Wasiirka Madaxtooyada oo beeniyey inuu Telefoonka hadal kaga duubay Wasiirkii
hore ee Warfaafinta, Boobe Yuusuf Ducaale
Hargeysa (TNN) - Wasiirka Madaxtooyada
Somaliland Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa beeniyay inu u
Telefoonka
hadal kaga duubay Wasiirkii hore ee warfaafinta
Boobe Yuusuf Ducaale
mar ay wada hadlayeen ka hor intii aan Boobe xilka laga qaadin.
Wasiirka Madaxtooyadda oo u waramayay qaar ka mid ah warbaahinta
ayaa intaa raciyey inaanu jirin wax hadal ah oo Telefoonka laga
duubay Wasiirkii hore ee warfaafinta, waxaanu yidhi “Waxa an
Beeninayaa eedaha uu Boobe aniga (Wasiirka Madaxtooyada) ii soo
jeediyay ee uu yidhi waxa uu iga duubay hadal aanu Telefoon kaga
wada hadalnay. Waxaan idiin sheegayaa ma jiro wax had al ah oo aan ka
duubay. Arrintuse waxay ahayd Boobe ayaa maalin maalmaha ka mid ah I
soo wac ay isaga oo aan filayo inuu qof kale ii haystay marka uu I
soo garaacayey, dabadeedna telefoonkii ayaan qabtay, ka dibna waxa
aan maqlay isaga oo dad kale u sheekaynaya isla markaana aniga iyo
madax badan oo xukuumada na xamanaya, oo weliba si fool xun noo
caaya.
Markaa dhawr jeer ayaan la hadlay oo aan hello idhi isaguna iima
jawaabin, waxaana markaas ii c adaatay in aanu is ogeyn markii uu I
soo garaacayey, amaba inta uu I soo garaacay uu telifoonkii hadana
iloobay. Intii uu hadlayeyna si kasta wuu noo aflagaadeeyey, siiba
aniga waxuu iga sheeg ayey waxyaabo aanay waxba ka jirin oo waxaas
iyo waxaas ayaan ku idhi ayuu lahaa, kuwaas oo aanay waxba ka jirin.
Arintu markii ay halkaas maraysay ayaan telefoonkii jaray oo aan dib
ugu celiyey, waxaanan ku idhi waar malaha kumaad talo geline marka
aad hadlayso ee wax xamanayso telefoonka iska xidh Arrintu sidaasi
ayay u dhacday. Waanan la yaabay run ahaantii ninkaa masuulka ahi
sida uu u caayayey xukuumadii uu ka tirsanaa iyo sida ay uga suurto
gashay inuu soo garaaco qofkii uu xamanayey,” ayuu yidhi Wasiirka
Madaxtooyadu.
Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan oo hadalkiisa sii watay waxa uu intaasi
ku daray “Markii aan arrintaasi ka yaabay ayaan u sheegay C/Casiis
Aadan Habbane (Siisto) oo aan uga waramay fool xumadaasi sida aan
hubsiimo la’aanta ah isagoo aan is ogayn uu Boobe ii soo garaacay.
Waxaanan ku idhi ninkaas ha la iga soo daw mariyo. C/Casiis Siistona
waxa uu yidhi anigaa u tagaya oo odhanaya arrintaasi ayaad samaysay
ee aan dhamayno Xirsina waxba kuuma qabo.
Kadibna Siisto wuu igu soo noqday waxa uu igu yidhi Boobe wuxuu
yidhi dow bixiye ayaan ahaye’e wakhti inoo soo qabo, dabadeedna
waxaanu ku balanay in aanu kulan isugu nimaadno wixii jireyna iska
shaafino. Inkasta oo aanay balantaasi fulin oo aanu markii dambe
hawlo kala duwan ku mashquulay Boobena uu safar dibadeed u baxay”
ayuu yidhi Wasiirka Madaxtooyadu.
