Wasiirka Macdanta iyo Biyaha Somaliland oo kormeer ku tagay
magaalada
Ganacsiga Somaliland ee Tog-wajaale
Aniga farxad weyn ayay ii tahay inaan maanta imaado
magaalada Tog-Wajaale
.........
Tog-Wajaale,
23 Feb ,2012 (TNN)-Wasiirka Wasaarada Macdanta
,Biyaha iyo
Tamarta ee Somalilan d Mudane,Eng. Xuseen Cabdi Ducaale, ayaa kormeer shaqo ku tagay Magaalada Tog
wajaale,si uu ugu kuur galo xaaladda Biyo la'aabta ee ka jirta
degaanka.
Waxaa Sabtidii hore, Bisha 18 February,2012
, qaylo dhaan iyo Warsaxaafadeed ku aadan biyo l a'aanta
ka soo saartay ,Hay'adda Samo-Falka ee Tog-Wajaale Foundation,una
gudbisay dhammaa n Saxaafad da Somaliland.
Wasiirka Wasaarada Macdanta ,Biyaha iyo Tamarta Somaliland, Eng. Xuseen Cabdi Ducaale ,oo
la hadlay bulashada degan magaalada Tog-wajaale,ayaa waxaa
hadaladiisii ka mid ahaa:
"Aniga farxad weyn ayay ii tahay inaan maanta imaado
magaalada Tog-Wajaale,maxaa sababay inaan idiin im aado baahida aan ogahay in ay
Tog-Wajaale
tahay meelaha Somaliland Biyaha ugu daran, Madexweynuhu si gaar ah
ayuu iigu balamiyay inaan Biyaha Tog-Wajaale wax uga qabto, waxaan
idiin sheegayaa in ay Tog-Wajaale tahay
halka ugu horeysa ee
Biyaha
wax laga qabanayo, waxaana biyaha looga soo qaadayaa ceelasha Biyaha
Botor ,l,acagta inoo xadidani ee Biyaha Tog-Wajaale wax lagaga
qabanayaa waa 2 Milyan oo Dollar.
Waxaan kale oo idiinku bushaareynayaa, waxaan maanta idiin wadaa waxaan
huuhaa aheyn, oo a an dhagax meel la dhigayo aheyn, Biyihii waan idiin
keenayaaye ee wado sameysta waad ku filan tihiine ."
Timacade News Desk
Tog-wajaale,Somaliland
|