“Waxaanu soo taabanaynaa Yoocadda xadkayaga, Puntland way iska hambabartay” Wasiir Xaabsade

 



Ceerigaabo (TNN)-Wasiirka Warfaafinta iyo wacyigalinta Somaliland Md,Axmed Cabdi Xaabsade waxa uu jawaab adag ka bixiyey hadalo ka sooyeedhay maamulka Puntland ee Soomaaliya isla markaana waxa uu uga digay inay ku soo xadgudbaan dhulka Somaliland.

”Niman ka hadlay Puntland oo yidhi sidee Madaxweynaha Somaliland u yimaadaa Laascaanood ama jiida hore ee ciidanka qaranka, kaasi waa nin iska hambabaray waxaan leeyahay Faanoole fari kama qodna,”ayuu yidhi Wasiirka warfaafintu.

Wasiirka Warfaafintu waxa uu sheegay inay Somaliland soo taabanayso xadka ay la leedahay dalka Soomaaliya.

“Madaxweynuhu isagaa halkan nagu hayee waxaanu tagaynaa jiida hore waxaanu gaadheynaa xadkayaga Yoocada ee bal ninka wax tuur-tuurayoow waa lagu arki doonaa,”ayuu yidhi Md. Ax med Cabdi Xaabsade, oo ka mid ah weftiga Madaxweynaha oo ka hadlay fagaaraha beerta xori yada ee magaalada Ceerigaabo ee xarunta Gobolka Sanaag.

Wasiirka Warfaafinta ee Somaliland Md. Axmed Cabdi Xaabsade, waxa kale oo uu ku dooday in wasaaradiisu ay wax badan qabatay mudadii ay jirtay xukuumada Madaxweyne Axmed Siilaan yo waxaanu tilmaamay in dib u habayn balaadhan lagu sameeyay wasaarada.

Wasiirku waxa uu sheegay in TV-ga qaranka baahintiisii la gaadhsiiyay qaarada yurub, waxa ka le oo uu carabaabay inay dhawaan dalka imanayso idaacad weyn oo baahinteedu gaadhi doon to gobolada dalka iyo dalalka dariskaba.

 



Source: Somaliland.Org