Ismaaciil Hurre Buubaa oo Xukuumadda Madaxwe yne Rayaale ku dhaliilay wax-qabad la’aan

 


Hargeysa (Timacade News)- Ismaaciil Hurre Buubaa oo ka mid ah Siyaasiyiinta dh alasho ahaan ka soo jeeda Ja mhuuriyadda Somaliland, hase ahaatee aaminsan mawqifka midnimo  Soomaaliwe yn, ayaa mar kale ka hadlay mawqifkiisa la  xidhii dha horumarka Somaliland.

Waxaanu dhaliilay wax-qabadyada bulsho iyo horumarineed ee dalka oo uu sheeg ay in aanu jirin wax horumar ah oo laga gaadhay. Isla markaana wuxuu Ismaaciil ku dooday in mustaqbalka mar uun Soomaaliya midoobi doonto.

Ismaaciil Hurre Buubaa oo hadda ku sugan Magaalad Nairobi ee dalka Kenya  mar uu khadka Telefoonka ku waraystay Weriye Xamse Cali Bulbul oo ka tirsan  Telefis h anka HCTV ee Magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in Ururkii SNM ujeedooyinka uu u dagaallamayay ay ka mid tahay in uu dalka ka xoreeyo dhibaatooyin loo  ge ystay, hase ahaatee ay doonayeen in ay Somaliland ka mid noqoto Umadda Soom aaliyeed. Waxaanu ka hadlay socdaal uu sheegay in uu ku imanayo Magaalada  H argeysa.

Ismaaciil wuxuu sheegay inay Somaliland siyaasad ahaan iyo amni ahaan  horuma rtay, balse wuxuu dhaliilay adeegyada Cusbatallada Somaliland iyo sidoo kale hor umarinta Magaalada Berbera oo uu sheegay in uu liito. Sidoo kale, Mr. Buubaa wu xuu sheegay ka hadlay aragtidiisa la xidhiidha Xukuumadda Shariifka ee Soomaali ya.

Waraysigaasi oo dhammaystirani wuxuu u dhacay sidan;

S: Marka hore waxaad ka warantaa Mawqifkaaga Siyaasadeed halka uu taagan yahay?

J: Mawqifkayga Siyaasadeed wuxuu taagan yahay halkii uu markii horeba  taag naa..Dadka ka midka ah Shacabka Soomaaliyeed ee ay ka mid tahay Somaliland, waxaan u arkaa ina aanay kala maarmayn. Laakiinse, kollayba Dimuqraadi ah Uma dda Soomaaliyeed ama dhinaca Somaliland ha noqoto ama dhinacyada kale ha noqotee in ay horumar sameeyeen.

S: Ismaaciil, dadku waxay isweydiin karaan miyaad ka noqotay Mabda’aagii  Soom aaliweyn. Arrintaa bal faahfaahin ka bixi?

J: Mawqifkaygii waxaan u arkaa in danta Soomaaliyeed ay tahay in la wada shaqe eyo oo la wada joogo. Ilaahay baa inaga dhigay Umad Soomaali ah oo ku nool ge yiga Soomaaliyeed. Markaa waxaan u arkaa inay danta Somaliland ku jirto in ay Umadda Soomaaliyeed wada socoto oo midnimo ay jirto. Iyada oo ay sidaas  tah ay, haddana, waxa Siyaasadda la yidhaahdaa waxay ku salaysan tahay wixii  had ba suurtogal ah oo rabitaanka iyo helitaanku ma wada socdaan had iyo jeer.

