Wasiiru-dawlihii Arrimaha Dibedda oo xalay ku geeriyooday Hargeysa

 

December 23rd Hargeysa (Timacade News)- Allaha u naxariistee Wasiiru-dawlihii Wasaa radda Arrimaha Dibedda Somaliland Siciid Maxamed Nuur, ayaa xalay ku geeriyooday  gu rigiisa Magaalada Hargeysa, ka dib markii si kedis ah Wadnuhu isu-taagay. Waxaana maanta lagu aasay Magaalada Hargeysa.

Marxuumka ayaa xalay Wadnuhu istaagay sida la sheegayo. “Sida lay sheegay wuu  Caa fimaad qabay maanta (shalay), balse caawa (xalay) abbaaro 10:45 ee habeenimo, ayuu Ilaahay ha u naxariistee geeriyooday.” Sidaa waxa yidhi Wasiir-ku-xigeenka  Wasaarad da Arrimaha dibedda Axmed Aadan Ismaaciil (Keyse).

Aaska Marxuumka ayaa maanta waxa ka qayb galay Madaxweyne Rayaale iyo  Masuuli yiin badan oo ka kala socday Xukuumadda iyo Baarlamaanka.

Waa xubintii labaad ee ka tirsan Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Rayaale ee  geeriyoo da muddo bil ah gudaheed, halka Wasiirkii hore ee Wasaaradda Macdanta iyo Biyaha  M arxuum Qaasim Sheekh Yuusuf uu 20-kii bishii aynu ka soo gudubnay ee November si  ke dis ah ugu geeriyooday Magaalada Makka ee dalka Sucuudiga, waqtigaas oo uu halkaa u tegay gudashada waajibaadka Xajka.

Source:Somaliland.Org