Dib u qiimee tirada wasiirrada soo maray Somaliland
1991-2012?
Marka hore waxaan salaamayaa bahweynta reer Somaliland ee mar-walba
u heeganka ah Qad arinta iyo qiimaynta Wadaniyadaysan ee ay la
barbartaagan yihiin Madaxdooda kal a duwan ee ay qarankan ku aamineen
una igmadeen inay hogaamiyaan.
Marka labaad waxa aan salaamaya Bahda Saxaafada ee Qiimaha iyo
qadarinta leh, mar walban a u heeganka ah sidii ay bulshada Somaliland
ugu soo gudbin lahaayeen Aragtida walaalahooda kala duwan ee
dacalada Dunida ku nool oo aan leeyahay halkaa ka sii wada ALLE
haydin la qabt ee, idinka oo marwalba xaqiiqada ku salaynaya
qoraalkiina ALLE-na ka cabsanaya.
Hadaba aan u noqdo maqaalkaygan aan ku cabiraayo mudadaa ay
Somaliland jirtay ee ay noqo tay qaran ka madax banaan wixii laysku
odhan jiray Shanta soomaaliyeed, kuna dha waaqday inay noqoto Dawlad
iskeed isu maamusha oo gooni u taagan, ILLAAHAY ayey mahadi u
sugnaa tay oo inagu guuleeyey in aynu noqono dawlad taaba gasha oo
caalam ku ka war hayo una og soon yahay inay tahay dawlad buuxisay
shuruucda dawladnimo la gu noqon karo inaga oo ilaa hada u taagan in
aynu ku biirno dawladaha la aqoonsan yah ay ee ka jira aduunka.
Waxa 21-kii Sanno ee ay jirtay Jamhuuriyada Somaliland ay xilal u
magacawday wasiiro tiro ba dan oo aynaan halkan ku soo koobi Karin
tiradooda oo aad idinkuna markhaati ka tihiin, balse aan xaga u
danbaysa kaga istaago oo aan eego fikirkayga iyo wasiirada
Xuku umadan hada talada haysa wasiirka ugu mudan ee aynu odhan karno
waa masuul buuxiy ey Xilkiisa Wasiirni mo bulshaduna ay markhaati ka
tahay inuu yahay masuulka ugu mudan 21-kaa sanno ee Somal iland ay jirtay muujiyeyna kartidiisa mustaqbal iyo inuu beri hanan karo
masuuliyada qarankan una tartami doono isaga oo khibrad iyo waayo
aragnimo dhe er u leh dalkiisa iyo dadkiisaba.
markaan mudo daba socday ee aan indho darsay xaaladaha uu ku
mutaystay wasiirkani inuu noqdo Wasiirka wasiirrada ee Somaliland
soo maray mudadaa dheer isaga oo weliba ah wasiir aad u dhalin yaro
ah oo aynu odhan karno Somaliland waxa uu u horseedi doonaa
mushtaqbalk a dhaw iyo ka fogba hadii EEBBE ku simo oo uu dalkan uu
hogaamiye ka noqdo ama uu dedaal kiisa halkaa ka sii wado kii aynu
sugaynay mudadaasi dheer ee caruurtii dhalatay ay maanta yihiin
Aabbayaal iyo aqoonyahano haseyeeshe sugayey inay doorkooda
siyaasada dalka ka dhex arkaan mar uun wasiir ama hogaamiye da’yar
oo dadkiisa iyo dalkiisa u huraya wakhtigiisa qaaliga ah, aniga oo
marwalba xushmad iyo qadarin siinaya Masuuliyiintii soo maray
Mansabkan Wasiirnimada aniga oo aan meel kaga dhacayn hadana waxa
aduunkan laysku dhaafay waa Qii mayn iyo tartan loo galo bulshada,
taas oo ay markhaati marwalba ka yihiin ama codeeyayaal ka yihiin
Quluubta iyo indhaha Fayaw ee Bulshada markaasi joogta.