Haddii ay suurtogal noqon waydo in ay Umadda Soomaaliyeed mid noqoto oo ay Somaliland gooni isu taagto, Puntland ay gooni isu taagto oo Koonfurtu gaar isu taagto oo dan guud loo arko, anigu ma noqonayo qof odhanaya waxaan ka soo horjeedaa danta guud. Waxaan jeclaan lahaa in Umadda Soomaaliyeed ay noqoto mid culus oo mid ah oo quwadaha waawayn ee Mandaqaddan Geeska Afrika. Sidaas ayaan u arkaa inay dantu ku jirto, waxaanan u arkaa inay sidaa ku  damba ynayso. Arrinta gooni-isu-taagga Somaliland siduu ku yimi taariikhiyan haddii dib loo eego waxaan ka mid ahaa Ururkii SNM. Waxyaabaha uu Ururkii SNM u  dagaall amayna waxay ahayd in uu xoreeyo qaybahaa Soomaaliyeed ee Somaliland ee Ingiriisku gumaysan jiray. Ururkii SNM wuxuu aaminsanaa inay danta guud ku jirto inay Umadda Soomaaliyeed wada shaqayso. Laakiinse, haddana Ururku wuxuu ka shaqeeyay dhibaatadii gaarka ahayd ee Somaliland lagu hayay inay dhammaato, waanu ku guulaystay. Waxaanay aniga ila tahay in Ururka ujeedadiisu ay had iyo gooraale ay ahayd inay Somaliland ka mid noqoto Umad Soomaaliyeed oo Geeska Afrika ku nool oo xooggan oo ka qayb-qaadata horumarka dadka Soomaaliyeed ee kale ee Geeska Afrika kula nool. Hase ahaatee, iyada oo ay maanta dhibaato ka taagan tahay dhinicii Koonfurta, haddii danaha dadka Somaliland jooga lagu lumiyo waxaan dan u ahayn iyaga, umadda Soomaaliyeedna aan dan u ahayn, wa an fahmi karaa dadka dhinacaas wax ka eegaya. Laakiinse, anigu waxaan  leeyah ay aakhiritaanka Umadda Soomaaliyeed ma kala maaranto, mana kala maarmi doonto.

S: Ismaaciil, Waraysi aad Warbaahinta Somaliland qaarkood siisay waxaad ku  she egtay in aad Hargeysa u soo socot. Maxaa isbedelay?


J: Waa sidii uun, waan imanayaa Hargeysa oo Fikirkayga qaba oo aniga oo  aami nsan aan Hargeysa yimaaddo oo aan ka qayb qaato horumarka Somaliland iyo U madda Soomaaliyeedba. Laakiinse, hadda dano gaar ah ayaan Nairobi u joogaa in aan fushado, balse waan u diyaar-garoobayaa in aan Hargeysa imaaddo.

S: Somaliland 18-sanno ayay jirtaa oo gooni bay isu taagtay, Doorashooyin-na way qabsatay. Sideed Somaliland u aragtaa?


J: Somaliland waxay samaysay horumar guud ahaaneed oo Siyaasad, degannaa nsho iyo ammaan. Laakiin, dhinaca Nolosha dadka maaha mid sidaa u horumartay. Cusbataalladu aad bay u liitaan. Magaalada Berbera oo ah Wejiga iyo  horuma rinta Somaliland laga dheehan karo, waynu ognahay siday maanta tahay. Maanta Somaliland waxay u baahan tahay horumar culus. Taasna waxay ku gaadhi kartaa iyada oo ka qayb qaadata horumarka iyo degannaashaha Mandaqadda. Laakiin, mid intay iyadu cid walba iska faquuqdo ay horumar samayn karta ma filayo inuu iman karo.

S: Sideed u aragtaa Dawladda uu hoggaamiyo Shariif Sh. Axmed ee Soomaaliya, ma sii jiri kartaa?


J: Wallaahi, dhibaato xooggan ayaa haysata Xukuumadda Sheekh Shariif, dadka hoggaanka ka ah Xukuumaddaasina maaha dad awood hoggaamineed oo culus l eh maaha, dhibaato culusna way jirtaa oo way adag tahay in siday wax u socdaa n ay ka baxdo. Iyada oo sidaasi jirto, waxa arrinta lagu dhammayn karaa oo kaliya dib-u-heshiisiin ay u dhan yihiin Umadda Soomaaliyeed. Laakiin, Ciidamo shisheeye oo loo yeedho oo Xukuumadda ilaalisa maaha wax suurtogal ah, waayo waanu tijaabinay oo tii aan ka mid ahaa ayaanu soo aragnay. Waxa lagama maarmaan ah in dadka Soomaaliyeed ay iyadu isku tashato oo ay wada fadhiisato. Taas ayuun bay Xukuumadda Sheekh Shariif meel ku mari kartaa. Balse, haddii lagu hoos gabbado Ciidamo shisheeya ama AMISOM ha noqdaan ama kuwo kale ha noqdaane, waxaan u arkaa inaanay horumar keeni karayn. Waxa loo baahan yahay in Xukuumad dadku taageerayo oo loo wada dhan yahay ay meesha timaaddo.
 

 

Source:HCTV