Dhinaca kale C/Casiis Aadan Habbane (Siisto) oo ay isagana saxaafadu
wax ka weydiisay arrintaas ayaa waxa uu sheegay in Wasiirka
Madaxtooyadu uga waramay
Telefoonkii Boobe kula soo hadlay ee isagoo qof kale moodayay uu
muddo xamanayay isla markaana uu aflagaadeeyay.
“Markii Wasiirka Madaxtooyadu ii waramay waxa uu iga codsaday in aan
ninkaas ka soo daw mariyo, isaga oo weliba intaas ku daray in aanan
waxba ka qarinin ee aan u sheego waxa uu kaga cabanayo ee uu
telefoonka ka lahaa oo dhan.
Ka dibna Boobe ayaan u tegay waxaanan u sheegay in uu ninkaasi ka
cabanayo loona baahan yahay in uu ka daw baxo, waxaanan u raaciyey
Xirsina waliba isagu qof ahaan waxba kuuma qabee aan isu kiin geeyo.
Boobena muu dafirin waxyaabihii lagaga cabanayey ee wuu qirtay
waxaanu ii sheegay weliba in uu garanayo daqiiqadii uu
telefoonka Xirsi garaacay oo uu sheegay in ay ahayd mar uu sii
gelayey Hotelka Maansoor” ayuu yidhi Cabdicasiis Siisto. Mr Habane
waxa kale oo uu intaas raaciyey in markaas ka dib ay Boobe ku
heshiiyeen in uu isu geeyo isaga iyo Xirsi, waxaanu sheegay in uu
Xirsina dhinaciisa arintaas ka aqbalay laguna wada heshiiyey in
kulan turxaan bixin ah la isugu wada yimaado isla markaana la iska
shaafiyo wixii la kala tabanayey oo dhan. Mr Siisto isaga oo
arintaas sii faah faahinaya waxa uu yidhi “Ka dibna iyadoo aanu
balantii qabsanay ayaan anigu Cabdi casiis ahaan maalintii ay
balantu caawa oo kale ahayd, dabadeedna aniga oo Berbera jooga oo
doonaya in aan markaas soo baxo ayaa waxa ila soo hadlay Wasiir
Xirsi oo moodayay inaan Hargeysa joogo.
Waxaanu igu yidhi waar balantii aynu lahayn suurto-gal ma aha oo
waxaan joogaa Berbera oo waxaan tagayaa oo aan ka mid ahay weftigii
soo dhawaynayay Xagla-toosiye iyo ergadiisii ee dib inoogu dhiga
balantii.Aniguna waxaan u sheegay inaan Berbera joogo. Waan u tagay
Wasiir Xirsi iyo weftigii la socdey oo markaas Maansoorka Berbera
jooga oo waanu wada afurnay ramadaantii ayay ahaydoo iyaguna sidii
ayay bari ku tageen aniguna aan Hargeysa ku imid,”ayuu yidhi
C/Casiis Siisto. C/Casiis Siisto waxa uu intaasi ku daray “Markaa
sidaasi ayuu kulankaasi nooga baaqday. Waxaanu intaas in aanu Boobe
arinta xaqiiqadeedu sidii ay ahayd u sheegin taasna uu la yaabay
waayo waxa ay ahayd ayuu yidhi “Hadii uu Boobe arinta ka sheekaynayo
in uu sidii ay ahayd uga sheekeeyo ee aanu ka dhigin in Madaxtooyadu
tahay meel dadka telefoonadooda hadalka lagaga duubo, waxaana loo
baahnaa in uu sheego in uu isagu ninkaas telefoonkiisa soo garaacay
ka dibna xantay isaguna uu xantii dhegaystay, waxa aan anigu ugu
tegayna uu ergo ahaa ee aanu wax kale ahayn” ayuu Cabdicasiis
hadalkiisa ku soo gebo gebeeyey.
Timacade News Desk
Hargeysa,Somaliland
|