Intaa ka dib waa kuma wasiirka aynu odhan karno waa wasiirka ugu
mudan ee xilkiisa wasiirni mo ka soo baxay ee ay bulshadu indhaha la
raacayso mustaqbalkiisa iyo intuu ka duwanaado wasiiradii badnaa ee
soo maray Somaliland oo iyagu noqday kuwo marka la magacaabo ama
xil ka laga qaado baalku ka qoyo oo aan dib loo arag meel ay jaan iyo
cidhib dhigeen, taas oo aan odhan karo waa mid ay sababtay markii ay
xilkan hayeen in aanay dadka ka samaysan qiimayn iyo is dhexgal sida
hada ka muuqatay wasiirka aynu hada u gol-leenahay ee Wasaaradda
Mad axtooyada Jamhuuriyada Somaliland, Mudane,
Xirsi Cali Xaaji Xasan
oo Bulshada Somaliland ku dhaqani ay maanta Carabka ku balaadhiyaan
marwalbana ay hadal hayn iyo amaan la daba ta agan yihiin taas oo
aynu odhan karno waa masuul shacbigiisa ka mutaystay isaga oo da’a
yar karti iyo dedaal dheeriya oo uu dadkiisa iyo Dalkiisa la garab
taagan yahay hadh iyo habeenba.
Waana wasiirka keliya ee aan odhan lahaa hadii cid laga qiimaynayo
wasiiradii tirada badnaa ee soo maray qarankan waa midka ugu haboon
ee aynu odhan karno waa Masuulka Mustaqbalka ay Somaliland hiigsan
karto kuna hamiyi karto inuu noqdo hogaamiyaha u soo kici doona
jiilas han qiimaha iyo qadarinta mudan ee iyagu la jaanqaaday
horumarka iyo aqoonta ay hoygooda ku barteen iyaga oon qaxoonti,
daal iyo diihaaltoona u marin sidii ay ku noqon lahaayeen buls ho
qiimo badan oo caalamka hiigsata.
Hadaba waxa aan Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland ku
Hambalyeynayaa xulashada uu ku soo magacaabay wasiirkan ka dhex
muuqday bulshadiisa iyo Golihiisa wasiirada ee noqday
Laambada
keliya ee ka dhex ifisaysa Shacbiga gaar ahaan
dhalin yarada
Somaliland meel ay jo ogaanba kuna hirtaan inay mar uun noqdaan
xirsi
oo kale aniga oo madaxweynaha uga faa’iida ysanaya Fursadan waxan
leeyahay madaxweyne 4 Wasiir oo kale oo Xirsi
u dhigma, hadaad d alka
ku soo kordhiso waxa aynu noqon lahayn bulsho ku talaabsata horumar
ka balaadhan kan aynu maanta hayno, sidoo kale waxa aan Madaxweyne
ku leeyahay Hambalyo Hambalyo mada ama aad khibradaada iyo waayo
aragnimadaada bulshada ku bartay Masuuliyiinta qiimaha iyo kartida u
leh shaqooyinkan oo kale buuxin karana baahiyaha Siyaasadeed ee
bulshadani ay do onayso inay mustaqbalka u carbiyaan dalkan si loo
helo hogaamiyihii berito dalkan xukumi lahaa ee ay bulshadu ku nasan
lahayd.
Ugu danbayn waxa aan hadalka ku soo koobayaa wasiir waxad noqotay
madaalihii qarankani tebaayey nudada dheer balse nacabka iyo
xaasidka ayaa badan ee dheg ha u jalaqsiin hawlaha aga qarankana
sidaad isaga xilsaartay uun isaga xilsaar bulshada inta wanaaga iyo
horumarka jecelina way ku garabtaagan tahay marwalaba.
WA BILAAHI TAWFIIQ
Faisal Mohamed
Heegan_10@live.com
|