wax ka weydiiyaan oo kaliya Wasiirka Maaliyad a oo isaguna hada ku waashey Gobolkan iyo Beerahow cashuur keena iyadoo Ardeydii loo laaya hey kuraasi ay ku fadhiistaan Fasaladii Dugsiyada , Beer hadhuudhyadana aanay Sanadkan wax ba ka calfan beeraleydu maadaama roobabkii hore ay ka dib dhaceen xiligii shinda.

Soomaalidu wa xey tidhaahdaa meyd keebaa ugu dambeeyay kaa la sii sido walaahi anigoon ku hal qabsaneyn Mushkiladaa Ardeyda ee maanta dhacdey ee ceebta banaanka u soo saartey, sh aley oo ugu dambeysay Wasiirkaas aan soo sheegay ee Maaliyada oo Wata Wasiirka Warfaafinta iyo laba Xildhibaan ku sheeg ah , ayaa dadweynaha Reer Tog-Wajaale u soo bandhigey in ay ke enaan lacag wado lagu dhiso iyo Cashuurta Beeraha , waa ayaan daro,  xaley Reer Gabiley may seexan hadal heynta arintaas,  laakiin nabsi baa iman doona dhawaan oo labadii xaq daro ku hes hiisaa xaqey ku coloobaan , iyagoo soo kala go'ay ayaa iman doona .

Wasiirka Maaliyadana waxaan leeyahay , ardeydii Gabiley baa Kuraasi Dowladu u weydaye ,halkii Maxamed Xaashi Cashuuraha iyo Miisaaniyada ka kordhin jirey u doon dakhli oo Beeraha Masaa kiinta iska daa,  waa kuwii lagugu soo koriyay adigoo Ceydh ah, hadaanu Siyaasiyiinta Gabiley na hey waanu dhaleeceyneynaa oo aanu leenahey Dowladnimo ma aha sidaasi inanta Wasaarada Wasaarada Waxbarashadu way dedaaleysaaye ilaahay haku asturo?Ayuu Yidhi Muuse C/laahi Aw Nuur.

Gaba gabadiina waxa uu u soo Jeediyay Madexweyne Siilaanyo in Reer Gabiley waxa uu ugu aba al gudey Taariikhdu qori doonto.


Damqashada maanta laga damqdey dhibaatooyinka kajira Gobolka Gabiley, ee qeybaha kala du duwan ee Bulshadu kaga damaqadeen hoos u dhaca ku yimid Gobolnimadii iyo halka ay xaaladu mareyso ayaa laga sinaa inkastoo Maayarka iyo Xoghayaha D/hoose u dadaaleen in ay Ardeyda ka fududeeyaan Culeyska ka haysta Dugsiga Sare ee Timacade hadana baahida ayaa ka culus mid ay kaligood maareyn karaan.
 

 



Timacade News Desk
Gabiley,Somaliland