Wasiirkii Horre Ee Xanaanadda Xoolaha Somaliland Oo Xalay Geeryoodey

 



Marxuumka ayaa ku geeriyoodey cusbitaalka Adna ee Magaalada Hargeysa, waxana uu xilal kala gadisan ka soo qabtay...........



Hargeysa (TNN)- Rabbi naxariitii janno Fardawsa ha ka waraabiyee ,waxa xalay magaalada Hargeysa, ee Caasimadda Somaliland ku geeriyoodey Wasiirkii horre ee Wasaaradda Xana anadda Xoolaha Somaliland, marxuum Dr. Idiris Ibraahim Cabdi.


Marxuumka, Dr. Idiris Ibraahim Cabdi, ayaa la sheegay in uu dhiig madaxa kaga furmay xala y, saacado ka dibna la gaadhsiiyay cisbitaalka Edna ee Magaalada Hargeysa, kuna geeriyo oday labadii  habeenimo , waxaana aaskiisa maanta ka qayb galay masuuliyiin xukuumada ka tirsan, asxaabta Qaranka   iyo dadweyne aad u  tiro badan.

Marxuum,Dr. Idiris Ibraahim Cabdi , ayaa ifka kaga tegey 3 wiil, Gabadh iyo Hal xaas, oo Ma gaceeda la yidhaaddo Marwo Faadumo Siciid Ibraahim oo ka mid ah Haweenka hal door ka u ah somaliland ee dhinaca samafalka kaalin weyn kaga jirta.


Dhamaan hawl wadeenadda, shaqaalaha iyo maamulka Timacade News, waxay tacsi tiiraa nyo leh u dirayaan qoyskii, ehelkii, asxaabtii Iyo dhamaanba Shacabiga Reer Somaliland ee uu ka baxay Marxuum ,Dr. Idiris Ibraahim Cabdi.

Waxaan Allaha awoodda leh uga baryeynaa,  inuu marxuumka, janno Fardawsa  ka waraabi yo, qoyskii, qaraabaddii, qarankii, ehelkii iyo xaaska uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiy o, Aamiin Aamiin Aamiin








Timacade News Desk