Waxaan cambaareynaynaa Isku Deygii Dilka a haa ee lala beegsaday Xildhibaan Qabile

 

Mana garankarno sababta aysan weli uga hadlin Xukuumada Riyaale ……. waana taariikh aad u madow Tuhunka Haayadii Amniga ee ka masuulka  a hayd amniga dadka ee ilaalin lahayd in loo xidho xubintii ugu sareysay   C.I . D G/ Saaxil…, ahaa isku daygani mid waxashnimo ah oo aanay qabin  Dii nta Islaamka, kooxihii ka dambeeyay falkaasina waxay ahayeen kuwo  ja ahiliin ah.... .. , waana lala xisaabtami doonaa , ciddii ka danbaysay iyo  ku wa u fuliyeyba….. Waxaana aanu xasuusinaynaa in aan falkan xuni aanu umadda ka weecin doonin hadafka ku aadan in umaddu ay u Baahantahay ... Taliye Ku Xigeenka Ciidanka Bilayska Somaliland Maxamed Shiil Dhidar ayaa noqday derbi hortaagan kiiskii si ......

Waxaanu cambareyn dusha uga tuuraynaa isku deygii dilka ahaa ee lala beegsaday 4/11/09 Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile oo ka tirsan  Wakii ll ada Somaliland, kana mid ah Mudaneyaasha xisbiga UCID ugu jira  golaha as ee laga soo doortay G/Saaxil, uuna ahaa falkani mid ku cusub  Somalila nd oo ah wax laga naxo, kuwii ka danbeeyeyna aanay if iyo aakhirona  mid na faa,ido ka helayn .

Falkan lagula kacey mas’uulkan ayaa wuxuu ugub ku yahay Somaliland , Mana garankarno sababta aysan weli uga hadlin Xukuumada Riyaale sababaha loo xidhay taliyahoodii , waana taariikh aad u madow Tuhunka Haayadii Amniga ee ka masuulka ahayd amniga ee ilaalin lahayd in loo  xid ho xubintii ugu sareysay C.I.D G/ Saaxil, Ibraahin Cabdi Aw Nuux (Dhago seyn), isagoo xildhibaan Qabiile uu dhacdadan fuusha xun shir jaraa,id oo uu qabtay ku sheegay in aanu jirin wax u dhexeeyay oo ay isku hayeen  m asuulka arrintaa loo xidhay, taasuna ay tahay wax cidkale soo  abaabus hay , iyadoo ay jireen dhacdooyin iyaguna aad u fool xun oo ka dhacay G/Saaxil isla sanadkan.

Waana fal gebi ahaanba mudan in la cambaareeyo, dilkuna wuu ka soo hor jeeda diinta Islaamka , Isku daygan dilka ah ee lagu qaaday Xildhibaankan umadda leedahay, wuxuu la mid yahay isku-day dila oo lagu qaaday dham maan Umadda Somaliland , maadaama uu wax dhimaayo dadaalka dadku mudada dheer ugu jiray inay helaan maamul wanaagsan cadaalad iyo kala-danbeynba.

Waxaa cad in kuwa amray ama fuliyey isku-dayga dilka aysan dan ka  laha yn dalkan , dano gaara wataan , Waxuuna ahaa isku daygani mid  waxash nimo ah oo aan qabin Diinta Islaamka, kooxahaa ka dambeeyay falkaasina waxay ahayeen kuwo jaahiliin ah .

Waxaana aanu xasuusinaynaa in aan falkan xuni aanu umadda ka weecin doonin hadafka ku aadan in umaddu ay u baahantahay isbedel Siyaasdeed ee ku aadan inay sii wado howlahii halgankaasi ay ku gaadhi lahayd .
Kuwii falkan waxashnimada ah geystayna ay ahaayeen kuwo la soo  qald ay, waxaana aanu xasuusinaynaa in qofka qofkale naftiisa gooya ogyahay ciqaabta ilaahay agtiisa .......

Si kastaba ha ahaatee isku-dayga dilalka noocana ee Somaliland ayaa wali ah kuwo ay dadka Somaliland dhagahooda ka guuxayaan , waxaana isa soo taraya cambaareynta loo jeedinayo.

Mana aha falalka noocani qaar la dhaafayo , waana lala xisaabtami  doona a , ciddii ka danbaysay iyo kuwa u fuliyeyba , haddii Somaliland hore  cafis yo badan u bixisay mustaqbalka ciqaab ayey mutaysan doonaan  waqtige eda, waxaa jira tuhuno farabadan oo soo baxaya iyo sabab aan la fahmi karin oo Taliye Ku Xigeenka Ciidanka Bilayska Somaliland Maxamed Shiil  Dh idar ayaa noqday derbi hortaagan kiiskii , caqabad weyna ku ah, si badhe edhana u hortaagan , sidii loo heli lahaa cadeymihii loo baahnaa iyo  socod kiisiiba.

Xildhibaanku wax danbi ah ma galin oo aan ahayn inuu ka hadlo arimaha siyaasada ee wadanka iyo xaalada G/Saaxil oo ah halkii laga soo doortay uuna ka shaqeeyo danaheeda markasta, baahidooda degaankaasi aad uu uga hadlo, taasina ay laf dhuun gashayna uu ku noqday maamulka  G/Saa xil iyo Xukumada Riyaalaba.



-Allaa Mahad Leh-

 



Jama Soyaan Gaaxnuug , Hargeysa /Somaliland